Hargeysa(ANN)Dallada Jilayaasha ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf ayaa sheegtay in lacag malaayiin dollar ah oo la doonayo in mashaariic horumarineed lagaga fulayo Somaliland, isla markaana wax lagaga qabto adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada  lagu shubay sanduuq loo

sameeyay, kaas oo ay qorshihiisa lahaayeen Denmark iyo Britain.
Sidaana waxa laga sheegay  Kulankan labadii maalmood ee ugu danbeeyey ka socday Hotelka  Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay ka qayb galleen  xubno ka socday dhamaan gobolada somaliland iyo xubno heer caalmi ah. Agaasimaha Fulinta ee Dalada Sonsaf Maxamed Axmed Muxumed oo ka hadlay kulankaa, ayaa  shaaca ka qaaday  qaybtii u horaysay ee lacagtaa oo ka timi dalka Denmark lagu shubay sanduuqaa, isla markaana kulankoodu ahaa dood ku saabsan sidii loo maamuli lahaa sanduuqa dhaqaale  ee dhawaan beesha caalamku ugu dhawaaqday inay u samaysay wadanka somaliland.
Kulankan ayaa mudadii uu socday lagaga wada hadlay adeegyada muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu  fuliyo lacagtaa. Agaasimaha Fulinta ee Dalada Sonsaf Maxamed Axmed Muxumed oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in mudadii uu socday lagagag wada hadlay adeegyada ugu muhiimsan ee lagu fulin lahaa lacagta ku  soo dhacda sanduuqan, agaasimuhu waxa kale oo uu ka hadlay kaalinta ay Sonsaf ka qaadatay kulankan.
Agaasimaha oo ka hadlaya kulankan ayaa waxa uu yidhi “kulankani  waxa uu ku saabsanaa sanduuq loo sameeyey somaliland, sanduuqan oo ah markii ugu horaysay ee la sameeyo,  ama la abaabulo mid noociisa oo kale ah, sababta oo ah markii hore hay’addaha caalamiga ah,  ama kuwa wadaniga ah ayaa lacagaha loo dhiibi jiray.
Hada  waxa la doonayaa in la sameeyo sanduuq gaara oo lagu shubo lacagta horu marineed, kaas  oo lacagtii ugu horaysay oo ah 25000000$(shan iyo Labaatan Milyan oo doolar  ah )  ay ku  shubtay dawlada  Denmark,  iyada  oo la soo mariyey hay’adda u qaabilsan deeqaha ee la yidhaa Danidda,waxa kale sanduuqan lacag ku shubaysa bilaha soo socda dawlada ingiriiska iyada oo soo marinaysa hay’adda u qaabilsan deeqaha ee DFD.”
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in sanduuqan loogu tala galay in wax lagaga qabto adeegyada Aas-Aasiga u ah bulshada wuxuuna, isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “waxa loogu tala galay sanduuqan in adeegyada Aas-Aasiga ah ee somaliland wax lagaga qabto, kuwaas oo  la xidhiidha qorshaha horu marineed ee somaliland.
Lacagahani maaha kuwii ay ina siinayeen wadamada yurub,  laakiin waa lacag ka khaasa.”
Agaasimaha oo ka hadlaya doorka ay dalada Sonsaf ka qaadatay kulankan waxa uu yidhi,  “doorka ay Sonsaaf ka ciyaartay  waxa weeye inay iskugu  yeedho  dad badan,waxaana noo yimi bulshada somaliland qaybaheeda kala duwan oo muhiima,  kuwaas oo aanu doonaynay inay talo ka bixiyaan baahida ka jirta dalka iyo sida sanduuqa loo maamulayo iyo sidii ay lacagtani u noqon lahayd mid ka duwan tii ay hay’adduhu maamuli jireen,  kuwaas oo inta badan aan la garan sida ay ku  baxayaan lacagaha ay maamulaan. Markaa waxaanu arkaynay  inay aad muhiim u tahay in sanduuqan la sameeyo oo lacagaha lagu shubo walibana laga maamulo caasimada somaliland ee Hargeysa.
Lacagtani maaha mid meel fog la dhigayo ee waa mid dalka gudihiisa taala, waa lacago la gaadhi karo,  taas oo lagaga maarmi karo lacagihii meelaha fog fog loo dooni jiray, waxyaalaha lagaga wada tashaday kulankan waxa ka mid ah in la sameeyo cidii maamuli lahayd sanduuqan,  kuwaas oo ay ku jiraan Dawlada, Ururada Aan Dawliga ahayn iyo  wadamada deeqaha bixiya. Waxaana la doonayaa inay lacagtani noqoto mid la arko waxyaalaha lagu qabanayo,  taas oo ka duwanaan doonta tii ay hay’adduhu odhan jireen waxyaalahaas ayaanu ku qabanay ee hadana aan la arki jirin. Waxa la soo jeediyey baahiyo badan oo lagama maarmaan u ah in wax lagaga qabto lacagahan kuwaas oo ay ka mid tahay Wadooyinka, Xoolaha,Biyaha,Kaluunka,Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Marka loo eego horu marka dalka talaabadani waxay noqonaysaa mid hore loo qaaday, waxaanu filaynaa inuu sanduuqani noqon doono mid wax ka tara baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka.” ayuu yidhi.
Sidoo kale Agaasimuhu waxa uu sheegay in qodobada ka soo baxa shirkan loo gudbin doona wakiilo ka socda Hay’addaha dhinaca deeqaha u qaabilsan wadamadda Denmark iyo Ingiriiska,  kuwaas oo iyaguna qayb ka ah kulamadan lagaga tashanayo sidii loo maamuli lahaa sanduuqa lagu shubayo lacagaha lagu horumarinayo adeegyada  aasaasiga ah ee bulshada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *