images/stories/br.jpg  Nairobi (ANN) Shirkad laga leeyahay dalka faransiiska oo lagu magacaabo Bollore Africa, ayaa sheegtay inay ku guulaysatay inay dib-u-habayn ku samayso Dekedda magaalada Berbera.

Siday faafisay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, Maareeyaha guud ee shirkadda Africa Logistics Mr. Dominique Lafont oo Khamiistii shirjaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay  inay qandaraaskaa ku guulaysteen si dalka aan Badda lahayn ee Itoobiya looga caawiyo fududaynta alaabooyinka uga soo dega Dekedda Berbera iyo baahida adeegyada dekedeed ee ka jira halkaa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in hawlaha shirkaddoodu qabanaysaa ay caawin doonto fududaynta baahiyaha soo degista iyo dhoofinta  Badeecadaha iyo  isu socodka nidaamka dhinaca gaadiidka Badda.

 

 

Maareeyaha guud ee shirkada Bollore Mr. Dominique waxa uu xusay  in hawshaasi  ilo cusub oo dhaqaale u furayso dawladda Somaliland, isagoo yidhi,  “Waxaanu dekedda u hawlgelinaynaa inay noqoto sidii Deked qaran oo Itoobiya ah,” Waxa uu sheegay in Dekedda lagaga  shaqayn doono heshiis ogolaansho ah, taas oo gundhig u noqonaysa doorka shirkaddu ka qaadanayso heshiisyada kaabayasha dhaqaale ee Bariga Afrika.
Shirkada  Bollore Africa oo laga leeyahay dalka faransiiska ayaa ka mid ahayd shirkado ay xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale dhawr jeer sheegtay inay heshiis la galeen si ay u habeeyaan oo dib u habayn ugu sameeyaan Dekeda Magaalada Berbera. Laakiin heshiisyada iyo shirkadaha ay xukuumadii hore sheegi jirtay ayaa inta badan noqon jiray kuwo guuldaro ku dhamaada, iyadoo ay xukuumada Somaliland ee waqtigan talada haysa oo xiligaa mucaarid ahayd iyo qaybo bad oo ka mid ah bulshadu u arkayeen heshiisyada iyo shirkadaha xukuumadii Rayaale sheegi jirtay kuwo aan waxba ka jirin, balse dhowaan ayuu wasiirka cusub ee Dekedaha Somaliland ee Xukuumada Axmed Siilaanyo sheegay inay dib u eegayaan qandaraaska Dekeda Berbera lagu siiyay shirkadaa Faransiiska ee Bollore Africa. Balse masuulka waqtigan u hadlay shirkada ma cadayn  inay wax xidhiidh ah la sameeyeen xukuumada cusub ee Somaliland.
Saraakiil ka socatay shirkadaa ayaa booqasho ku yimi Somaliland May, 2009, kuwaas oo booqday Bekeda Berbera, isla markaana kulamo la yeeshay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale iyo Maamulkii Dekeda Berbera.    Shirkadan oo laga leeyahay dalka faransiiska  waxay  horeba u maamulaysay  Dekeddaha dalalka Ghana, Ivory Coast, Nigeria, Benin, Togo, Cameroon iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.
Sidoo kale, waxay maamushaa khadadka Tareenada ee dalaka Ivory Coast, Burkina Faso iyo Cameroon, waxayna ka hawlgashaa ilaa afartan wadan oo ku yaala Afrika, kuwaasoo ay qaab farsamo uga shaqayso, iyadoo inta badan maamusha badeecadaha dhoofinta, soo dejinta iyo adeegyo kale.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *