images/stories/c2.jpg Hargweysa (ANN) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), masuuliyiinta labada xisbi mucaarid iyo xisbul xaakimka ayaa saaka munaasibada ciida kala qayb galay dadweynaha magaalada Hargeysa, iyadoo Madaxweynaha iyo masuuliyiinta sadexda xisbi qaran iyo xubno ka tirsan  golaha wasiirada ee xukuumadiisu  Salaada Ciidal Fitriga kula tukadeen

dadka Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), salaada ka dib qudbad kooban ka jeediyay halkaa. Marka laga yimaado hanbalyada muunaasibada ciida waxaa uu sheegay in ummada Somaliland ay halkaa  kusoo Gaadhay wada tashi iyo inay ilaashadaan qaranimadooda iyo nabadgelyadooda. Kadib halgan mudo dheer qaatay oo dhibaatooyin  badan lahaa. Sidaa awgeed loo baahanyahay inaynu  ilaashano  nabadgelyadeena  iyo Wadajirkeena ayuu yidhi Madaxweynuhu, isagoo xusay in la ogaado dhibaatooyinka iyo duruufaha mandaqada aynu kunool nahay  iyo xaaladeeda, taas oo uu sheegay inay haboon tahay oo ay lagama maarmaan tahay  in si  wadajir ah gamcaha laysu qabsado dawlad,  shicin iyo  dhamaan qaybaha bulshada  sida  dhallinyarda,  Culimada, Odayaasha, Siyaasiyiinta oo meel looga soo wada jeesto midnimada qaranimada, qadiyada Somaliland, nabad gelyada iyo horumarka dalka.

 

 

 

 

Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukaday Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, waxaanu khudbad uu ka jeediyay halkaa shacbiga Somaliland ku bogaadiyay munaasibadda Ciidul fidriga, isagoo u  rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo, wuxuuna  dhambaal Hambalyo ku wajahan munaasibada ciida u diray dunida Islaamka.
Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay inay fuliso dhamaan waxyaabihii ay balan qaadeen xiligii ay ku jireen olalihii doorashada Madaxtooyada, isagoo dadweynaha ka dalbaday inay la shaqeeyaan xukuumadda.
C/raxmaan Seylici wuxuu dadweumaha Somaliland u soo jeediyay inay ilaaliyaan nabadgelyada dalka oo ay la shaqeeyaan ciiddamada amniga.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe  oo hadal kooban  ka jeediyay  xarunta Qasriga Madaxtooyada oo Madaxweynhu ku marti qaaday,  ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland oo axsaabta ku marti qaaday madaxtooyada si ay goob ugu wada ciiddaan, wuxuuna  yidhi,  “Waxaan leeyahay Shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba Ciid Mubaarik, sanadkan sanadkiisii waxaynu ku jirnay khilaaf siyaasi ah, maanta Ilaahay mahadii wuxuu Madaxweynaha Somaliland axsaabta ku marti qaaday inay wada tukadaan oo ay isku yimaadaan. Waxaan leenahay Guurtida dalka buuqa ka daaya oo sharciga ilaaliya iyo xilkasnimaddii lagu yaqaanay odayaashii hore ee aad dhaxasheen la yimaada masuuliyaddii iyo xilkasnimaddii lagu yaqaanay odayaashii Guurtida.”
Sidoo kale  waxa halkaa ereyo  kooban ka jeediyay  Guddoomiyaha xisbiga Tallada haya ee KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi, isagoo  yidhi “Waxaan shacbi weynaha Somaliland u dirayaa hambalyo waxaanan leeyahay ciid mubaarik sanadkan sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo barwaaqo.maanta waynu ognahay  inay dagaalo iyo dhibaato ka socoto Mandaqadda. Farriinta aan dirayaa waa inaynu nabadgelyada ilaashano xisbiga tallada ku guulaystay ee KULMIYE wuxuu ku socdaa inaanu dhiilka kaligii la jeedsan ee aynu wadaagno tallada oo wada tashano. Fikradahana lagu xaliyo isku tanaasul.”
Sidoo kale, Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland oo ah  Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga UDUB,   Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shacbiga Somaliland iyo dunida muslimkaba u diray dhambaal Hambalyo ah,  wuxuuna  u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

Munaasibada ciida oo ahayd tii ugu horaysay ee inta la xusuusan yahay Madaxweynaha talada haya iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaridku meel kuwada ciidaan ayaa si weyn uga duwanayd munaasibadii hore ee ciidaha, iyadoo la xusuusan yahay inay munaasibada ciidii kal hore ay Somaliland ku jirtay xaalad qalafsan oo muran siyaasadeed oo ka dhashay mudo kordhino iyo dib u dhacyo dhawr goor ku yimi doorashooyinka sida doorashadii  madaxtooyada  ee uu ku guulaystay madaxweynaha waqtigan xilka haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dhinaca kale munaasibada ciida ayaa si weyn looga wada ciiday gobolada iyo degmooyinka Somaliland iyo guud ahaan dunida islaamka, iyadoo aan  dunida islaamka laysku khilaafin bilaw ilaa dhamaad sanadkan bisha barakaysan ee Ramadaan.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *