images/stories/askqartya.jpg Muqdisho (ANN) Magaalada caasimada Somalia ee Muqdisho maalintii shalay ee ciidal Fitriga xaaladeedu deganayd. Kadib dagaalo todobaadyadii u danbeeyay si xidhiidh ah uga socday halkaa iyo qaraxyo is miidaamin ah,   ayaa u muuqata  inay kooxaha dagaalamayaa halkoodii kasii wadayaan duqaynta iyo weerarada oo ay inta badan khasaare kasoo gaadhaan shacbiga dagaaladu aafeeyeen ee ku hadhay magaalada muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararku  ciidamada  AMISOM iyo kuwa dawlada taagta daran  ayaa galabta madaafiic xooggan ku garaacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo kamid ah Magaalada, ma jiraan  warar dheeraad ah oo faah faahinaya khasaaraha ka dhashay madaafiicda galabta, balse waxa jira  tibaaxo sheegaya  inay ku geeriyoodeen ugu yaraan saddex qof,  halka ay dhaawacyo kala duwani kasoo gaadheen  ilaa inta la ogyahay Afar kale.
 
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku kala sugnaa  Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo Degmooyin ay kamid tahay Degmada Hodon oo Guri ka yaalla uu ku dhacay madfac kaas oo sababay dhimashada qaar kamid ah dadka geeriyooday iyo dhaawaco soo gaadhay  qaar kale, iyadoo  waxyeelada madaafiicdu ka dhacday qaybo kamid ah Suuqa Bakaaraha.
 
Madaafiicda galabta ayaa waxa ay kasoo dhacday inta badan saldhigyada ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay madaafiicda ka hor in hoobiyeyaal lagu garaacay qaybo kamid ah fadhiisimada Ciidamada Amisom,  taas oo dhalisay in madaafiicda  khasaaraha sababtay  ee lagu garaacay Magaalada inteeda kale ay jawaab u noqoto hoobiyayaasha lagu riday fadhiisimada ciidamada AMISOM.

Sidoo kale madaafiicda khasaaraha dhaliyey ee maanta lagu garaacay Suuqa Bakaaraha waxa  ka horeeyey iska hor imaadyo maanta ka dhacay Isgoyska Dabka,  kaas  oo dhexmaray Ciidamada Dawladda KMG ah  iyo kuwa dhinacyada Dawladda kasoo horjeeda, balse wararku waxay sheegayaan inuu iska horimaadka ka dhacay Isgoyska Dabku sababay khasaare kooban.
Laakiin  Weerar loo adeegsaday miinada meesha fog laga hago ee Remote-ka lagu maamulo  ayaa waxaa lala beegsaday agagaarka  Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, halkaas oo uu marayay  gaadhi  ay saarnaayeen
 
Ciidamo katirsan kuwa Dawladda, waxaana wararku sheegayaan  in shan kamid ah ciidamada gaadhiga watay  ay ku geeriyoodeen weerarka lala eegtay gaadhriga ay saarnaayeen. Sidoo kale waxa weerarkaa dhaawac kasoo gaadhay  dad isugu jira rayid iyo askar.
 
Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay siweyn u deganayd,  isla markaana kama jirin wax dagaallo iyo duqaymo ah, iyadoo uu Madaxweynaha dawlada ku meelgaadhka ah Sh. Shariif munaasibadii salaadii ciida hadal uu ka jeediyay Masjid ku yaal  meel u dhaw madaxtooyada villa somaaliya ayaa ugu baaqay guud ahaan in xal laga gaadho,  isla markaan si dhab ah  loo taabto meesha uu salka ku hayo  khilaafka siyaasiga ah ee burburka iyo dawlad la’aanta keenay, wuxuuna  usoo jeediyey beesha caalamka inaan la iska indho tirin dhibaatada Somaalia cagaha la sii galayso.
Sh. Shariif   waxa uu sheegay  inay jiraan fikrado  khaldan oo loo isticmaalayo hab diineed,  isla markaana lagu marin habaabinaayo bulshada soomaaliyeed. Wuxuuna carabka ku dhuftay   inaan Soomaaliya la isku haynin hab  Diimeed  ee la isku hayo arrimo siyaasadeed.
Madaxweynaha Somalia Sheekh shariif waxa uu u soo jeediyey kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda  xukuumadiisa inay ogolaadaan miiska wada hadalada si xal looga gaadho dhibaatada haysata umada soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dadweynaha soomaaliyeed inay is wada cafiyaan,  isla markaana ay muujiyaan midnimo, iskaashi  iyo walaaltinimo si looga gudbo mashaakilaadka ka taagan gudaha Soomaaliya.
 Hase yeeshee Xarakada Al-shabaab ayaa ku celcelisay in ay sii kordhinayaan oo ay sii wadayaan dagaallada ilaa iyo inta ay ka saarayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage {Cali Dheere} oo ka hadlayay munaasadda ciidul fidriga ayaa waxa uu uga digay shacabka soomaaliyeed inay ka fogaadaan goobaha ay ku  dhow yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG, wuxuuna sheegay  inay  dagaaladii ugu dambeeyay  ka soo hoyeen guulo waaweyn oo ay  dhameystiri doonaan inta  ka hadhay ujeedadooda dagaalka.
Weedhaha kala duwan ee kasoo baxay masuuliyiinta dhinacyada dagaalka ka wada Somalia ayaa muujinaya in aanay xaalada waxba iska bedelin, isla markaana aanay muuqan astaamo muujinaya inay  aqbalayaan kooxaha Al-shabaab iyo xisbul Islaam inay miiska wadahadalka ee uu ku baaqay madaxweyne Shariif yimaadaan.
Si kastaba ha ahaatee duqaymaha maanta mar kale ka bilaabmay magaalada muqdisho ayaa muujinata inay weli sii socdaan dagaalada khasaaraha faraha badan iyo dhimashada u keenay shacbiga iyo dadka maatada ah eek u hadhay magaalada muqdisho, waxaana weeradada maanta ka dhacay Muqdisho daba joogeen  dagaallo xidhiidh  ah oo saddexdii todobaad  ee lasoo dhaafay ka dhacay halkaa, kuwaas   oo sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 350qof, iyadoo ilaa inta la ogyahay ay ku dhawaacmeen tiro lagu qiyaasay  600, kuwaas oo u badan dadka shicibka ah ee aan ku jirin dagaalka  oo khasaare naf iyo maalba ahi kasoo gaadho madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayaan.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *