Kormeer Wasiirka Madaxtooyada Iyo Sarkaalka Midawga Yurub U Qaabilsan Somaliland Ku Sameeyeen Wadada Xidhiidhisa Hargeysa Iyo Berbera

Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Madaxtooyada oo ay Wehelinayeen Maareeyaha Wadooyinka, Engineer-ada u xilsaaran wadooyinka iyo La-taliyaha EU-da u qaabilsan Wadooyinka iyo koox suxufiyiin ah

 

ayaa saaka waxay kormeer ku soo mareen dib u dhiska wadada Berbera ilaa Lafa-ruug oo hada maraysa Xamaas, taas oo la doonayo in la gaadhsiiyo Degmada Sheekh.

IMG_0058Maareeyaha wadooyinka iyo sidoo kale Engineer-ada hawsha dhismaha jidkaa wada ayaa warbixin siiyay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali. sidoo kalena waxa halkaa hadal ka jeediyay wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland iyo La-taliyaha Arrimaha Wadooyinka ee EU-da u qaabilsan Somaliland.

kormeerka3IMG_0058
Wasiirku waxa kale oo uu soo kormeeray meelihii daadku waxyeelada u geysteen ee  burburka iyo dhaawacu soo gaadhay ee jidadka Laamiyada ee u dhow dooxyada, kuwaas oo noqday jarar iyo meelo khatar gelisay baabuurta balse si degdeg ah looga hawlgalay sida ka muuqata wasirada maanta.

IMG_0077kormeerka1
Sidoo kale Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in dhawaan ay iman doonaan Qalabkii wadada Ceerigaabo sidoo kalena la bilaabi doono dhowaan wadada u dhaxaysa Kala baydh iyo Dilla.

kormeer6kormeerka5

Hadalka wasiirka  iyo masuuliyiinta kale ka jeediyeen halkan ka dhegeyso.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *