Gudoomiyaha DALSAN Ismaaciil-yare oo magaciisa ku faanay, kuna hanjabay in aanay jirin cid ka xoog waynaan karta Iyo Cid Hor Istaagi Kartaa, Dhaliilana U Jeediyay Gudoomiyaha Kulmiye Muuse BiixiHargeysa (ANN) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna  Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka DALSAN.   Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa ku hanjabay in haddii nabad lagu wada tartami waayo aanay jirin cid shaqsi ahaantiisa ka xoog waynaan doonin magac ahaan, qof ahaan iyo

 

xaafad ahaan toona, isagoo tilmaamay in aan madaxtinimada lagu helin xabbad iyo xadhig midna, balse ay tahay wax qadarka Ilaahay ku yimaad.

Md. Ismaaciil-yare oo hadal ka jeediyey xaflad Hargeysa loogu qabtay shalay murrashax urur-siyaasadeedka DALSAN uga qaybgelaya doorashada golaha degaanka caasimadda oo ciidanka boolisku isku dayeen inay xadhaan habeenimadii Axadda, waxa uu sheegay inay ururkiisa ku soo biiri doonaan taageerayaal aad u tiro badan oo ay isku beel yihiin, waxaannu calaamad su’aal saaray waxa KULMIYE yeeli doono marka dadkaasi isku shubaan DALSAN.

“Wax waliba qadar Ilaahay ayuu ku socdaa ee qofna qof xoog kuma qabsado. Inankaa [murrashaxa xafladda loo qabtay Mr. Mukhtaar Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdillaahi] in badan baannu raajicinaynay inuu noo yimaad oo wuxuu ahaa xubnihii ugu kululaa ee ugu firfircoonaa xisbiga KULMIYE, markaa haddii Ilaahay ka soo qaaday oo uu annaga noo keenay waxaannu leenahay samra Ilaahay uun baa qadarka leh oo wax bixiya, isagaana noo keenay oo aannu ugu mahadnaqaynaa. Waxa iman doona kuwa kaloo aad ka yaabi doontaan oo ka soo jeeda halkaan anigu u dhashay oo beesha oo dhan isku raacday. Tolow KULMIYE markaa maxay yeeli doonaan, ma Baasuukay nala dhici doonaan mise BKM? Waxaan leeyahay siyaasaddu xadhig maaha xabbadna maaha, waa wax Ilaahay cidduu u qadaraa hesho. Waa wax uu helo qofkii Ilaahay wanaag kaga doonaa, annaguna wanaag bananu ku doonaynaa, nabad baannu ku doonaynaa, ciddii intaa ku joogi waydana cidna naga xoog roonaan mayso. Haddaan anigu isa sii is-idhaahdana waxaan ahay Ina Aadan Cismaan Qaate Aw Jaamac Xaaji Faarax Aw Kharbud baan ahay oo waad i garanaysaan in aanan cid u joojinayn, cidna iigu imanayn oo nin walba iska daalayo, oo nin i yidhaa waan iskaa daba taagayaa ama iskaa garab taagayaa mooyee aannu jirin nin iskay hortaagayaa, magac ahaan, qof ahaanba iyo beel ahaanba waad ii garanaysaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka DALSAN.

Waxa kaloo uu ka sheekeeyey dhibaato iyo dibin-daabyo uu sheegay in loo mageelay murrashaxa urrurkiisu xafladda u qabtay shalay, isagoo arrintaas faahfaahin ka bixinayeyna waxa uu yidhi; “Inankaa sharraxaaddiisa wax badan baa la isla soo maray oo way og yihiin guddida beeshu, laakiin intii u dambaysay oo qudha haddaan soo qaato been idiin sheegi maayee Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdillaahi waa nin la yaqaanno oo tii u dambaysay haddaan ka hadlo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa la hadlay oo ku yidhi inanka murrashaxnimadiisa jooji, haddaanad joojinayna annaga noo keen halkayaga ha laga sharaxee, sheekhu wuxuu ugu  jawaabay ilayn wuxuu ahaa nin dhawr jeer oo hore u gooyey, ma imanayee tolkii iyo DALSAN buu raacay.

Tii waxay isu beddeshay oo layaab noqotay baqashada laga qabo DALSAN oo sidaad ogaydeen dhallinyaro beesha ah sidii oo kale naloogu adeegsaday, markaannu aasaasaynay ururrada waatii kuraasta nalala dhacay oo waanagii annaga iyo siyaasiyiin farabadan fadhino xaal ka bixinay. Tiiyo kalena halkan bay ka bilaabantay oo koob iyo tobankii habeennimo ee xalay (habeen hore) inta layla soo hadlay baa la igu yidhi inankii bilays baa dul taagan oo la igu yidhi gurigii bay u dhacayaan roobaana da’aayey, waxaan u tegay taliyaha qaybta, waxaanan ku idhi waar ninkan bilayska ah ee laba baabuur la dul dhigay waa maxay, haddana waxaan la hadlay Gaydh oo guddoomiyihii beesha ah, isagana waxa lagu yidhi waa lagu xidhayaa, bal mucjisada eega! Dabadeed waxay noqotay inaan arrintii ka shaqeeyo oo taliye-ku-xigeenka bilayska la kulano oonu la hadalno ninkii hoggaaminayey booliskii loo diray inay soo qabtaan murrashaxa, dabadeedna ninkii bilayska ahaa yidhaa waa arrintaynu isla ogayn ee la ina yidhi fuliyee maxaad leedahay, waxaannu yidhi maba hayo oo wuu baxsaday ninkii, kadib markii uu ogaaday in waxa uu innanka ku soo qabanaayey ee loo sheegay been ahaa oo inta afar oday loo kaxaystay la yidhi haddaan ninkaa la soo qaban nabadgelyo-darraa dhacaysa.

Muuse (Guddoomiyaha KULMIYE) ayaa la hadlay booliskii oo yidhi odayaashaas arrinkay ka hadlayaan fuliya, dabadeedna waxay ku igu yidhaahdeen innankii wuu baxsaday ee iska tag, waxaanan ku idhi umaan iman inuu baxsado ee waxaan u imi in isaga oo halkan ku xidhan aan sii daayo idinka oo arkaya amma inaan la qaban karin inaan idiin sheego oo aanu wax dambi ah oo uu leeyahay jirin oo uu yahay murrashax xor ah oo beesha iska soo sharraxay, lana yidhi muxuu isu soo sharraxay, waxaan ku idhi taliyaha dabadeed kuwa kuu yidhi waa beenalayaal tuug ah. Aniga iyo Gaydh oo wada soconaya ayaa u tegay taliyaha qaybta, kolkaan arkay taliyihii saldhiga oo liic liicaya. Waxaan la hadlay taliyaha guud ee ciidanka booliska, waannu la yaabay markaan arrinkii u sheegay, waxaannu igu yidhi layaab baad ka sheekaynaysa, waxaanan ku idhi waad i garanaysa oo wax kala ka dhici doona oo Ismaaciil Aadan baan ahay oo kii shalay idin xukumayaan ahaa, haddaad wax ka qaban waydo adiga ka sheekayn baan ku idhi, aniga iga war sug buu igu yidhi, waannu igu soo celiyey, wuxuu igu yidhi waan u sheegay khalad baa dhacay, cid faragelin kartaa ma jiro odayaasha iyo inanka. Waxaan ku idhi intaa kumaan hadhin ee wixii waxa ka dambeeyey, aniga oo garanaya ciddii ka dambeeyey oo jaar baannu nahay Muuse Biixi oo raggii ka dambeeyey saaka (Shalay) 7:30 ayaa rag ka dambeeyey qaar ka mid ah ay gurigiisa galaayeen oo inamadii murashaxan tageeraayey dariiqa isku qabsadeen, hawsha noocaas iyo ceebta intaa le’eg ba dhacday.

Waxaan leeyahay haddii dawladda iyo Taliyaha Ciidanka Bilaysku arrinta wax ka qaban waayaan waxaannu u dhaafi doonaa Wasiirka Daakhiliga, wasiirku hadduu wax ka qaban waayana madaxweynaha ayaan u dhaafi doonaa oon cidna iga horjoogsan karin inaan u galo oo wax u sheego, markaa waad aragtaan waxyaabahaasi waxyaabaha nabadgelyada xumeeyey ayey ka mid yihiin.

Nin masuul ah oo dadka carruur u soo diraya oo kuraas la dhacaya oo haddana murrashaxiinta hadla waalidkood la hadlaya oo haddii loo gayn waaya leh qabta yuu ka soo bixine, kaasi ma dad iyo dal buu madaxweyne u noqon karaa?” ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare).

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *