Hargeysa(ANN)Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ayaa maanta soo bandhigtay adeegyo casri ah oo ay kusoo kordhisay adeegyadii ay hore bulshada ugu haysay, isla markaana shaacisay bushaarooyin laga sheegay madasha oo uu ka dhawaajiyay Gudoomiyaha Somtel Siciid Maxamed Siciid. Munaasibad

carwo ah oo lagu qabtay saaka Dhismaha Garoonka Timacade ee magaalada Hargeysa, waxa y shirkadu kusoo bandhigtay isticmaalka adeeg cusub oo dhinaca internetka iyo telefoonada ah, kaas oo ah qalab cusub oo magaciisa layidhaado FAST 3G SERVICE, sida ay sheegeen Saraakiisha Somtel qalabkaa FAST 3G SERVICE-ku waxa uu leeyahay xawaare ka dheereeya wixii horey dalka looga isticmaali jiray, waxa kale oo ay Shirkadda Somtel soo kordhiysay adeegga maqalka  iyo muuqaalka oo dadka wadahadlayaan, kaas  u suuto galinaya inay iska daawadaan shaahadaha Telefoonada ay ku wadahadlayaan oo aan hore dalka uga jirin, isla markaana goobtaa lagu soo bandhigay.


Guddoomiyaha shirkada Somtel Siciid Maxamed Siciid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan shirkadaa ayaa maanta shirjaraa´id oo ay ku qabteen xarunta shirkadu ku leedahay magaalada Hargaysa ku sheegay in la mataanayn doono shirkada isgaadhsiinta ee Somtel iyo shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil, Guddoomiyaha shirkadan Somtel Siciid Maxamed Siciid  oo maanta warfidiyeenada kula hadlaayey xarunta shirkada Somtel ayaa shaaca ka qaaday uguna bushaareeyey bulshada  inay badali doonaan magaca shirkada Somtel ee isgaadhsiinta,   isla markaana ay la mataanayn doonaan Shirkada Dahabshiil una bixin doonaan (DahabTel), wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaa aan idiinku bushaaraynayaa magaca shirkada waa la badali doonaa insha Allaa waana hanbalyooyinka hordhaca ah  iyo bushaarooyinka soo socda, waxaanaanu u bixin doonaa Dahab Tel, magaca Dahabshiil oo nagu qaalli ah oo aanu jeclahay, Shirkada Somtel hadda waxay jirtay sannad mana aanu jeclayn inaanu magacaa naga qaaliga ah u bixino shirkaa. Laakiin waxaanu sugaynay inata ay cageheeda isku taagay, maantase waxaanu aragnaa inay cageheeda isku taagtay waxaanuna  qiimihiisuna qaalibuu ahaa maanaan jeclaysan ilaa inta Somtel cagaa ku istaagayso inaanu magacayaga siino laakiin imika rajo weyn baanu ka qabnaa aadbaanaanu uugu kalsoonahay inay cagaheeda ku istaagtay markaa magacii Dahabshiil ee qaaliga ahaa waxaanu ku kalsoonahay inaanu badhax noqonayno, waxaanuna  hada noqonaynaa  DahabTel isha allaa markaa shirkadu kuma koobnaanayso Somaliland oo kaliya oo ilaa Dhoobley oo Kismaayo xuduudeeda ah aanu imika taxnay dhulka Soomaalidu degto oo dhan oo aanu ka  hirgalin doono”.

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xogo dheeraada warbaahinta kasiiyey Adeega 3G oo ay maanta ku soo bandhigeen garoonka kubada gacanta ee Timocade waxaana isaga oo adeegaasi faah-faahinaya uu yidhi “Mudanayaal waxaanu maanta halkan idiinku yeedhnay inaanu soo bandhigno isha allaahu khidmada 3G ee ah  Serves-ka Maqal iyo muuqaal iyo internet-ka oo ah mid casriya, dalalka aduunkana in yari ay isticmaasho waxaan ka gaadhin 70 dal qaaradeenan waxaa isticmaala 5 oo dal oo keenaa ku shana markaa waxaanu doonaynaa inaan idin tusno isaga oo baragtical ah oo aan shaki ku jirin oo muuqaalkiisa aad arki doontaan isha allaahu tacaalaa”

Guddoomiyaha Somtel wuxuu ugu  bushaareeyey Bulshada  in muddo ka yar bil ay Somtel iyo Dahabshiil oo wada jiraa ay soo bandhigi doonaan adeeg cusub oo lamagac baxay Mopile-bayment kaas oo uu ku sheegay inuu bulshada reer Somaliland uu u fududayn doono dhanka  xawaalada Dahabshiil oo iyaga oo guryahooda jooga ay wax ka qaadan doonaan account-gooda iyo xawaaladaba waxaana isaga oo arimahaasi ka hadlaaya uu markale yidhi “waxaan idiin sheegayaa oo aan idiinku bushaaraynayaa khidmad kale oo Somtel iyo Dahabshiil oo wada jiraa ay
soo bandhigi doonaan muddo aad u dhow oo bil ka yar Khidmada la yidhaahdo E- Dahab oo ah mopile-bayment dhamays tiran oo casriyeysan oo aamina kana duwan isha allaah kuwii horena kaga duwan lacagtaada kuugu jirta E-Dahab aanay noqondoonin mid hawada calaa faashuush ah,  laakiin ay tahay Acount lacagtaadu ay kuugu jirto dahabshiil oo aad markaad u baahato aad kala bixi kartid Dahabshiil hadii aad ku sidatid Mopile-paymentigaagana waad kala bixi kartaa waxaanuu kuu adeegayaa inta caadiga ah ee aad taqaanaan ee shirkaduhu ku shaqeeyaan, waxa dheer intaa Acounkaagii oo aad kala bixi kartid kuna shuban kartid oo hadii dahabshiil lacagi kuugu jirto adoo gurigaagi fadhiya ayaad kala baxaysaa , waanaad ku shubanaysaa xawaaladii guduhuna wey kuu soo dhacaysaa adigoo halkaagii fadhiyana  xawaaladii dibada waad diranaysaa adeegana waxa uu noo diyaar ahaa janweri  dhab ah waan idinku tusi karaa Mopile-baymentigayaga”
Dhinaca kale Munaasibad  carwo ah oo lagu qabtay saaka Dhismaha Garoonka Timacade ee magaalada Hargeysa, waxa y shirkadu kusoo bandhigtay isticmaalka adeeg cusub oo dhinaca internetka iyo telefoonada ah, kaas oo ah qalab cusub oo magaciisa layidhaado FAST 3G SERVICE, sida ay sheegeen Saraakiisha Somtel qalabkaa FAST 3G SERVICE-ku waxa uu leeyahay xawaare ka dheereeya wixii horey dalka looga isticmaali jiray, waxa kale oo ay Shirkadda Somtel soo kordhiysay adeegga maqalka  iyo muuqaalka oo dadka wadahadlayaan, kaas  u suuto galinaya inay iska daawadaan shaahadaha Telefoonada ay ku wadahadlayaan oo aan hore dalka uga jirin, isla markaana goobtaa lagu soo bandhigay.

Munaasibadaa carwada ay kasoo qaybgaleen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland xildhibaano, koox fanaaniin ah, suxufiyiin iyo qaybaha kale ee Bulshada, waxa ka hadlay masuuliyiin iyo saraakiil ka socday hawlwadeenada shirkadda. Waxaana carwadaa xadhiga ka jaray Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta  Somalialnd Axmed Xaashi Oday oo sheegay in adeega ay soo kordhisay Somtel yahay mid aad loogu baahanyahay.
Wasiirka Ciyaadaha  Cabdi Siciid faahiye oo isaguna hadal kooban halkaa ka jeediyay ayaa sheegay inay Shirkada Somtel tahay shirkad wadani ah, isla markaana ay tahay shirkadda keliya ee wax kusoo celisa jiilasha qalabkan casriga la doonayo inay isticmaalaan. Sidaa awgeed loo baahanyahay in la taageero.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Prof. Muumin Aare oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in tiknoolijiga casriga ah loo baahanyahay in laga faa’idaysto oo ay tahay fursad wanaagsan. Laakiin aanay ahayn isgaadhsiintu xageed joogtaa iyo halkaad maray oo sheekooyin aan macnalahayn ah, wuxuuna xusay inay in haddii aan la gaadhsiin dadka Miyiga isgaadhsiinta casriga ah ay iman karto inaynu kala luno oo aynu is afgaran weyno mustaqbalka.

Sidoo kale Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku sheegay baahida loo qabo adeegan iyo qalabka casriga ah ee ay keentay shirkadda Somtel.
Maareeyaha Shirkada Somtel Cawil Saalax Cabdi  waxaanu sharaxaad ka bixiyey qalabka adeegga 3G-ga iyo siyaabaha uu u shaqeeyo waxaanu sheegay inaanay ahayn markii ugu horeysay ee ay dalka keentay Shirkadda Somtel waxaanu sheegay inuu yahay mid u wanaagsan caafimaadka deegaanka iyo dadkaba marka loo eego noocyadda kale ee Technology-yadda caalamka.
Cawil Saalax Cabdi waxa uu sheegay inay shirkaddu keentay dalka adeeg kale oo la yidhaado Ilasoo hadal oo faa’ido badan ay ka heleen dadweynaha reer Somaliland “Somtel waa shirkaddii ugu horeysa ee dalka keentay adeegga 3G-ga dadweynuhuna way nala socdaan” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi.
Waxa kale oo uu intaasi raciyey “waxaan filayaa inaad wada haysataan qalabka yare ee 3G-ga ah oo ah  Flash, dhanka kalana waxa uu sheegay inay Somtel keentay adeeg kale oo la yidhaado Badbaado oo laga heli karayo Saldhigyada Boolis-ka si ay dadku u soo garaaci karaan markay dareemaan cabsi kaga timaadda Tuugta iyo wixii la mid ah.
“waxaanu ugu talo galay adeeggan Ilasoo hadal inaanay dadka iyo dantu cadaw isku noqon” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi, wuxuuna sheegay inay Somtel tahay shirkad nadiif ah oo aan xadhko iyo qashin wadooyinka xidhay  lahayn oo qalabkeedu yahay casri. Sidaa awgeed ay  taasi astaan u tahay tayada  iyo adeega nadiifta ah ee jaban oo aan dadka iyo deegaanka midna waxba yeelayn, isagoo yidhi, “Qofka debeda ka yimaada wuxuu dareemaa xadhkaha  sida qashinka u laalaada ee magaalada ka wada lusha. Laakiin idinku dareemi maysaan. Somtel malaha xadhkahaa magaalada daadsan, waana waxyaabaha ay kaga duwan tahay shirkadaha kale, waxa kaloo ay kaga duwan tahay adeeg hufan oo dadka u adeegaya oo aan dhibayn iyo tayo qalab casri ah oo aad markhaati ka tihiin.”

Shirkadan Somtel ayaa mudooyinkii u danbeeyeyba waxa ay ku gudo jirtay ballaadhinta adeegyada kala duwan ee ay shirkadaasi u soo bandhigto bulshada Somaliland. iyadoo isla maanta soo bandhigtay qaar ka mida adeegyada ay soo kordhisay, adeegyadaasi oo ay kamid ahaayeen adeega 3G iyo adeegyo kale oo casri ah. Kuwaas oo ay shirkadu sheegtay inay bulshadu ku heli karaan qiime macquul ah, iyagoo shirkad ahaan qiimaynaya oo ku xisaabtamaya  duruufaha bulshada iyo nolosha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *