Hargeysa(ANN)Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici ayaa markii Labaad Todobaadkan  Gudihiisa kormeer kedis ah kusoo maray qaar ka mid ah  Xafiisyada iyo dhismayaasha Hay’addaha Dawlada, iyadoo dhisamayaasha  wasaaraddaha qaarkood iyo xafiisyada Wasiiradaha

laga maqnaa oo aanay wax shaqo ahi ka socon.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland waxa uu kormeerkiisa saaka bilaabay qiyaastii Abbaaro 7:25 daqiiqo, wuxuuna booqashada  kormeerkiisa ka bilaabay Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaataha iyo Dhaqanka, taas oo  xiligaa uu Wasiirka Wasaaraddaa Cabdi Siciid Faahiye ka maqnaa xafiiska, balse  waxa halkaa warbixin ku siiyay Madaxweyne xigeenka Agaasimaha Guud ee wasaaradaa. Mustafe Maxamuud Qodax oo  ku sugnaa xafiiskiisa, wuxuuna ka waramay qorsheyaasha waxqabad ee wasaaraddaa iyo dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan hawsha ay qaranka u hayaan.
Madaxweyne Ku Xigeenku waxa kale oo uu kormeer ku soo maray Hay’dda Abaabul ka-saarka Qaranka ee loo soo gaabiyo (NDC) , taas  oo xiligaa  aanay  cidna joogin masuuliyiin iyo shaqaale marka laga reebo gabadh qudha oo ku sugnayd mid ka mid ah xafiisyada Hay’adda NDC.
Mr. C/raxmaan Ismaaciil Saylici waxa uu u gubay wasaarada xanaanada Xoolaha Somaliland, taas oo xiligaa  xafiisyadeeda gabi ahaanba albaabadu u xidhnaayeen isla markaana aanay ka socon wax shaqo ahi marka laga reebo hal xafiis oo keligii funaa. kadibna  Madaxweyne xigeenku wuxuu booqday dhismaha Wasaaradda Maaliyada ee kasoo horjeeda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, iyadoo ay xiligaa xafiisyada ka maqnaayeen Wasiirka wasaaradda Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi iyo Wasiir Ku Xigeenka wasaaradaasi Warsame Siciid Cabdi, balse ay xafiisyada qaarkood furnaayeen.
Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu kormeerkiisa ku tagay Wasaaraddaha Warfaafinta, Macdanta iyo biyaha, Wakaalada qurbo-jooga iyo Hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxaanu halkaasi warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta wasaaraddahaa oo xog waran kooban ka siiyay shaqada ay bulshada u hayaan, wuxuuna ku dardaaray Madaxweyne Ku Xigeenku masuuliyiintaa inay shaqada iyo adeega ay u hayaan bulshada ilaaliyaan oo ay gutaan xilkooda.
Todobaadkii hore  oo  uu sidan oo kale kormeer booqasho kedis ah ku maray xafiisyada dhawr iyo toban Hay’addood oo xarumaha dawladda ah, kuwaas oo intooda  badan haya’ddaha Madaxweyne-ku-xigeenku booqday uu kula kulmay masuuliyiinta ka shaqaysa oo xaadir ku ahaa wakhtigaa  xafiisyadooda, marka laga reebo labada masuul ee Hantidhawrka Guud  Maxamuud Aw Cabdi iyo Guddoomiyaha Haya’dda Shaqaalaha oo aan iyagu xaadir ku ahayn xafiisyadooda. Laakiin booqashada maanta ee Madaxweyne xigeenka ayaa ku hungoobay xafiisyada masuuliyiinta qaarkood iyo gebi ahaanba dhsimayaasha xarumahaa oo aan cidiba kasoo xaadirin shaqaale iyo masuuliyiin kale toona.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *