Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay dalka. ka dib markii uu socdaal shaqo ku tagay dalka cusub ee koonfurta Suudaan, halkaas  oo uu kaga  qeyb galay munaasibada xafladii loogu walqalay dalka Suudaanta

 

koonfureed ee cusub oo  shalay loo sameeyay dabaal deg balaadhan.
Madaxweynaha Somaliland markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa Saxaafada ugu waramayay waxa uu yidhi,  “ILAHAY ayaa mahad leh waxaanu ka soo qayb galay dabaal degii mada-baanida wadanka cusub ee Koonfurta Sudan, si wanaagsan ayaa naloo soo dhaweeyey si wanaagsana waanu ugu qayb galnay, maadaama ay Saxafiyiin nala socdeena wixii warar iyo tafaasiil ah waxaan u dhaafayaa iyaga.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay waxa ay ka baran karaan qaranimada koonfurta Suudaan waxaanu yidhi “Casharka laga baran karaa ummdii waxa weeye in ummadu isku xidhnaato oo ay meel ka soo wada jeedsato oo ay himiladooda iyo rabitaankoodaba ka dhabeeyaan markaas waxa la inooga baahan yahay dadaal badan.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay dalka koonfurta Suudaan kula kulmeen soo dhawayn wanaagsan waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaan la kulmay Masuuliyiin badan, dabcan madaxdu waxa ay u yimaadceen munaasibadaasi, laakiin waxanu ka helnay soo dhaweyn balaadhan.”
Madaxweynaha Sumaliland waxa casuumada munaasibadaa u raacay  oo xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Macdanta iyo Biyaha, Beeraha iyo koox suxufiyiin ah , kuwaas tiradoodu ahayd 15 Suxufi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka, waxaana la filayay inay safarka Madaxweynaha, dhaqdhaqaaqiisa  iyo munaasibada taariikhiga ah ee loogu walqalay dalka cusub ee Koonfurta Suudaan warbaahinta Somaliland si balaadhan looga dareemo, balse suxufiyiintaa oo qaabka  bilawgii socdaalkooda Af-hayeenka madaxtooyadu u maamulay mugdi badani ku xeeraa, isla markaana saxaafada Somaliland dareen cabasho ah ka muujisay ayaa ku guuldaraysatay inay waajahaan ujeedadii ay Madaxweynaha u raaceen, kuwaas oo aan soo tebin wax wara oo ku saabsan hawshii ay wefdiga Madaxweynaha ula socdeen oo  ay ku guuldaraysteen inay gutaan gebi ahaanba, ama xataa ay soo tebiyaan keliya warbixino la xidhiidha munaasibadaa iyo halka ay maraayaan wediga  Madaxweynaha Somaliland oo Bulshadu ka cadhootay qaabka ay Idaacada BBc-du uga waramaysay madashaa laysku arkay.

Sidoo kale Af-hayeenka Madaxtooyada oo suxufiyiinta Somaliland ku tilmaamayeen inuu masuul ka ahaa qorsha xumada dhinaca warbaahinta ee Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa ayaa isna ku guuldaraystay inuu war-saxaafadeed keliya, ama muuqaal sawir keliya   kasoo diro wefdiga intii ay joogeen munaasibadaa iyo kulamadii Madaxweynaha ee masuuliyiinta iyo madaxdii ay ku kulmeen madasha, waxayna kooxdaa Af-hayeenku u maamushay iyagoo laafyoonaya kasoo degeen maanta garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, taas oo noqotay  wixii ay markii horeba filayeen Bahweynta saxaafada ee dhaliilayay maamul xumada Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.


Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *