Hargeysa(ANN)Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa maanta soo bandhigtay adeegyo cusub oo ay soo kordhisay adeega ay bulshada u qabato, iyadoo lagu soo bandhigay madashaa adeega casriga ah ee 3G (La Jaanqaad Jiilka cusub), kaas oo ay sheegeen inuu

 

yahay maqal iyo muuqaal casri ah.
Carwada bandhiga adeega   ayaa lagu qabtay fagaaraha Beerta Xorriyada ee Hargeysa, waxaana Xafladda furitaanka carwadan cusub ka qayb galay Wasiiradda Hawlaha Guud Prof. Ismaaciil Muumin Aare, Cadaaladda iyo garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori, maamulka iyo hawlwadeenada kala duwan ee shirkadda Isgaadhsiinta Telesom iyo dad weyne kale.


Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo gaadiidka  Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare ayaa xadhiga ka jaray carwadaa  ay shirkada isgaadhsiinta ee telesom ku soo bandhigtay adeegyada  ku cusub  ee ay soo kordhisay.
Hadal kooban oo uu ka soo jeediyay  madasha Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Cali Cajab waxa uu ku sheegay inay adeegyadani yihiin kuwo casri ah,  isla markaana dalka ku cusub.


Wuxuuna Cali Cajab sheegay inay  balan qaadayaan  in shirkadoodu ay mar walba heegan u tahay sidii ay bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu soo bandhigi lahayd adeegyo ku cusub dalka,  kuwaas oo buu yidhi aanu ka soo dhex saari doono laba dhagax dhexdood
Sida aad arkaysaan waxa aanu maanta halkan ku soo bandhignay adeegyo ku cusub dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin adeega 3G oo dh+awaan aanu shaacinay.


Runtii shirkadda Isgaadhsiinta mar walba iyada oo maan ku haysa kolba taagta ay leeyihiin dadkeenu waxa aanu diyaar u nahay in aanu  u soo kordhino adeegyo qof kasta u fududayn kara hawshiisa
Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland  Dr. Axmed Xaashi Oday oo ka hadlay bandhigaa ayaa tilmaamay in Shirkadda Telesom oo iyadu ah shirkadihii ugu horeeyay ee dalka ka hano qaaday ay maalinba maalinta  ka danbaysa waxyaabo casri ah keenayso.
“Aad iyo aad baan ugu faraxsananahay in shirkadda Telesom oo iyadu ah shirkadihii ugu horeeyay ee dalkan ka hano qaaday inay maalinba maalinta ka danbaysa dalka ka hirgeliso adeegyo cusub.”ayuu yidhi Axmed Xaashi Oday.
Wuxuuna ku guubaabiyay mamulka shirkadaa  inay halkaas ka sii wadaan dedaalkooda,  isla markaana isugu geeyaan inay horumarka balaadhan ee ay shirkadu maalinba maalinta ka danbaysa ku sii talaabsanayso oo ay sii horumariyaan.


Sidoo  kale wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka markhaati kacay in shirkada Telesom ay tahay mid maalinba maalinta ka danbaysa waxyaabo ku cusub Somaliland soo bandhigaysa.
Waxa uu carabka ku dhuftay in adeegyada dalka yaala oo ah badankoodu ah kuwo cusub ay iska leedahay shirkadda Telesom, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ‘Runtii maanta waxa aanu halkan ku aragnay waxyaabo badan oo farxad I geliyay, waxaanan ka markhaati kacayaa in shirkadda Telesom ay iyadu guulo la taaban karo ka gaadhay dhinaca adeegyada aasaasiga ah ee ka jira dallka,  isla markaana ay tahay shirkada waxyaabahan casriga ah badankooda iska leh.


Gabogabadiina waxa halkaasi hadalo koobkooban isugu jira dhiirigelin iyo amaanba ka soo jeediyay Wasiirka Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare, waxaanu ka dib mahadnaqii u soo jeediyay shirkada Telesom uu ku dhiirigeliyay in ay ku dedaasho sidii ay kolba dunida waxa yaala ula talaabsan lahayd.
Marka hore aan u mahadceliyo dhamaanba hawlwadeenada kala duwan ee shirkada Telesom oo iyagu halkan ku soo bandhigay adeegyo cusub, waxaanay dhamaantoodba ahaayeen sidii laga warbixinayay kuwo cusub Somaliland.
Waxa aan leeyahay heer fiican ayaad maraysaan ee halkaas ka sii wada dhalinyarada  reer Somaliland waxa ay idiinka baahan tahay in aad kolba halka ay Technologyga laga marayo  aad u soo bandhigtaan
Qaar ka mid ah dadkii kasooo qaybgalay carwadaa ayaa qaarkood  iibsaday qalabkii lagu soo bandhigay carwadaa  Isgaadhsiinta ee Telesom.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *