Download MVC-013S.JPG (25.3 KB)

“Waxaanan ballanqaadaynaa in aannu toosino hannaanka maxaabiista mudada dheer iskaga jira xabsiyada ee kiisaskoodu muddo dhaafaan”

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha u qorshaysan ee uu doonayo inuu mudda uu xilka hayo wax ka qabto iyo qaabka ugu quruxda badan ee loo toosin karo qalooca

 

ku jira garsoorka iyo caddaaladda Somaliland, isaga oo dhinaca kalena ka hadlay caqabadaha garsoorka dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo shalay xafiiskiisa magaalada Hargeysa waraysi khaas ah ku siiyey Jamhuuriya iyo shabakada wararka Araweelonews, waxa uu daboolka ka qaaday in dhibaatooyin ka jiraan fulinta xukunnada ama go’aannada ka soo baxa maxkamadaha kala duwan ee dalka, isaga oo xusay in mararka qaarkood ay dhacdo in sabab nabadgelyo loo fulin kari waayo go’aan ka soo baxay maxkamaddaha.
Waraysigan oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland kaga hadlay qodobo badan, isla markaana uu baaq u jeediyey hay’adaha kala duwan ee garsoorka iyo dadweynahaba, waxa isaga oo faahfaahsan uu u dhacay sidan:
Su’aal: Guddoomiye, dhawaan ayaa laguu magacaabay Maxkamadda Sare, muddooyinkii u dambeeyeyna xukuumaddu waxay ku hawlanayd daraasaddo la doonayo in lagu saxo garsoorka, bal faahfaahin naga sii waxyaabaha kuu qorshaysan ee aad doonayno in aad wax ka qabato?
Jawaab: Sida aad sheegteen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu hore u ballanqaaday oo uu hadda bilawgii ballanqaadkiisa ku jiraa inuu wax ka beddelo hannaanka caddaaladda wadankeena oo dadku cabashooyin badan ka tabanayaan. Badanka cabashooyinkaasina waxay la xidhiidhaan dadka jeelasha ku jira oo aan filayo in dacwadahoodu muddo dhaafaan, una baahan yihiin in maxkamaduhu hore go’aan looga gaadho arrimahooda, iyada oo ay runtii jirayaan caqabado fara badan oo hortaan fulinta hawlahaas oo dhinaca gaadiidka iyo dhinaca wada shaqayntaba ah, runtiinaa arrimahaas ayaannu doonaynaa in aanu wax ka qabano.
Waxa kale oo noo qorshaysan sidii aanu wadashaqayn fiican ula yeelan lahayn hay’adaha dawladda ee wadaaga hawsha garsoorka, sida booliska, xeer-ilaalinta iyo ciidanka asluubta, kuwaasi ayaannu doonaynaa in aannu xoojino wadashaqayntooda, annaga oo doonayna in aannu sida ugu dhakhsaha badan qofka bani’aadamka ah ee xoriyadiisii ka maqan tahay in kiiskiisa loo dhameeyo oo uu u helo xaq-soor caddaalad ah,  sida ay na farayaan shuruucda iyo xeerarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qawaanniinta kale ee caalamiga ahiba. Waxaanan ballanqaadaynaa in aannu toosino hannaanka maxaabiista mudada dheer iskaga jira xabsiyada ee kiisaskoodu muddo dhaafaan anaga oo la kaashanayna hay’adaha aannu xidhiidhka kala leenahay dacwadaha ciqaabta ah.
Su’aal: waxa soo baxay in dhawaan ciidanka asluubtu sheegeen in qofka rumaanka ah booqashadiisu ku xidhan tahay qoraal laga soo qaato garsoorihii soo xidhay, wixii kale ee rumaan ahaan hore jeelasha ugu jirayna sidii caadiga ahayd loo soo booqan karo, arrintaaso ma wax cusub oo dhawaaan soo baxaybaa?
Jawaab: Dhawaan, waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray xeer la xidhiidha xuquuqda qofka muwaadinka ah ee xidhani u leeyahay booqashadda, iyada oo markii horeba dastuurkeena iyo shuruucdeena aynu ku qaadanay xoriyaadka aasaasiga ah ee maxbuusku leeyahay, run ahaantiina waxaan isleeyahay ciidanka asluubtu hawshaan way fuliyaan oo inta aan ka warqabo si toddobaadle ah ayaa maxaabiista xukuman loo booqdaa, kuwa garsugayaasha ah ama rumaanka ahna dhibaato kuma jirto haddii loo booqdo sida kuwa xukuman oo kale oo loo ogolaado eheladooda iyo ciddii kale ee booqanaysaba, waana xuquuq maxbuusku leeyahay, garsoor ahaana kama horjoogsanayno, waxaanan jecel nahay in ciidanka asluubtu maadaama ay maxaabiista qaabilsan yihiin ay kuwa rumaanka ah u ogolaadaan booshaqadda, mana jiro qaannuun ciidanka asluubta ka mamnuucaya in maxbuus ay gacanta ku hayaan la booqdo, mana jiro xaakim iyo sharci kale oo ka horjoogsanayaa.
Su’aal: Waxa jira in inta badan la sheego in caddaalad-darrada iyo qalooca garsoorku ka soo bilaabmaan baadhista saldhigyada booliska iyo kaaliyayaasha maxkamadaha, cabashooyin badana arrimahaas waa laga muujiyey, arrintaas bal ka waran?
Jawaab: Haa, cabashooyinkaasi way jiraan, waxaanna nooga yaal istaraatijiyada sharciga ku qoran oo aannu raacaynaa, taasi oo ah in qofkasta oo xoriyadiisa laga qaaday marka boolisku qabtaan in sida ugu dhakhsaha badan oo ah 48 saacadood maxkamad awooda u leh kiiskisa lagu horkeeno, waanna in aanay mudadaas ka badan hayntiisu, maxbuuskana loo sheego sababta xadhigiisa iyo kolba halka dacwadiisu marayso, arrintaas ayaanna istiraatijiyada aannu raacyno ah, taasi oo ku qoran qaannuunkeena oo dastuurku aqbalay oo ah illalinta xuquuqal-insaanka, madaxweynuhuna dhawaan xeerka ka soo saaray, taas ayaannu doonaynaa in aannu ku dhaqanno oo madaxda booliska ka wada tashano sidii loogu dhaqmi lahaa, isla markaana loogu tababari lahaa booliska baadhayaasha ah.
Su’aal: Guddoomiye, caqabadaha ugu badan ee garsoorka hortaagan, isla markaana dad badani ka cawdaan waxa ka mid ah fullinta xukunna ama go’aammada ka soo baxa maxkamadaha ee laga soo saaro dacwadaha la dhegaysto, dhaqaale la’aanta iyo gaadiidka, arrimahaasi saamayntooda ka waran?
Jawaab:Run ahaantii marka madaxbannaanida garsoorka laga hadlayo, garsooruhu kiiska uu hayo sida uu garta u naqayo iyo sida uu garsoor caddaaladi ku dhisan tahay uga soo saarayo waxay ku xidhan tahay isaga iyo aqoontiisa, dadnimadiisa iyo mooraalatigiisa, cid ku qasabta ama caddaadis ku saarta go’aankiisa midna ma jirayso, xaakimka ayeyna waajib agyaal tahay inuu  sida ugu dhakhsaga badan u dhameeyo dacwada uu hayo, dedaalka ugu badana geliyo sidii uu xaqa u raaci lahaa. Marka aynu eegno dhinaca fulinta xukunnada ka soo baxa garsoorka dhibaatooyin way ka jiraan, runtiina waa marxalada ugu adag darajooyinka kala dambeeya garsoorka ee xaqa lagu sugayo, waxa ugu hawlbadan fulinta,. Waayo, waxa weeye gartii baa la naqayaa oo waxa la eegayaa yaa gar leh, ma Qudhac baa garleh, mise Geelle ayaa garta leh. Marna waxa la eegayaa in la yidhaahdo qofkii garta lahaa gacanta halaga geliyo xaqiisa, dhibaattada iyo xaasaasiyaduna waxay ka imanaysaa qofkii garta laga xukumay iyo ciddii ka agdhawayd, markaa fulinta go’aannada waxa loo adeegsadaa ciidamada booliska iyo wixii kale ee laga maarmi waayo. Tabaha qofka laga xukumay samaynayo ee aannu yeelayn in wixii laga xukuumay uu wareejiyo ma mushkilad yara, fulinta xukunnaduna waxay u baahan tahay xirfad, in garsooruhu waayo arag u yahay iyo in marwalba la qaado tallaabooyinka taxadarku ku jiro si guusha xaqa loo gaadho, samir badan iyo tallaabooyin kala dambeeya oo xeerku tilmaamayana way u baahan tahay fulinta go’aannada maxkamaduhu iyo in taxadar badan la sameeyo.
Marka laga hadlayo fulinta xukunnada waxa iyana muhiim ah oo la ilaalinayaa nabadgelyada, markaa kiisas badan oo la fulin lahaa sababo nabadgelyo awgeed ayaa loo yara hakiyaa ama ay dib ugu dhacaan.
Su’aal: Waxaad sheegtay in sababo nabadgelyo awgeed aan loo fulin kiisas maxkamaduhu go’aanno ka soo saareen, marka dhinaca kale laga eego qofkii dacwada loo xukumay laftiisa haddii loo fulin waayo miyaanay taasi nabadgelyada wax yeelayn?
Jawaab: Horta qofka wax loo xukumay inuu niyadsamaado weeyaan oo uu garsoorka ku garabgalo oo ka dhursugo, samirna u yeesho inta hawshiisa loo dhamaynayo oo intii garta loo naqayeyba wuu sugayee, marka guushii u soo dhawaatay ee ay tahay in xaqiisii gacanta laga geliyo waa inuu u samro booliska iyo hay’adaha garsoorka. Cidda nabadgelyo xumadu ka iman kartaa waa ciddii wax laga xumay oo xaalad difaac ah ayuu gelayaa, marka u dambaysana waa laga guulaysanayaa haddii uu samir yeesho ka wax loo xukumay, laakiin waxaan rumaysanahay in garsoorku 100% la jiraan sidii uu xaqiisa u heli lahaa ka wax loo xukumay haddii isaguna samir iyo dulqaad badan yeesho.
Su’aal: Waxa madaxweynaha Somaliland dhawaan magacaabay Garyaqaanka Guud ee Qaranka, xafiiskaas ma loo baahnaa, side ayaadse adigu u aragtaa?
Jawaab: Horta madaxweynuhu wuu ku mahadsan yahay, xafiiskaasina waxa uu ka mid ahaa hawlaha qaran ahaan innaga qabyada ah, xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ah halkii laga faafin lahaa shuruucda dalka ee golayaashu ansixiyaan, madaxweynuhuna saxeexo oo dadku ka heli lahaayeen, waanna halkii laga difaaci lahaa danaha madaniga ah ee xukuumadda iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda, waayo dawladda waa la dacwayn karaa oo sida dastuurka ku qoran waxa xukuumaddu ka mid tahay dhinacyada garsoorku u garnaqayo ee wax dacwayn kara ama la dacwayn karo. Waxa kale oo xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku waa cidii dabageli lahayd hadii dawladdu cid dayn ku leedahay ama xuquuqi kaga maqan tahay. Hawshiisa ugu muhiimsana waxa weeyaan faafinta sharciga ee dadweynaha lagu gaadhsiin lahaa shuruucda la ansixiyo.
Su’aal: waa maxay fariinta aad doonayso inaad halkan uga gudbiso dhinacyada kala duwan ee garsoorka iyo dadweynaha maxkamadaha yimaad ee aan kalsoonida badan u qabin hay’adaha garsoorka iyo caddaaladda?
Jawaab:  Dadka garsoorka ka shaqeeya ee ka hawlgala waxaan leeyahay garsoorku waa muraayadii wadanka, waanna inay ka turjumaan himilada garsoorka oo ah in dadweynuhu kalsooni ku qabi karaan, sidoo kalena dadka kale ee ajaanibka ah ee wadanka maalgashayanaa iyo kuwa doonaya inay ku noolaadaanba waa in la fuliyo aratida ka turjumaysa in garsoorka la isku halayn karo oo kalsooni lagu qabi karo. Taasna waxaan aaminsanahay inay qaybweyn ka qaadan karayso ictiraafkeena, waxaanan leeyahay hawshaasi waa mid garsoorka iyo xeer-ilaaliyayaasha iyo guud ahaan bahda garsoorka.
Dadweynaha waxaan leeyahay caddaaladda aynu wada baadi doono oo halaga run sheego dhegaha iyo indhaha wax lagu maqlayo ee lagu arkayo. Cadaalad-darraduna waxay qofka u jiraysaa inta qofku ogolaanayo ama raali ka yahay in qof walaalkii ah cadaalad-daro lagu sameeyo, marka ay caddaalad-darradu halkaa soo dhaaftana waxay taabanaysaa qofka laftiisa, markaa waxa wanaagsan in dadwaynuhu aanay dulmiga isku raacin, waxaana qurux badan in caddaaladda laga wada shaqeeyo oo aanay dadweynuhu suuqa ka xukumin ama ka dacaayadayn garsoorka, saxaafaddana waxaan leeyahay yaanay iska dacaayadayn garsoorka ee haka soo qaybgalaan dacwadaha iyo dhegaysiga kiisaska socda oo si fiican dadweynaya iyo bulshadaba ha ugu bandhigaan rajada fiican ee ka soo bixi karta dhagaysiga kiiska socda. Dhammaanteena aynu gacmaha isku qabsano sidii kalsooni buuxda loogu qabi lahaa garsoorkeena.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *