Hargeysa(ANN) Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa maanta soo bandhigtay  adeeg casri ah, kaas sida ay sheegeen meesha ka saaraya baahida dhinaca isticmaalka Internetka, isla markaana loo isticmaali karo Maqal iyo Muuqaal xawaare ah, kaas oo kuu suurta gelinaya inaad meel walba

 

ku isticmaasho Laptop-kaaga, ama Mobile-kaaga adeega oo lagu magcaabo “3G Smart Phone”. Oo ay Somaliland noqonay wadankii sadexaad ee laga isticmaalo adeega.
Gudoomiyaha Shirkada Telesom C/kariim Maxamed oo sharaxaad ka bixiyay qalabka iyo adeega casriga ah ee ay usoo  kordhiyeen Macaamiishooda ayaa si kooban uga hadlay marxaladihii ay soo martay Isgaadhsiinta Somaliland,  halkii  ay shirkad ahaan kasoo bilaabeen iyo maanta oo uu sheegay inay marayaan heerkii ugu danbeeyay ee isgaadhsiinta dunada oo maalinba maalinta kasii danbaysa uu sheegay inay wax kusoo kordhayaan. Sidaa awgeed ay fursadaha noocaa ah doonayaan inay uga faa’idaystaan macaamiishoodu. Sidaa darteed adeegan saaka lagu soo bandhigay hoolka dhismaha xarunta shirkadda ee magaalada Hargeysa loogu magacdaray “la jaanqaad Jiilka cusub”.
Mr. C/kariim Maxamed Iid  waxa uu sheegay in adeegan ay maanta soo bandhigeen uu suurta gelinayo inuu qofku ku iiibsado adeega ganacsiga ee Zaad, taas oo qofka u suurta gelinaysa inuu intii awoodiisa ah iibsado oo dalbado, isla markaana ay meesha ka baxayaan cabashooyinkii dhinaca internet-ka  oo hada aad ku daawan karto telefishanada caalamiga ah iyo waxyaabaha kale ee aad u baahantahay dhinaca Internet-ka. Sidoo kale wuxuu xusay in adeegan uu fursad dheeraad u yahay Warbaahinta iyo ganacsatada oo shaqooyinkooda iyo xidhiidhkooda caalamka u fududaynaya iyo sidoo kale Ardayda doonaya inay si fudud uga faa’idaystaan technologi-ga casriga ah. iyadoo muuqaalka sawirkani ku tusayo heerarka ay soo martay isgaadhsiinta casriga.


“3G waa fac cusub oo technologiyada mobile-ka ee kusoo kordhay oo loo yaqaan, Facii saddexaad “Third Generation  “ ee isgaadhsiisnta Mobile-ka, waxa hore u jiray 2G oo inta baddan ahaa isticmaalka codka (voice calls), kadibna waxa soo kordhay 2.5G (GPRS) oo isna kusoo kordhiyay isticmaalka data-da  oo aan xawaarihiisu sarayn. Laakiin adeegan 3 G, wuxuu soo kordhiyay maqal iyo muuqaal xawaare sare ah.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Telesom. Wuxuuna intaa ku daray inay dhowaan soo bandhigayaan adeegan cusub iyo kuwo kale. Laakiin ay hada si hordhac ah ugu bushaaraynayaan macaamiishooda. wuxuuna u mahadceliyay Enginee-da shirkada iyo shaqaalaha oo uu sheegay inaanay la’aantood gaadheen halka ay marayaan maanta.

 

Mar la weydiiyay sida adeegani wax uga bedeli karo caqabadaha bulshada ka haysta dhinaca Internet-ka  iyo meesha laga keenayo maadaama ay inta baddan shirkadaha Isgaadhsiinta Internet-koodu ku xidhanyahay Djibouti oo aanu ahayn mid tayo baddan leh, isla markaana marka uu doono hawada ka baxo. Wuxuuna  sheegay Mr. C/kariim  in Adeegan interten-ka uu ku xidhanyahay  Fibre Optic  xadhkaha badda ee Djibouti iyo Satellite-ka sidaa awgeed ay ku kalsoon yihiin inuu waxtar weyn u yahay bulshada.
Sidoo kale mar la weydiiyay qiimaha adeegan casriga ah, wuxuu sheegay  in qow qalba baahidiisa iyo awoodiisa ay ku xidhantahay.  Waxaana suxufiyiinta kulankaa ka qaybgalay ee ka socday Hay’addaha  warbaahinta loo qaybiyay  qalabka  adeega cusub loo isticmaalayo, kaas oo ay shirkadu  gudoonsiisay, iyadoo loo sheegay inay soo tijaabiyaan adeegaa casriga ah, maadaama ay iyagu yihiin kuwa ugu baahi baddan dhinaca internet-ka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *