Hargeysa(ANN)Hantidhawrka Guud ee Qaranka, ayaa la xaqiijiyey inuu Xeer-ilaalinta Guud, Wasaaradda Daakhiliga iyo Madaxtooyada Somaliland u gudbiyey shalay qoraal uu ku dalbanayo maamuus-ka-xayuubin lagu sameeyo Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen

 

Maxamuud Jiciir iyo ku-xigeenkiisa si maxkamad loo horgeeyo, kadib markii uu ku soo oogay dacwad la xidhiidha musuqmaasuq oo ay la wadaagaan sarkaakiil tiro badan oo ka tirsan Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Ma jiro haba yaraatee wax war ah oo saraakiisha Hantidhawrka Guud ka bixiyeen qoraallada ay shalay u gudbiyeen madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo weliba nooca dacwadda hanti lunsiga ah ee ku foorarta masuuliyiinta iyo shaqaalahooda toona. Sidoo kale ma jiraan warar rasmi ah oo dhinacyadaas ka soo baxay.
Haseyeeshee, ilo-wareedyo xogogaal ah oo u dhuun daloola baadhitaannada Hantidhawrka Qaranku ka wado Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa Jamhuuriya u sheegay in masuuliyiintaas lagu hayo inay faraha kula jiraan fadeexadihii musumaasuq ugu cuslaa ee hay’ad dawladeed gasho muddada sannadka maalmaha kooban ka hadhsan yihiin ah ee ay talada dalka haysay xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, iyadoo ilahaasi tibaaxeen inay maayarka iyo ku-xigeenkiisa dacwadda hanti lunsiga ah la wadaagaan Xoghayaha Dawladda Hoose Mr. Deeq Xirsi Cambuur oo isaga eedayntiisa hore loogu gudbiyey Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka iyo saraakiil kaloo ka tirsan xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Dawladda Hoose.
Waxa kaloo ilo-wareedyadaasi iftiimiyeen in hantida madaxdaasi ku eedaysan yihiin ee lagu ogaaday baadhitaanka Hantidhawrka Guud isugu jirto lacago xad-dhaaf ah oo siyaabo kala duwan loo musuqmaasuqay, dhul tiro badan oo sifooyin khaldan loo weecsaday, gaadiid, dhismayaal iyo goobo ganacsi oo si gaar ah loogu tagrifalay.
Eedaymaha ugu waaweyn ee dacwadda Hantidhawrka Guud diyaariyey ee liddiga ku ah madaxda sare ee caasimadda Hargeysa, ayaa sida la sheegay waxa ka mid ah lacag balaayiiin shillin Somaliland gaadhaysa ah oo lagu lunsaday mashaariic been been ah, dhul aad u ballaadhan oo maayar Jiciir magaca walaalkii kaga samaystay xaafadda Masalaha ee koonfurta magaalada, meherado danguud ahaa, balse cid gaara gacanta loo geliyey, sida xarunta dhismaha Inji, wershad samaysa qalabka guryaha oo duqu magaca walaalkii ku qoray, shidaaal, gaadiid – booyad kuwa daamurka waddooyinka lagu sameeyo gogla ah oo qiimaheeda lagu sheegay $40 kun oo dollar, isla markaana 13kii bishii January ee sannadkan 2011 nin ganacsade ah oo magaciisa la yidhaa Cabdinaasir Ciise Muuse heshiis kula galay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa inuu muddo 60 maalmood ah booyadaas kaga keenayo dalka Maraykanka oo la sheegay in laga soo iibinayey, taasoo aan ilaa hadda la ogayn meel heshiiskaasi ku dambeeyey.
Geesta kale, ilo-wareedyada Hantidhawrka u dhuun daloolaa waxa ay Jamhuuriya u caddeeyey in maayar Jiciir muddadii baadhitaannadu ku socdeen ku hawlanaa qorsheyaal kala duwan oo uu kaga hortagayey dacwad kasta oo Hantidhawrka Guud ku soo oogo uu xidhiidho dhaw la samaystay madaxda sare ee hay’adaha kala duwan ee dacwadaha musumaasuqa la xidhiidhaa sii maraan marka Hantidhawrku diyaariyo eedaymaha hanti lunsiga ee uu qabto iyo cidda ku lugta leh- sida Wasaaradda Daakhiliga, Xeer-ilaalinta Guud iyo maxkamadaha kiisaska qaada.
Warku waxa uu intaa ku daray in Duqa Caasimaddu culayska ugu weyn ee isdifaaciisa bartilmaameed uga dhigtay Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka oo ah hay’adda oggolaata amma diidda dacwadaha xatooyada ummadda ee Hantidhawrka Guud u gudbiyo, isagoo si qorshihiisa ugu hirgalo ka bilaabay xarunta Xeer-ilaalinta Guud dhismaha laba xafiis oo lagu sheegay qaar dawladda hoose ugu deeqday hay’addaas, hase ahaatee aan dhaqaalaha ku baxay dhismayaashaas oo hadda la dhammaystiray meelna kaga xusnayn hab-xisaabeedka maamul ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, isla markaana waxba kala socon Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaranka ugu xilsaaran dhismayaasha, sida ilo-wareedyo Hantidhawrka u dhuun daloola xaqiijiyeen arrintaas ayaa iyana sida la sheegay ku biirtay eedaymaha kiiska musuqmaasuqa ku saabsan ee Hantidhawrku la maaggan yahay in maxkamad lagu horgeeyo Maayar Jiciir iyo masuuliyiinta kale ee la wadaaga dacwadda hanti lunsiga ah ee miiska saaran.
Dhinaca kale, saraakiisha Hantidhawrka Guud oo xidhiidho kala duwan Jamhuuriya kala sameeyey si wax looga weydiiyo nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalkooda ay shalay u kala gudbiyeen Xeer-ilaalinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada, ayaa gebi ahaanba afka ka xidhay inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan arrintaas.
Hase ahaatee, ilo-wareedyo xogogaal ka ah ayaa xaqiijiyey in mucda ugu weyn ee qoralladaasi huwan yihiin ay ugu muhiimsan yihiin laba qodob oo kala ah; in mudanayaasha Golaha Degaanka Hargeysa loo muddeeyo fadhi aan caadi ahayn oo ay dhawrsanaanta kaga xayuubiyaan maayarka iyo maayar-ku-xigeenka, xoghayaha dawladda hoose iyo saraakiil kale oo la eedaysan si maxkamad loo horgeeyo iyo qodobka labaad oo ah inay hantidhawr ahaan diyaar u yihiin inay maxkamadda dacwadda qaadaysa u gudbiyaan caddaymaha iyo markhaatiyada ay u hayaan madaxda iyo saraakiisha ku eedaysan arrimaha musuqmaasuqa ee uga soo ifbaxay badhitaannadoodii.
Maayirka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si arrintan wax looga weydiiyo, waxa uu sheegay in habayaraatee aanmu wax war ah ka hayn, isla markaana xilligaas maqal qoraalka maamuus-ka-xayuubinta ah ee la sheegay in Hantidhawrku u gudbiyey Xeer-ilaalinta Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada Somaliland.
xigasho Jamhuuriya
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *