Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay digreeto ku magacaabay xafiis cusub oo ah Garyaqaanka Guud ee Qaranka, kaas oo loo magcaabay Saleebaan Iidle Nuur inuu noqdo Garyaqaanka Guud ee Qaranka. Garyaqaan Saleebaan

 

Iidle Nuur, ayaa la sheegay in waajibaadkiisa shaqo ka mid noqon doonto baahinta iyo faafinta xeerarka iyo shuruucda golayaasha qaranku ansixiyaan, isla markaana madaxweynuhu saxeexo, iyadoo xilkaasi yahay mid aan dalka hore uga jirin, isla markaana baahi weyn loo qabay.

Digreetada madaxweynuhu ku magacaabay Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo faahfaahsan waxay u qornayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay: Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka,

Markuu aqoonsaday: Baahida loo qabo buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka,

Markuu ka fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi digreetada Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland.

Dhinaca kale magcaabista xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa ahaa mid baahi weyn loo qabay, taas oo la filayo inay meesha ka saarto caqabadihii xafiiskan Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka oo u muuqday Garyaqaanka guud ee qaranka, balse hada qaab dhismeedka loo jiheeyay garsoorka dalka wax baddan ka bedelayo. Laakiin waxa la filayay in qofka xafiiskaa loo magcaabayaa noqdo mid daboolikara baahida iyo waajibaadka culus ee horyaala, iyadoo ay magcaabista xubintaa Garyaqaanka ee Madaxweynuhu magcaabay durba dhaliilo baddan iyo saluug laga muujiyay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *