images/stories/atlsm2.jpg Hargeysa(ANN)Shirkada isgaadhsiinta Telesom, ayaa daah-furtay adeeg cusub oo la magacbaxay Ila-maqal, kaas oo ku cusub adeegyada kala duwan ee ay Shirkadu hore ugu qabanjirtay Bulshada Somalialnd. Ban-dhig lagu daah-furayay adeegan

oo lagu qabtaymaanta  Xarunta Shirkada Telesom ee Magaaladda Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta sare ee Shirkada Telesom ka tirsan iyo suxufiyiin ka socday warbaahinta kala duwan.
Maamulaha Qaybta Horumarinta Ganacsiga Cabdisallaan Ismaaciil Nuur, ayaa sharaxaad ka bixiyay faa’dooyinka adeegani u leeyahay Bulshada iyo sababaha ay usoo kordhiyeen.


Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi, “Shirkadda Telesom waxay ku caan-baxday hal-abuurnimo iyo inay ku horeyso waqti kastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta adeega caanka ah ee ZAAD oo macaamiishayada u suurtogaliyay inay macaamalaadka lacageed ku isticmaalaan mobile-kooda. Waxa kale, oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay inay tahay shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta adeegga mobile-ka, Internet, 3G, GPRS-ka, Adeegyada AQOON-MAAL oo ka kooban warar (News), qaamuus isugu turjumaya Somali/English, Wikipedia iyo macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshada.

Haddaba, kulankeenan maanta waxa aanu ku soo bandhigaynaa adeeg kale oo casri ah, xiiso badan, isla markaana saamayn mug leh iyo isbedel ku yeelan doona isticmaalka Mobile-da Telesom. Adeeggan oo aanu ugu talogalnay in macaamiishu kaga nastaan codka macno-darrada ah ee mobile-ka (ringing), kaasoo aanu ku bedelnay codad faa’iido iyo saamayn ku yeelanaya dhagaha macaamiisha.
Adeeggan waxaanu ugu wan-qalnay “ILA MAQAL (Ring back tone)”: waa adeeg dalka ku cusub oo muddadii uu tijaabada ahaa xiiso geliyay macaamiisha, adeeeggan waxa ku jira dhawr cod oo  kala ah:
1- Qur’aan,
2- Axaadiis,
3- Naashiid.ooyin
4- Ducooyin.
Mustaqbalka waxa lagu biirin doonaa barnaamijyo madadaalo iyo murti Soomaaliyeed ah, sida gabayo, maahmaaho iyo xikmado aan xajiin iyo turxaan lahayn.
Si loo isticmaalo adeeggan “Ila-maqal” macaamiishu waxay garaacayaan number-ka 118, ka dibna isaga ayaa ku hagaya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *