Nairobi(ANN)Maxkamada dembiyada dagaalka ee xarunteedu tahay ee magaalada Heeg ayaa ku dhawaaqday inay Afar ka mid ahaa lix masuul oo isugu jira siyaasiyiin iyo saraakiil Kenyan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay rabshadihii ka dhacay doorashadii muranka badani ka dhashay ee dalkaa

ka dhacday 2007.
Maxkamdda denbiyada dagaalka ayaa sheegtay inay Afartaa nin u hayso cadaymo ku filan oo maxkamad lagu hortaagi karo, afartaa nin ayaa kala ah   raysal- wasaare ku xigeenka dalka Kenya a Uhuro  Kenyaata iyo Wiiliam Ruuto, oo ah mudane Baarlamaan , horena u ahaa wasiir, labadan nin ee kale ayaa kala ah madax shaqaalaha iyo nin wariye ah. Afartaa   nin oo ka caan ah wadanka Kiiniya ee la hor geynayo maxkamadda,  kuwaas oo xaakinka maxkamaddu sheegay in loo hayo dambiyo salka ku haya dil , kufsi iyo arimo kale oo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha.
Maxkamadu waxay sheegtay in ragaasi ku eedaysan yihiin oo loo haysto inay ku lug lahaayeen rabshadihii iyo dambiyadii ka dhacay wadanka Kiiniya , ka dib doorashooyinkii muranka badani ka dhashay ee wadankaasi Kenya  ka dhacay sanadkii 2007dii, taas oo ay ku dhinteen in ka baddan 1400 (kun iyo afar boqol oo qof).
Gen. Hussein Ali oo ah Nin Soomaali kenyaati ah, isla markaana ahaa Taliyihii ciidanka Booliska ee waqtigaa iyo Henry Kosgey oo ahaa xoghayihii golaha wasiirada ee xiligaa, ayaa la reebay dacwada maxkamadda denbiyada dagaalka, kuwaas oo hore loogu eedeeyay inay ka mid yihiin masuuliyiinta la eedaynayo.
Eedayntaasi markii ay soo baxday ayuu Mr. William Ruuto wuxuuna warbaahinta u sheegay in aanu qabin wax dambi ah.
Dawladda Kenya ayaa hore u diiday inay masuuliyiin ka tirsan hortagaan maxkamadda denbiyada dagaalka, balse waxa khasab noqotay inay aqbalaan dalabka xeer ilaalliyaha maxkamadda denbiyada dagaalka ee Heeg.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *