IMG_1785.JPGHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya, Ambassador . James Swan, kaas oo si gaara ugu xilsaaran arrimaha Maraykanka ee Somaliland iyo Somalia. kadib markii uu booqasho gaaban oo

 

laba maalmood ah ku yimi Somaliland shalay.
Kulanka Madaxweynaha iyo Ambassador .James Swan, ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay oo aanay xaxaafadu goobjoog ka ahayn, balse kulankaa kadib qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa sharaxaad kooban lagaga bixiyay waxyaabihii ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Safiirka Maraykanka ee Nairobi ka wada hadleen.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku sexeexnaa   Afhayeenka  Madaxweynaha Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku  qaabilay Safiirka Maraykanka u
Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. James Swan oo booqasho 2 maalmood
ah ku yimi Somaliland.

Arrimaha ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa nabadgelyada guud ee geeska Afrika iyo saamaynta ay ku leeyihiin argagixisada iyo budhcadbadeedu.

Sidoo kale waxay Madaxweynaha Somaliland iyo safiirku ka wada  hadleen xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dawlada Maraykanka iyo Somaliland oo soo xoogaysanayay mudooyinkii dambe, iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga.
Wuxuu Madaxweynuhu ka mahadceliyay taageerada ay dawladda Ingiriisku u fidiso Somaliland ee dhinacyada adeegyada bulshada iyo kor-u-qaadida ilaha dhaqaalaha oo Madaxweynuhu ku tilmaamay inay yihiin halbawlaha horumarka dalka.

Dhinaca kale Safiirka Dawlada Maraykanka ee Fadhigiisu yahay magaalada Nairobi Ambassador . James Swan waxa uu tilmaamay in dawladiisu ay dhiiri-gelinayso horumarka la taaban karo ee ka taabo qaaday
Somaliland ee dhinacyada badan leh, wuxuuna sheegay in dawladiisu sii kordhin doonto wada shaqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland, iyada oo ka duulaysa siyaasada Maraykanka ee mandaqada ee laba geesoodka ah, oo u fasaxaysa Maraykanku intuu si toos ah ula shaqeeyo
Somaliland.

Ambassador  James Swan, wuxuu inta uu Somaliland joogo   la kulmayaa masuuliyiin golayaasha qaranka, waxaana uu soo kormeeri doonaa mashaariicda ay maalgeliso dawlada Maraykanku ee ka socda dalka.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *