Hargeysa (ANN)Madaxweyne Xigeenka cusub ee Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil  Seylici ayaa ka qayb galay munaasibad ay Mulkiilayaasha warshad cusub oo ah  dhoofinta  hilibka xoolaha Somaalida  oo laga yagleelay  magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, taas oo

 lagu qabtay habeen hore   Huteelka Emparial ee magaalada hargeysa. Sidoo kale waxa kasoo qayb galay abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Marwo Edna Aadan Ismaaciil, aqoonyahano, xubno ka socday ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

 

 

 

 Munaasibadaa oo ay mulkiilayaashu  Bulshada somaliland ugu  soo bandhigeen ka qaybgalka saamiga wersheda  hilibka xoolaha, iyagoo ujeedadoodu tahay inay fursad siiyaan muwaadiniinta danaynaya saamiyada, isla markaana u qorsheeyay wershedaa qaabka shirkada dalalka hore u maray  iyo inay ganacsatada hindisay wershedaasi noqdaan kuwo  ku guulaysta horumarka ay doonayaan oo ay u noqoto wershedu  mid taabogasha oo dalka iyo dadkuba ka faaidaystaan.

 

Madaxweyne xigeenka cusub ee dhawaan la doortay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo munaasibadaa wersheda dhoofinta hilibka xoolaha ka jeediyay hadal kooban  ayaa sheegay  inay xukuumad  ahaan si wayn u soo dhaweynayaan cid kasta oo dalka maalgelin ku samaynay, isla markaana dhaqaale ku soo kordhinaysa, iyagoo dhiirigelin u samaynaya, taas oo uu sheegay inay ka mid tahay  barmaamujka  xisbiga KULMIYE  oo marka horeba bulshada u sheegay xiligii kaanbaynka doorashada sida ay uga go,antahay inay  dhiirigeliyaan  maalgelinta dalka, muwaadiniinta doonay inay dalka maalgashadaan iyo ajaanibka buuxiya xeerarka dalka iyo shuruucda.

 

Md. Saylici waxa uu ganacsatada reer Somaliland ugu baaqay inay door muhiim ah ka qaataan maaligelinta dalka, si loo yareeyo shaqo la’aanta dalka ka taagan, isla markaana loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

 

 

Maareeyaha warshada dhoofin hilibka Mr. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo madashaa ka hadlay ayaa sheegay in warshadoodu  tahay tii u horeysay ee nooceeda laga hirgeliyo Afrika, taas oo sida uu sheegay ka hor intii aanay dalka keenin  ay sameeyeen daraasado badan oo ku saabsan  sidii ay xoolaha Somaliland ugu heli lahaayeen suuq ka duwan ka waddamada Carabta ee loo dhoofiyo iyagoo nool. Sidaa awgeed markii ay ku qanceen natiijooyinka daraasadahaa ee ay ogaadeen baahida loo qabo wershedaa, isla markaana ay suuq ganacsi raadiyeen oo ay ku guulaysteen. Ka dibna ay yagleeleen wershedaa.

 

Mr. Cabdirisaaq waxa uu shaaca ka qaaday in saamiyada u ogolaanaya inuu muwaadinku ku yeesho warshada dhoofinta Hilibka xooluhu ay u furan yihiin shacabiga  Somaliland, isla markaana ay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka qaybqaadanaysa oo buuxisa shuruudaha looga baahan yahay.

 

Abwaanka caanka ah Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye),oo isaguna hadal kooban ka  jeediyay halkaa ayaa si weyn u soo dhaweeyey dhismaha warshadaa iyo saamiyada  ay ku baaqeen ganacsatada aasaatay, isagoo ku tilmaamay talaabo fiican oo  muujinay iskaash, isla markaana  dhaqaale u soo kordhin doonta dalka Somaliland.

 

Abwaan Gaarriye waxa uu dhaliil u jeediyey ganacsatada reer Somaliland oo uu sheegay inay Bariis iyo sonkor uun soo dejin yaqaanaan, isla markaana aanay aqoonin qaybaha kala duwan ee ganacsiga oo ka msauugay inay dalka maalgeliyaan oo muwaadiniintana fursad siiyaan..

 

Sidoo kale Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo xafladaa ka hadashay, ayaa ammaantay qorshaha ganacsatada warshadan aasaastay bilaabeen, waxaanay sheegtay inay door weyn ka qaadan doonaan dumarka Somaliland inay saamiyo ku yeeshaan warshadaa, maadaama ay  tahay fursad wax ku ool ah oo loo baahn yahay.

 

Drs. Edna waxay sheegtay in Somaliland tahay dal yar oo nabadgelyo ah, laguna guulaysan  doono inay  ka hano-qaado warshadaasi.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                          

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *