Narirobi(ANN)Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midooby u qaabilsan Arrimaha Siyaasada ee Somaliland iyo Somalia Augustine P. Mahiga, ayaa muujiyay taageerada uu u hayo falkii kooxda dablayda ahi ku weerareen xerada Ciidanka qaranka Somaliland ee  Koonfur bariga magaalada Hargeysa

 

Talaadadii lasoo dhaafay, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba.
Mahinga qoraal uu kaga hadlayo arrintaa oo uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa Nairobi , wuxuu ku tilmaamay dhacdadaa mid dagaal ku dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo shacbiga, isla markaana uu ka xunayahay khasaaraha ka dhashay ee labada dhinacba soo gaadhay. sidaana wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo arrintaa.

Wakiilka Qaramada  Midoobay, wuxuu canbaareeyay xukunka Maxkamadda ciidanka qaranka Somalialnd ku riday 17 ka mid ahaa kooxdaa oo dil lagu xukumay, isagoo Augustine ku baaqay in kiiska xukunka kooxdaa ee Maxkamadda Milateriga loo wareejiyo dhinaca Maxkamaddaha medeniga ah, isla markaana wuxuu si indho la’aan ah u dafiray shuruucda iyo nidaamka dalka Somaliland, isagoo ku sifeeyay xukunka maxkamadda ciidanka qaranka inuu yahay mid aan waafqsanayn shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah. sidaa awgeed loo baahanyahay maxkamad cadaalad ah oo ay labada dhinacba kalsoon yihiin oo la hubiyo inay tahay mid dhex ah.
Sidoo kale Mahinga, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu ku baaqayo in la muujiyo dhexdhexaadnimo , isla markaana loo saaro arrintaa gudi madaxbanaan oo baadha sababta keentay dhacdadaa. 

Qoraalka uu soo saaray Wakiilka Qaramada  Midoobay Augustine P. Mahiga, ayaa ah mid aan wax badan kala socon dhacdadaa, isla markaana si badheedh ah isaga indhatiray xaqiiqda ka jirta Somaliland iyo qaabka nidaamka dawliga ah ee Somaliland iyo shuruucda u degsan, isagoo ka bixiyay arrintaa sawir khaldan oo muujinaya inay shacbiga Somaliland iyo ciidanka qaranka dagaal dhexmaray. Sidoo kale Mahinga wuxuu si cad ugu gefay  oo weedhahaa  qoraalkiisa ku inkiray gebei ahaanba shuruucda dalka Somaliland, iyadoo dhawaaqiisu u muuqdo mid si badheedh ah ugu dhiirigelinaya Somaliland inay la mid nqoto Somaaliyada  uu Madaxweynaha ka yahay ee ay qaramada midoobay ka abuuraan fawdada iyo xasiloonidarada.
Balse Mahinga oo ah Adoon aan waxba kala socon dhaqanka Bulshada Somaliland, isla markaana ay iskaga khaldan yihiin Somaliland iyo Somalia, waxa marar baddan farta ku fiiqay saxaafada Somaliland oo iftiimisay nacaybka uu u qabo Somaliland iyo sida uu uga xunyahay jiritaanka qaranimada, horumarka iyo nabadgelyada Somaliland. laakiin waxa la sugayaa jawaabta ay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ka bixiso gefka iyo meel ka dhaca Mahinga.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *