Ceerigaabo (ANN)- Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Ccali Gaafaadhi iyo wefti  balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Iyagoo xafiisyo ka furaya degmooyinka iyo gobolada

 

dalka ee Bariga.
Gudoomiyaha iyo weftigiisa kaga hortegay duleedka magaalada Ceerigaabo boqolaal ka tirsan taageerayaasha ururka Rays  ee gobolka sanaag oo watey gaadiid aad u tiro badan oo horkacayaan salaadiin, cuqaal, aqoonyahano, dhalinyaro iyo haween oo ku lebisan calanka astaanta ururka rays, calanka Somaliland, huga hidaha iyo dhaqanka
Weftiga urur siyaasadeedka Rays markii ay soo gaadheen gudaha magaalada ceerigaabo  waxaa lagu soo wareejiyey jidadka iyo shaaricyada magaalada oo ay oo  soo buux dhaafiyeen  kumanaan ka tirsan taageerayaasha ururka Rays oo isugu jira dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada ceerigaabo oo aan iyagu  u kala hadhin soo dhoweynta  iyo qaalbilaada weftiga ururka Rays oo markii ugu horeysey gobolka sooo gaadhey.
Gudoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Cali gaafaadhi  ayaa markii uu soo gaadhey gudaha magaalada ceerigaabo dusha uga baxay gaadhigii uu saarnaa isagoo halkaasna ugu gacan haadiyey  taageerayaashiisa iyo dadweynaha reer ceergaabo  oo safnaa  jidadka iyo shaaricyada waaweyn magaalada oo weftigana ku qaabiley shucuur dareen farxadeed xambaarsan


Ugu danbayntiina  gudoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo weftigii la socdayba waxay si rasmiya xadhiga uga jareen xafiiska guud ee ururka Rays ku yeelan doono magaalada madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo halkaas oo ay ku sii diyaar ahaayeen kumanaan ka tirsan taageerayaasha ururka Rays ee magaalada Ceerigaabo oo muujiyey dhoolatus balaadhan iyo cududa ay ku leeyahiin Gobolka Sanaag
Intaa kadsib waxaa  dadweynaha halkaasi  kala hadlay  Gudoomiye Ururka Rays Gaafaadhi, oo siweyn uga uga mahdadoobay Soo dhaweynta balaadhan ee uu kala kulmay guud ahaanba bulshada reer sanaag waxaanu xusay inaanay xasuustiisa ka bixi doonin shacbiga Sanaag ay ku  qaabileen. Waxaanuu intaa raaciyey gudoomiyihu inuu shirar iyo kulamo isdaba joog ahba la yeelan doono haldoorka iyo koofiyada bulshada gobolka sanaag
Waxaa  iyaguna halkaasi ka hadlay Xooghayaha Ururka Rays Warsame Xiinwaal, Ibraahin Cali quule iyo Saleebaan Barkhad oo kazoo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland iyo Ururka Wada jir ee ay dhawaan mataanaha Noqdeen ururka rays ayaa iyaguna dhankooda ka marag kacay Cududa iyo awooda ururka rays uu ku leeyahay  gobolka Sanaag.


Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay salaadiin iyo Cuqaal, guurti oo  iyaguna dhinacooda muujiyey taageerada ay u hayaan urur siyaasadeedka Rays.
Weftigan ayaa ka hor intaanay soo gaadhin magaalada ceerigaabo waxay safarkooda ku soo mareen, degmooyinka galbeedka gobolka sanaag ee ceelafweyn,  garadag  iyo Yufle, halkaas oo ay xafiisyo ka fureen, iyadoo deegaamadaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay. Masuuliyiinta Rays mudadii ay socdaalka booqashadooda ku marayeen deegaamadaa waxay  kulamo iyo shirar la eesheen waayeelka iyo waxgaradka degaanadaa.
Gudoomiyaha Rays iyo wefdigiisa ayaa loo sameeyay soodhawayn tii  ugu balaadhnayd ee lagu qaabilo urur siyaasadeedyada booqashada ku taga gobolka sanaag,  tan iyo intii uu bilaabmay tartanka taageero doonka ah ee ururada siyaasadu ay ku doonayaan inay shacbiga Somaliland ee gobolada iyo degmooyinka ka helaan taageero, isla markaana Ururada siyaasada ayaa hada maraya wareegii labaad ee buuxinta shuruudaha Ururnimo. Kadib markii ay gudida diiwaangelinta iyo ansixinta Ururada siyaasadu soo gebagebeeyeen wejigii hore oo ay is diiwaangeliyeen 15 Urur siyaasadeed.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *