Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay shirka Degmada Taleex. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay deegaanka Shirku ka qabsoomayo ee gobolka Sool soo gaadheen siyaasiyiin magac ku leh deegaanka oo ciidamo dhinaca Ethiopia ka socdaa

 

soo gelbiyeen.
Waxayna dhaqdhaqaaqyada  ugu deanbeeyay ee deegaanka shirka Taleex Xukuumadda Somaliland iyo shacbigaba ku abuureen tuhuno kala duwan  oo la xidhiidha  natiijadda ka soo bixi doonta shirka la filayo inuu  ka furmo degmada Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool,  maalalamaha fooda inagu soo haya. iyadoo uu madasha shirka soo gaadhay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi caan ah oo kasoo jeeda deegaanka, isla markaana dawladii Somalia ee carta  ka ahaa Raysal wasaare xiligii C/qaasim Salaad Xasan.
Waxa jira warar sheegaya in markii goobta  shirka Taleex yimi Dr. Cali Khaliif Galaydh  ay soo galbiyeen ciidamo Ethiopian ah. Sidoo kalena ay ergooyinka shirkaa ka mid yihiin siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda deegaanka Sool, sida C/kariim  Xasan Jaamac oo wasiir ka ahaa dawladda Sheekh Shariif, balse warar laga soo xigtay  masuuliyiinta xukuumadda  Somaliland ayaa sheegaya inay xukuumad ahaan ashkato arrintan la xidhiidha u gudbiyeen safiirka Ethiopia u fadhiya magaalada Hargeysa, isla markaana ay dawladda Somaliland ka warsugayso qaabka ciidamadaa  Itoobiyaanka ahi hadii ay jiraan u soo galeen ciida Somaliland iyo halka laga soo dirayba.
Shirka Taleex oo hore loo iclaamiyay inuu yahay mid dhaqan oo aan wax shaqo ah ku lahayn siyaasad oo ku kooban danaha bulshada deegaanka Sool iyo Buuhoodle oo keliya, isla markaana ay ka qaybgaleen madaxdhameedyo, aqoonyahano iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaannada Sool iyo Buuhoodle, kuwaasi oo badankoodu magaalada Taleex tagay dhawrkii maalmood ee u danbeeyay. laakiin  siyaasiyiinta fekredaha siyaasadeed xanbaarsan ee hada madasha ku sugani abuureen  dareen shaki oo calaamatu su’aal saaray natiijada shirkaa.

Hase yeeshee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  ayaa sheegtay inay  go’aansatay in aanay wax farogelin ah ku samayn shirkaa. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland soo dhowaynayso shirkasta oo bulshada deegaanku kaga arrinsanayso  dhaqanka, wadatashiga  iyo horumarinta deegaankooda, isla markaana ka fayaw waxkasta oo kasoo horjeeda Qaranimada, madaxbanaanida, xasiloonida iyo jiritaanka Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, wuxuu isagoo arrimahaa shirka ka hadlaya yidhi, “Somaliland waxay caan ku tahay xasilooni iyo nabadku wada noolaanshaha, inkastoo Somaliland ka guurtay nidaamka beelaha, waxaan caddaynayaa inaan xukuumadda Somaliland waxba kaqabin shirkasta oo beelaha Somaliland kaga arrinsanayaan  dhaqan wada tashi iyo horumar, waxaanuna kasoo horjeednaa shirkasta oo kasoo horjeeda nabadgelyada, xasiloonida  iyo midnimada Somaliland, anagoo difaacayna  nabadgelyada, qaranimada  iyo madaxbanaanida Somaliland. “
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mr. Duur, waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland talaabo ka qaadayso siyaasiyiinta shirkaa ka qaybgala ee la yimaada feker  midnimo Soomaali weyn iyo waxkasta oo kasoo horjeeda qaranimada Somaliland, isagoo yidhi, “Ma yeelayno  waxkasta oo wax u dhimaya qaranimada Somaliland, waxa jooga shirkaa siyaasiyiin midnimada Somalia aad ugu ololeeya  sida Cali Khaliif, balse dadka deegaanku wixii tabasho ah way usoo jeedin karaan xukuumadda oo diyaar ayaanu u nahay. Laakiin  siyaasiyiinta fekerkaa wata waxaanu u sheegaynaa inaanu tallaabo ka qaadayno haddii ay waxaa la yimaadaan.”
Dhinaca kale Ilaa hadda si rasmi ah looma oga natiijadda ka soo bixi doonta shirka Taleex iyo ujeedada ka dambaysaba, balse waxa jira tuhuno ay xukuumadda Somaliland iyo bulshaduba  ka qabaan inay shirkaa kasoo baxaan , kuwaas oo saamayn siyaasadeed ku yeelankara qaranimada Somaliland, waxaana jira tibaaxo lala xidhiidhinayo inay suurta galtahay inay kasoo baxaan shirkaa, kuwaas  oo nuxur ahaan ku qotoma in  shirkaasi ay kasoo baxaan  saddex qodob oo kala ah in shirka taleex lagaga dhawaaqayo maamul-goboleed ka madaxbannaan Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, waxa kale oo jira in shirkaasi lagu sameeyn doono guddi maamul oo waanwaan la bilaabi doona Somaliland iyo Puntland, iyada oo natiijadda waanwaantaasi ka soo baxdana lagu go’aan qaato iyo qodobka saddexaad oo ah in shirkan ay dabada ka riixaan rag siyaasiyiin ah oo hunguri kursi hayo, kuwaas oo doonaya inay shirka Taleex ka dhigtaan salaan ay xilal kaga raadsadaan dawladda Sheekh Shariif ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, balse waxa la eegayaa qaabka iyo jawiga uu shirku ku bilaamo oo laga saadaal qaadankaro maalmaha soo socda makra uu furmo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *