Djibouti (ANN) Midawga Yurub ayaa ka digay faragelinta shisheeye ee arrimaha Somalia, isla markaana aan loo baahnayn in Al-shabaab lagu khaldo muslimiinta kale ee qunyar socodka ah. Mr.Louis Michel oo ah u qaybsanihii arrimaha dibadda ee ururka Midowga Yurub – xiligana ah

 

mudane ka tirsan aqalka baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ka digay faragelinta caalamiga ah ee lagu hayo Soomaaliya, isagoo sheegay inay kasii dari karaan xaaladda hadda jirta Somalia.
Mudane Louis  wuxuu sidaa ku sheegay  wareysi uu  siiyay VOA-da isagoo ku sugan dalka Djibouti, wuxuuna  sheegay inay jiraan arrimo badan oo la buunbuuniyo si ay u sahlanaato in faragelin lagu sameeyo Soomaaliya, taas oo ah sababta ka dambeysa  deggenaasho la’aanta Soomaaliya iyo ka dayrinta xaga nabada ee xaalada murugsan.
“Faragelinta shisheeye waa dhibta  xoogga badan ee ku habsatay Soomaaliya mana doonayo inaan kusii dheeraado ka hadalka arrintan,waxaa jira arrimo badan oo la buunbuuniyo si loo farageliyo Soomaaliya, waxaana caddeynayaa inay jiraan dareen xun oo la doonayo in lagu dhibaateeyo Soomaaliya,” sidaasi ayuu yidhi Louis Michel.
Sidoo kale  Louis wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in Al-Shabaab lagu qaldo muslimiinta qun-yar socodka ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in lala shaqeeyo, wuxuuna xusay in aanay jirin guul laga gaarayo daganaasho la’aanta Soomaaliya haddii aan sidaas la sameyn oon talaabo kasta laga fiirsan.
Waxaa uu intaasi ku dharay Mudane Louis isaga oo hadalkiisii sii wata “Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya lagu dajin karo iyadoo la qabto shirweyne ballaaran oo lagu casuumo dadka ay sida rasmiga ah uga go’do talada, si ay uga hadlaan sidii lagu xallin lahaa dhibaatada dalkooda ka jirta,”.
Louis sidoo kale, wuxuu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay gacan siiyaan DKMG ah ee Soomaaliya oo muujinaysa niyad wanaagsan inta itaalkeeda ahna wax qabanaysa.
Mudane Louis  mar uu ka hadlay budhcadbadeedda wuxuu  sheegay inay wanaagsan tahay in ciidammo badan la geeyo biyaha Soomaaliya si looga hortago falalka budhcadbadeednimo, balse la ogaado in dhinaca kale la horjoogsanayo kalluumeysi ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo kala  soo baxa  nolol maalmoodkooda dhinaca badda iyo kaluumaysiga.
“Uma sharciyeyna budhcadbadeedda dhibaatada wadaan, balse waxaa habboon in la ogaado in falalkaas ay saboolnimadu sababayso, sidaa daraadeena loo baahan yahay in la helo qorshe mideysan oo lagu caawinayo kalluumeysatada,”.
Geesta kale, wuxuu ka hadlay arrimaha Somaliland isagoo yidhi: “Haddii aan ka hadlo Somaliland waxaa cad inuu ka jiro maamul iyo nabad, waxaa waajib ah in la tixgeliyo nabadda ka hirgashay Somaliland, waayo waxaa laga yabaa inay tusaale u noqoto Soomaaliya inteeda kale. Waxayna ila tahay in markii intaas la ogaado la helayo Soomaaliya sidii hore ah.”
Gabagabadii wuxuu sheegay in maamullada ka jira Soomaaliya ay noqdaan tiirarka ay ku taagnaanayso Soomaaliya marka ay dib u dhisanto, isagoo sheegay nabadda Soomaaliya inay ku xidhan tahay iyadoo si wadajir ah loo wada shaqeeyo oo aan loo kala hadhin.
Hadalka mudane Louis ayaa kusoo beegmay maalin ka dib markii ay Ciidamada dalka Ethiopia galaan gudaha Somalia, iyagoo gacanta ku dhigay magaalada mihiimka ah ee Beledweyn. Kadib dagaal qadhaadh oo dhawr saacadood ku dhexmarayay halkaa Al-shabaab.  iyadoo ay horaantii Octoobartii lasoo dhaafay  2011, ciidamada dalka Kenya iyaguna soo galeen koonfurta Somalia, halkaas oo ay dagaalo ku dhexmareen Al-shabaab, isla markaana ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya duqaymo ay dad shacab ahi ku dhinteen ka fuliyeen magaalooyinka Koonfurta Somalia, iyadoo kooxda Al-shabaab balan ku qaaday inay weeraro ka samayn donaan dalka Kenya, halkaas oo ay qaraxyo xidhiidh ah ka sameeyeen labadii bilood ee u danbeeyay. iyagoo dhinaca kalena ku hanjabay inay la dagaalamayaan cid kasta oo soo gasha gudaha dhulka Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *