Ceergaabo(ANN)Madaxdhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, dhalinyarada iyo haweenka Gobolka Sanaag ayaa shirjara’id oo ay shalay ku qabteen fagaaraha beerta xoriyada magaalada Ceergaabo ka soo saaray baaq ay Dawladda Imaaraadka kaga dalbanayaan in ay xoriyadiisa u soo celiyaan

 

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo sida la sheegay ciidamada sirdoonka Imaaradka Carabta xabsiga u taxaabeen xili uu ka soo noqday gudashada xajkii sannadkan.
Waxa kale oo madaxdhaqameedka, cuqaasha, haweenka iyo dhalinyarada gobolka Sanaag Xukuumada Somaliland kaga dalbadeen inay ka hawlgasho soodaynta Boqor Cismaan Buurmadow, maadaama uu yahay muwaadin reer Somaliland ah oo ku xidhan wadan shisheeye, isla markaana xukuumadana uu xil ka saaran yahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta u dhashay dalkeeda.
Waxana dadkii kala duwanaa ee shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ka mid ahaa Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali oo ku hadlayey Afka madaxdhaqameedka gobolka, Chief Caqil Saalax Maxamed Xirsi, Chief Caaqil Maxamed Cabdi Soofe, Chief Caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse, Caaqil, Maxamuud Dirir Hawl, Caaqil Cismaan Baraak, Caaqil Axmed Jaamac Dafac, Caaqil Xuseen faarax Dheglaawe, Beeldaaje Maxamed Muuse Cali (Uguntada) iyo haween iyo dhalinyaro aad u tiro badan , kuwaasi oo dhammaantoodba muujiyey sida ay uga xun yihiin xadhiga boqorka mudada dheer ugu jiray xabsiga dalka Imaaraadka, waxaanay ugu baaqeen madaxweynaha iyo xukuumadaba inay u gurmato sidii boqorkaa xoriyadiisa loogu soo celin lahaa, iyagoo carrabka ku adkeeyey in xukuumada xilka saran yahay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo dal shisheeye lagu qarqarsiyo.
Ugu dambayntiina waxa dadweynaha reer Sanaag ay shirkoodan jaraaid ku caddeeyeen in bulshada reer Sanaag ku qiimayn doonto tallaabada ay ka qaado furdaaminta iyo soo deynta boqor Cismaan Buurmadow iyo sida ay waajibka u tahay in xukuumadu ay kala xaajooto dhigeeda Imaaraadka kiiska loo haysto boqorka.


Dhinaca kale todobaadkii hore ayay Madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo qayabaha bulshada gobolka Sool sidan oo kale baaq ay kaga dalbanayaan xukuumadda Somaliland inay ka hawlgasho sidii Boqor Cismaan Aw Maxamuud xoriyadiisa loogu soo celin lahaa, iyagoo dawladda Imaraadkana ugu baaqay inay ixtiraamto dhaqanka iyo milgaha oo ay xoriyadiisa usoo celiyaan Boqorka oo ay sheegeen inuu ahaa nin nabadeed oo saamayn weyn ku leh bulshada iyo deegaanada Soomaalida oo dhan oo laga ixtiraamo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *