photoWidh-widh(ANN) Shir nabadeedka deegaanka Widh- Widh ayaa maanta si rasmi ah uga furmay, halkaas, iyadoo ay ka qaybgaleen ku dhawaad dhawr boqol oo ergooyin ka kala yimi deegaamada Sool, Buuhoodle,  Xukuumadda Somaliland   iyo madaxdhaqameed ka tegey

 

deegaanka Togdheer.  shir nabadeedkaa  oo ku bilaabmay jawi degan oo xasiloon ayaa ah mid uu  hore ugu baaqay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), kaas oo ujeedadiisu tahay  sidii xal  loogu heli lahaa tabashooyinka dadka deegaanka Sool iyo Buuhoodle, isla markaana looga wada xaajoon lahaa  arrimaha nabadgelyada.
Wasiirka xannaanada xoolaha Cabdi Aw-Daahir oo wafdiga dhinaca dowladda ayaa Idaacada VOA u sheegay maanta in shirkaasi uu si rasmi ah uga furmay Widh-widh, isla markaana uu  ka dambeeyay baaqii madaxweyne Silaanyo, oo ujeedadiisu  tahay gogol Nabadeed sidaa darteed lagaga hadli doono sidii loo mideyn lahaa bulshada  Somaliland.

photo

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in shirku ku furmay jawi nabadeed oo degan oo uu socon doono mudo afar maalmood ah, wuxuuna xusay inay kasoo qaybgaleen inta baddan horjoogayaashii kooxda SCC  Odayaal madaxdhaqameed,  siyaasiyiin iyo aqoonyahan kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Buuhoodle. Iyadoo dhinaca xukuumadda Somaliland ay shirkaa ka qaybgaleen  wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, saraakiil ka tirsan xukuumada, xildhibaano laba gole Baarlamaan iyo madaxdhaqameed ka tegey gobolka Togdheer. “shirka waxa lagu magcaabi doonaa gudiyo labada dhinac ah, wixii halkan lagu dhamayn waayo, waxa lagula noqonayaa go’aankeeda xukuumadda sare ee Somaliland. Gudiyadana sadexda maalmood ee danbe ayaa qorshuhu yahay inay wada fadhiistaan.”

Normal 0 false false false EN-US X-NONE AR-SA MicrosoftInternetExplorer4

Xukuumada Somaliland waxa shirkaasi uga qeyb galay Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir, la taliyaha Madaxweynaha ee gobolada barri Md. Fu’aad Aadan Cadde, Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Cabdi Guray. Waxa kale oo goob joog ka ahaa Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida oo kala ah Md. Maxamed Faarax Qabile iyo Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad).

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, oo ka hadlay furitaankii shirkaasi ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ahmiyad weyn siinayso nabadgelyada isla markaana ay dhego furan u leedahay tabashooyinka beelaha dhulbahante.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo Gaadiidka cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna sheegay inuu rajo weyn ku qabo in shir nabadeedkan ay ka soo bixi doono heshiis nabadeed oo loo dhan yahay oo lagu bedelo colaadii ka jirtay deegaankaasi.

 

Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Keyse Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaan jiray madaxda sar sare ee SSC oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shir nabadeedkan oo muddo dheer ay ku taamayeen sidii loo qaban laha ka dib markii ay ogaadeen inaan dagaal wax faa’iido ah u lahayn bulshada oo dhan.

Waxa uu mahad naqay ergada ka kala timid gobolada Sool iyo Buuhoodle ee shirkan nabadeed ka qeyb galay, waxaanu si gaar ah u bogaadiyay garabka hubaysan ee kooxda SSC oo markii u horaysay ka qeyb galay shir nabadeed, waxaanu tilmaamay in arrintani tahay bisayl weyn oo ay ka sameeyeen dhinaca siyaasada.

Keyse Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay in shirkan nabadeed uu daba socdo shir hore dabayaaqadii sanadkii hore 2010-ka uu Garaad Abshir Saalax ku qabtay deegaanka Widh-widh. Waxaanu ku dooday in shirkani yahay wajigii labaad ee lagu soo gabo-gabaynayay shirkaasi hore ee beelaha dega degmada widh-widh ay nabada ku qaadanayeen.

Keyse waxa uu jawaab ka bixiyay hadal Garaado reer Buuhoodle ahi ay ku durayeen shirkaasi waxaanu tilmaamay inay iyagu nusqaan ku tahay in iyagoo madax dhaqameed ah ay ka soo qeyb geli kari waayeen shir nabadeed oo lagu qabanayo deegaankoodii. Waxaanu u soo jeediyay inay ka soo qeyb galaan shirkan

Guddoomiyihii Guddida khusuusida (Golaha dhexe) ee ururkaasi C/Risaaq Xasan Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay doonayaan inay xukuumada Somaliland kala xaajoodaan masiirka deegaankooda waxaanu carabaabay inay aad u danaynayaan shirkan oo ay sheegeen inay ka rajaynayaan inuu ka soo baxo heshiis nabadeed.

olaadii ka jirtay deegaankaasi.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay shirkaasi ayaa caddeeyay in shirkani uu yahay gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay beelaha deegaanadaasi.

Cabdilaahi Cukuse oo la hadlayay Isimada ka maqan shirkan waxaanu sheegay in Risaaladii Rasuulka Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee aanay dadku mar wada qaadan ee kolba ay qeybi qaadanaysay. Waxaanu ku dooday in dadka ka maqan shirkan nabadeed ay aakhirka la qaadan doonaan.

“Qurbo jooga deegaamada Sool iyo Buuhoodle ee dadkooda rasaasta taakulada uga dhiga waxaan odhan lahaa malaa waxa idiinka wanaagsan inaad dadweynihiina iyo carruurtiinu u baahan yihiin inaad lacagta ugu soo dirtaan waxbarasho, dawo iyo horumarinta adeegyada bulshada,waxaan u soo jeedinayaa siday qurbo joogu ay ugu dedaalaan carruurtooda ay ku hayaan dibadaha inay carruurta xigtadooda ahna ay u ilaaliyaan xuquuqdooda oo aanay rasaas sahay ahaan ugu soo dirin,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Waxa kale oo shirkaasi xubnaha ka hadlay ka mid ahaa.Maxamuud Axmed Barre (Garaad), oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtida kana soo jeeda gobolka Awdal, wuxuuna sheegay inuu jecelaa inuu ergada haddii ay suurto gelayso u kaxeeyo magaalada Boorame si ay indhahooda ugu soo arkaan sida bulshadaasi nabadgelyo iyo horumar u gaadhay.

“Waxaan idiin sheegayaa walaalayaal anagu haddii aanu nahay reer Boorame waxa carruurtayadii iyo bulshadayadiiba ay gaadhay horumar weyn waxa ka furan Boorame laba jaamacadood tirada dugsiyada sarena ciidaasi ayay ka badan yihiin iska daa dadkii carruurtii caadiga ahaayee xataa carruurtii dhegaha iyo indhaha la’aa ayaa ka qalin jabinaya waxbarashadii, idinkana waxa laga yaabaa in carruurtiinu aanay helin wax waxbarasho ah oo la sheegi karo.”ayuu yidhi Xildhibaan Garaad oo ka mid ah xubin sharafeedyada aqalka odayaasha.

Sidoo kale furitaankii shirkaa waxa ka hadlay Wakiilka Garaad Abshir Saalax oo magaciisa la yidhaahdo Diiriye Maxamed, waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin beel ahaan inay nabad la qaataan Somaliland waxaanu intaasi ku daray in shirkani uu daba socdo kii Garaad Abshir hore u qabtay.

Iyadoo ay Odayaasha iyo waxgaradka madasha ka hadlay ka mid ahaayeen Chief Caaqil Maxamuud X. Axmed Aadan iyo Caaqil Cabdi Cali Abokor waxaanay sheegeen inay u han weyn yihiin shirkan diyaarna u yihiin inay fuliyaan wixii go’aamo ah ee ka soo baxa.

 

Dhinaca kale Xubnaha horjooyaasha u ahaa kooxda SCC ayaa  si lama filaan ah uga qayglay shirkaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin  Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga  kooxda SCC C/risaaq Xasan Gacamay,   Cisman Xaaji Cali oo dhinaca Maaliyada u qaabilsanaa kooxdaa iyo Maxamed Case oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxdaa, waxaana sadexdaa xubnood shalay  lagu soo dhoweeyay magaalada widh-widh, iyadoo ay si toos ah uga qaybgaleen  wada hadalada nabadeed ee maanta  ka furmay magaalada Widh-widh , taas oo ka cadhaysiisay Ninka hada kooxdaa ku hadhay ee lagu magcaabo Col, sabareey.
Laakiin shaqsiyaad kooban oo la filayay inay ka mid noqdaan ergooyinka dhinaca buuhoodle iyo Sool ayaan shirkaa iman. Caaqil Maxamed Nuux Maxamed oo ka mid ah odayaasha deegaanka Widh Widh, isla markaana  ka mid ah shaqsiyaadka ku gacansaydhay wadahadalada nabada ee  shirkaasi ayaa u sheegay idaacada VOA-da  in aanay ka qaybgelin shirka, balse waxa jira warar sheegaya inay xubno kooban oo uu ka mid  yahay caaqilkaasi la filayo inay saacadaha soo socda ka qaybgalaan shirka Widh-widh.
Deegaanka widh-widh waxa hada ku sugan ergooyin gaadhaya boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin dhinaca Somaliland ka tegey, mudanayaal labada gole Baarlamaan iyo madaxdhaqameedka deegaanka Buuhoodle iyo Laascaanood. Waxaana aad loo adkeeyay amaanka deegaanka Widh-widh, iyadoo dadweynaha deegaanku  isu abaabuleen inay ergooyinka halkaa  gaadhay soo dhowayaan. Shirkan oo ah baaq Madaxweyne Siilaanyo hore ugu jeediyay dadka deegaanka Buuhoodle iyo Laascaanood  ayaa la filayaa in lagu soo afjaro tabashooyinka siyaasadeed ee deegaanka mudada dheer soo jiitamayay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *