Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si rasmi ah u oggolaaday furashada ururrada siyaasadda oo hore uu ugu gudbiyey Baarlamanka, isagoo ku xidhay shuruudo  qaabka dib u furashada Ururada siyaasda, taas oo uu wax kaga beddelay

 

Xeerka Nidaamka Axsaabta Lr.14/2001  ee uu u gudbiyey Golaha Wakiillada. Sida lagu xusay digreeto madaxweynuhu u gudbiyay golaha wakiilada.
Madaxweyne Siilaanyo oo digreetada uu ku oggolaaday furashada ururrada ku ladhay wax-ka-beddel uu ku sameeyey xeerkii u yaallay nidaamka axsaabta, waxa uu shuruudo cusub ku xidhay diiwaangelinta ururro cusub iyo weliba qaabka ay u soo bixi karaan, kaas uu u gudbiyey Golaha Wakiillada si ay isku waafajiyaan xeerka axsaabta Lr.14/2001 ee hore u jiray.
Wareegtada Madaxweynuhu soo saaray oo laga horakhriyey fadhi wadajir ah oo labada gole ee Wakiillada iyo Guurtida ka yeesheen shalay ansixinta xilka-qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxa ugu horreyn digreetada uu ku oggolaaday furashada ururrada siyaasaddu u qornayd sedan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu arkay qodobada 90, 22, 23 iyo 32-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu tixgeliyey taladii ay soo jeediyeen guddigii qaran ee ka talo-bixinta ururrada siyaasadda wuxuu go’aansaday;
In ururrada siyaasadda la furo oo loo oggolaado inay ka qaybqaataan tartanka doorashooyinka dawladaha hoose si waafaqsan shuruucda dalka.
Sidaa daraadeed, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaan xeerka nidaamka axsaabta Lr.14/2001 si aad wax-ka-beddel iyo kaabis ugu samaysaan, si ay fursad ugu helaan ururrada siyaasadeed inay ka qaybqaataan doorashada degaanka.”
Sidoo kale, waxa fadhigaas Xoghayaha Guud ee Wakiilladu uu ka akhriyey qayb ka mid ah qodobadda wax-ka-beddelka uu ku sameeyey Madaxweyne Siilaanyo ee shuruudaha isdiiwaangelinta iyo soo bixida ururro cusub oo siyaasadeed ka muuqdaan.
Qodobada ugu muhiimsan ee Madaxweynuhu wax-ka-beddelka ku sameeyey iyo qaabka uu u soo jeediyey in loo beddelo waxa ka mid ah;
“Qodobka 3aad: qabadashada codsiyada diiwaangelinta; bixinta deebaaji (lacagta diiwaangelinta) dhan 150 milyan oo shillinka Somaliland ah oo u dhiganta $25,000 (shan iyo labaatan kun oo dollar).
Qodobka 4aad: xisbiyadda siyaasadeed ee ku-meelgaadhka ah; saddexda urur/xisbi ee doorashada dawlaha hoose ku hela ugu yaraan 20% codadka gobol kasta ee noqda kuwa ugu sarreeya ayaa loo aqoonsanayaa saddex xisbi siyaasadeed oo qaran, lana siin doonaa shahaadada aqoonsiga xisbi qaran.
* Haddii hal urur/xisbi oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu helo 20% codadka gobol kasta guddigu waxay u aqoonsanaysaa xisbi siyaasadeed isaga iyo labada urur/xisbi ee ku xiga codadka gobolkaas.
* Haddii ay is le’ekaadaan tirada codadka laba urur/xisbi ama ka badan waxa lagu celinayaa tartaka ururrada/xisbiyada markale oo ay Guddiga Diiwaangelintu cayinto,” ayaa lagu yidhi digreetada Madaxweynaha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com
Xigasho Jamhuuriya

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *