Hargeysa(ANN) Haweenayda Ku Xigeenka Kaaliyaha Africa ee  Hay’adda Mucaawimooyinka u qaabilsan  Dalka Maraykanka ee loo soo gaabiyo, USAID, isla markaana  qaybteeda caawimooyinka  u qaabilsan Qaaradda Afrika, Rajakumari Jandhayala, ayaa soo gaadhay Magaaladda Hargeysa, taas oo

kormeeraysa mashaariicda ay hay’addaasi ka wado Somaliland. Masuulkan sare ee ka socda Hay’adda USAID ayaa la kulantay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, shaqaalaha USAID, kuwaas oo ka shaqeeya mashaariicda hay’addu Somaliland ka wado, sida  kobcinta dhaqaalaha, barnaamijyadda wacyigalinta ah ee laga sii daayo raadiyaha, iyo barnaamuj dhaqaale loogu abuurayo dhalinyaradda. Waxay sidoo kale la kulantay qaar ka tirsan ganacsatadda Somaliland. Sidoo kalena waxay haweenaydani  booqatay xarunta wax-barashadda ee ay hay’adda USAID gacanta ka gaysato ee Maxamuud Mooge Learning Centre.
Haweenayda Ku Xigeenka kaaliyaha Madaxa Afrika u qaabilsan USAID, Rajakumari Jandhyala, ayaa tidhi, iyadoo ka warbixinaysa safarkeedan ay ku timid Somaliland, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan arko waxa ay dadka reer Somaliland iyo hay’adda USAID ay wada qabteen.” Waxaanay intaas ku dartay: “Taageeradda laga gaysanayo dhinacyadda kobcinta dhaqaalaha, waxbarashadda iyo kor u qaadida xirfadaha dhalinyaraddu waa waxa runtii si dhab ah u taabanaya nolosha dadka, waana arrinta ay hay’adda USAID u abuuran tahayba. Waxaan rajaynayaa inaan arko wajiga labaad ee kan xiga ee ku saabsan barnaamujyada aanu gacanta ka gaysanayno ee kuwan la xidhiidha.”
Hay’adda USAID ayaa  Sannadkan  2011, waxay ku bixisay lacag gaadhaysa $ 20 milyan oo Dollar si wax looga qabto  hawlaha la xidhiidha taageeradda dhinaca horumarinta ee la xidhiidha dhinacyadda, dhismaha dawladnimo, waxbarashadda, dhaqaale u abuurida dhalinyaradda, kobcinta dhaqaalaha iyo ilaalinta nabadgalyadda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *