Muqdisho(ANN)Shirka Odayaasha Soomaalida eela doonayo inay ansixiyaan Dastuurka loo sameeyay Somalia, ayaa si caga-jiid ah uga  furmay maanta Magaalada Muqdisho, iyadoo  Ergooyinka shirkaa qaarkood ee ka yimi deegaanada qaarkood loo diiday. Kadib markii ay damceen inay kasoo

 

xaadiraan tirooyinkii loo qoondeeyay qaar ka baddan.
Shirkaa  ayaa loo qorsheeyay inay ka qeyb galaan  825-Ergay  oo ka kala socdda deegaamada  Soomaalida ayaa ka hadli doona sidii loo ansixin lahaa dastuurka lagu muransan yahay oo mudooyinkii u dambeeyay uu dib u dhac ku imaanayay ansixintiisa.
Furitaanka kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay  madaxdda sar sare ee dawladda Soomaaliya , diblumaasiyiin ka kala socdda beesha caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay
Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hadlay ayaa cadeeyay in ergadda ansixineysa dastuurka ay 95% ay diyaar yihiin, isagoo  xusay in shirka ergadda ansixinta Dastuurka uu socon doono ilaa 1-da bisha August ee sanadkaan 2012ka.
Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in  magaaladda muqdisho ay xiligaan ku sugan yihiin ergo gaadhaysa ilaa 700,  inta hadhayna  la soo dhameystiri doono waxaana uu sheegay in isla maanta, Ergooyinka ay xaadir ku ahaan doonaan xarunta shirka oo ah Dugsiga tababarka ee School Polizio, iyadoo dadka gelaya  la marinayo baadhitaan  si loo sugo amaanka, wuxuuna dib u dhacaa ku tilmaamay cilad dhinaca farsamada ah, isla markaana xusay in wixii khilaafaad ahaa ee ku saabsanaa ergadda la xaliyay oo  maalintii shalay lasoo gaba gabeeyay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ah duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta magaalada Muqdisho lagu qabto shir lagu ansaxiyo dastuur uu yeelanayo dalku.
Shirkaa oo soconaya mudo sagaal maalmood ah, waxa maanta Ergada ansixineysa Dastuurka dalka loo qeybiyay nuqulo ka mid ah qabaya qoraalka Dastuurka si ay u soo naaqishaan.
Dhinaca kale Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/raxmaan Farroole, ayaa laga diiday ergadii uu u qorsheeyay shirkaa oo ahayd 100 xubnood, waxaana lagu wargeliyay in loo ogolyahay 30 xubnood oo keliya. Sidoo qaar ka mid ah Odayaasha deegaanada kale ee magaalooyinka Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Somalia, ayaa saluug ka muujiyay qaabka loo maamulay ergooyinka shirkaa ka qaybgelaya.
Sidoo kale furitaanka shirka la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka, waxa si weyn ugu gacan saydhay Culimada oo ku tilmaamay dastuurkaa mid aan anfacayn bulshada Soomaalida, kuwaas oo ku baaqay mudaharaadyo lagu diidanyahay inay isugu soo baxaan dadku.
Guddoomiyaha Majmaca culimmada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow.  ayaa sheegay inay abaabulayaan dibad-bax lagaga soo horjeedo dastuurka oo uu ku tilmaamay mu’aamarad loo maleegayo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna  soo dhaweeyay ka bixitaankii qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ay ka baxeen shirka ka socda Muqdisho, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in Soomaalidu ay ka hortagaan faragelin qaawaan oo lagu hayo dalka.
“Baaqu waxa uu  ka soo horjeedaa faragelinta qaawan ee arrimaha Soomaaliya lagu hayo, qofkii arrintiisa doqonnimada iyo caqli xumada ah ka hadlana waa dambiile, taasna waa ku ceeb Maraykanka,  ama dawladaha kale, xaqana loogama leexdo cabsi”ayuu yidhi.
Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow, ayaa  ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed oo dhan inay kasoo qaybgalaan dibad-baxa ay abaabulayaan, kaas oo uu sheegay inuu dhici doono inta ka horreysa 17-ka bisha Ramadaan ee lagu jiro, isagoo yidhi, “Inta ka horreysa 17-ka bisha Ramadaan ayaan qabanqaabinaynaa dibad-bax aanay Soomaali u kala hadhin, dadka Muqdisho waa inay ka hortagaan in dalkooda iyo diintooda la majara-habaabiyo, Soomaali meel walba oo ay joogto, qofkii damiir iyo iimaan leh waxaan ugu yeedhaynaa inuu dibad-baxaas ka soo qaybgalo” ayuu yidhi Sheekh Dhicisoow.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *