Berbera(ANN)Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo laba sanadood ah socdaal caafimaad ugu maqnaa dalka Britain ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay madaarka

magaalada Berbera.
Guddoomiyaha Guurtida waxa madaarka ku soo dhaweeyay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Duqa Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maareeye Ku xigeenka Dekada Berbera, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland iyo dad badan oo isaga kala yimi gobolada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay qolka nasashada ee madaarka Berbera, ayaa u mahad celiyay masuuliyiintii soo dhaweeyay.
“Dalka waan la socday xaaladiisa, dalka iyo dadkuba wuu wanaagsan yahay.Waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa in sidaasi wanaagsan ee aynu u wada wadno inaynu u wada wadno,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.
Gudoomiye  Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu soo  dhaweeyay wada hadalada hordhaca ah ee u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Goleyaal aynu ka baqi jirnayna waynu ka qeyb-galay. Waxaan rajaynayaa inay soo dhawayso arrintaasi inaynu mar uun Goleyaasha adduunka ka mid noqono waxba yaanay ina siinine.”

Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuu sheegay inuu soo  dhamaystay safarkii caafimaad ee uu ugu maqnaa Magaalada London oo xaaladiisa caafimaad fiicantahay illaahay Mahadii, isla markaana uu bilaabi dooni shaqada golaha Guurtida oo fadhiid noqotay  illaa maamulka Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay badhtamihii sannadkii 2010-kii.
Dhanka kale Guddomiyaha ayaa waxa Tuulada Haleeya kaga hortagay Boqolaal baabuur oo u soo galbiyey Dhinca magalada Hargeysa, isaga gurigiisa maglada Hargeysa ku degey, waxaana halkaasi kusii sugayey Boqolaal dadweyne ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *