Buuhoodle(ANN)Hoogimayaha garabka SSC, Saleebaan Xagla-toosiye, ayaa ku cel-celiyay inay qaateen nabada marar baddan ay Somaliland ugu baaqday. Kadib markii uu maanta ku laabtay deegaanka Buuhoodle oo uu mudo ka maqnaa. Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo dhowaan

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayo ay ku kulmeen dalka Imaaraadka Carabta, waxa meel fagaare ah markii u horaysay ee uu ku laabtay deegaanka Buuhoodle oo si weyn loogu soo dhoweeyay ka sheegay aragtidiisa kulanka ay yeesheen Wefdiga Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna isagoo la hadlaya dadkii soo dhoweeyay iyo Malayshiyadiisa yidhi, “madaxda Somaliland, waxaan ka wada hadalnay sidii looga shaqayn lahaa nabada iyo ciidamada la kala qaado, waana mid aan qaadanay oo aanu ka shaqaynayno nabadu “ ayuu yidhi.
Xagla-toosye, isagoo la hadlaya saaxiibadiisa mawqifka nabada kasoo horjeeda, wuxuu yidhi, “waxa jira dad baddan oo nabada diidan, colaadana aan waxba ka tari karin, kuwaas waxaan leeyahay waxba laydinka weydiin maayo nabada oo Reer Buuhoodle ayay nabadu ka go’adaa, sida ay colaadu uga go’do. Anaguna wixii xal ah ee nabad lagu gaadhayo diyaar ayaan u nahay, waana soo dhowaynaynaa in laga gudbo colaada, waayo nabada waynu u baahannahay, ta aanu ka wada hadlanayna waa taas, mana jirto cid nabada baryaysaa oo dadka iyo deegaanka oo dhan ayaa u baahan” ayuu yidhi Xagla –toosiye.
Hogaamiyaha Malayshida SSC, Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, waa hogaamiye kooxeedkii u danbeeyay ee garabka nabad-diidka ahaa ee SSC, marka laga reebo Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise oo ah iyagu siyaasiyiin ka mawqif duwan saraakiisha SSC,  kuwaas oo ay marar baddan xukuumadda Somaliland ugu baaqday nabad iyo inay wixii ay tabanayaan la yimaadaan miiska wadahadalka, balse ku gacansaydhay, wuxuuna baaqan Saleebaan Xagla-toosiye ku baaqay inuu aqbalay nabadu wax suurta gal ah inuu noqdo  mid khilaafka deegaanka  Buuhoodle wax weyn ka bedela.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *