shirka Somalia LondonLondon(Araweelo News Network) Raysal Waasaraha Britain David Cameroon oo qudbad ka jeediyay Furitaanka shir Caalami ah oo maanta

 

magaalada London ee caasimadda dalka Britain uga furay, ayaa bidhaamiyay rajo iyo yididiilo ku waajahan mustaqbalka Somalia.

Shirkaa oo si rasmi ah uga furmay guriga Lancaster House ee magaalada London, waxa lagaga hadlayay arrimaha Somalia, waxaana wada jir u gudoominayay  Ra’isulwasaaraha dalka Britain David Cameroon iyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana  ka  qeybgalay madax ka kala socota in kabadan 50 dowladood oo caalamka ah.

Ra’isulwasaaraha Dalka Britain David Cameroon oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa muujiyay  in Rajada Soomaaliya ay weli nooshahay oo ay bidhaameyso, wuxuuna xusay  in ay muhiim ay  tahay in dib loo dhiso Soomaaliya si looga maarmo safar baaxad weyn oo ay dadku Soomaaliya u galaan iyo in la helo meel argigixisada loo dhaafiyo.

“amniga Soomaaliya waxa uu qeyb ka yahay ammaanka caalamka oo dhan Soomaaliya waxaa ka jira argigixiso,budhcad badeed iyo dhibaatooyin kale, dhamaan  dhibaatooyinkaa oo dhami  waa kuwo ka dhashay dayacaad beesha caalamku ay ku sameysay Soomaaliya,  mana dooneyno in qaladkaasi markale la galo”ayuu ku yidhi khudbaddiisa Ra’isulwasaare David Cameroon.

Ra’isulwasaaraha dalka Britain David Cameroon oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka ay tahay in xiligan Soomaaliya loo taageero oo ay caalamku u taageeraan, isagoo yidhi, ” in ayada oo si wadajir ah loo taageerayo Soomaaliya waxeynu hirgelin karnaa qorshaha amni ee ay la timaado Dowladda Federaalka Soomaaliya,qorshahaasina waa dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya,taasi waa mida soo afjari doonta falalka argigixisanimo ee ururka Al-Shabaab”

David Cameroon ayaa madasha ka dhawaaqay yabooh dhaqaale oo ay Dowladda Britain ku taageereyso Soomaaliya, kaas oo kala ah:-

Toban Milyan oo geniga Istarliinka ah oo la siinayo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo in ka badan 14Million Geni oo la siinayo Hay’addaha iyo Garsoorka iyo Cadaalladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay madasha shirkaa ayaa ka hadlay dhinaca horumarka ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaadhay gaar ahaanna dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda, wuxuuna  xusay inay lagama maarmaan tahay taageerro xiligan ay beesha caalamku wadajir u siiyaan Soomaaliya, iyadoo  laga taageerayo ammaanka oo ay ugu horeyso la dagaalanka argigixisada Al-Shabaab iyo in dowladda laga taageero hormarinta dhinacyada garsoorka,Garsoorka iyo dib u habeynta dhaqaalaha.

“dowladdu waxey gaadhay guullo aad u farabadan oo dhinacyada ammaanka iyo siyaasaddaba isugu jira waxaana xaqiiqo ah in dhammaan guullahaasi ay ku yimaadeen taageerrada iyo kalsoonida ay beesha caalamku u muujiyeen Soomaaliya oo ah mid dhameystiran sida inoo muuqata, waxaan jeclahay inaan dowladda Britain iyo Ra’isulwasaare David Cameroon uga mahad celiyo hirgelinta shirkan baaxada leh”ayuu ku yidhi Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Wuxuuna xusay in dawladiisu soo dhowaynayso in  maalgashi ay xiligan beesha caalamku ku sameeyaan Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena ka hadlay  ammaanka oo uu sheegay  in guul laga gaadhay dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka kooxda argigixisada ah ee Al-shabaab, balse  ay  lagama maarmaan ay tahay in si guulahaasi ay usii socdaan dowladda laga gacan siiyo dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida si ay awood buuxda ugu yeeshaan bur burinta argigixisada Al-Shabaab, isagoo sidoo kalena xusay xidhiidhka  ku dhisan deris wanaaga iyo iskaashiga ee ay Dowladda Federaalku la leedahay dalalka deriska la ah.

Madaxweynaha Dalka Djiboti Ismaaciil Cumar Geele oo isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa ammaanay isbedellada hormarineed ee xiligan ka jira gudaha dalka Soomaaliya oo sida uu sheegay ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidaa awgeed  ay lagama maarmaan tahay inay caalamku si wadajir ah u taageeraan Soomaaliya xiligan.

Sidoo kale Madaxweynaha Uganda Uweri Museveni oo isaguna khudbad ka jeediyey madasha ayaa xusay in Dowladda Uganda ay had iyo goor garab taagantahay Soomaaliya taageeradaasina ay qayb ka tahay Ciidammada ka socda dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya  oo ay Dowladdiisa Uganda sii wadi doonto.

Ra’isulwasaaraha Ethiopia  Hayle Mariam Disale oo isaguna khudbad ka jeediyey madasha ayaa ku dheeraaday hormarka xiligan ka jira Soomaaliya waxaana uu Ra’isulwasaare Mariam xusay hadii caalamku ay si wadajir u taageeraan dib u dhiska iyo hormarka Soomaaliya, dowladiisana ay wadashaqeyn dhow oo ku dhisan iskaashi iyo deris wanaag ku dhisan la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyata oo isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in dowladiisa cusub ay aad u garab taagantahay hormarka uu caalamku la garab taaganyahay Soomaaliya waxaana uu codkiisa ku biiriyey in caalamku ay si wadajir ah xiligan usii taageeraan Soomaaliya.

Hadaba Yabooha dhanka dhaqaalaha ah ee shirka laga muujiyey ayaa kala ah:-

Midowga Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah waxaana lacagtaasi loogu talagalay hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda.

75Million $ dowladda Denmark dhinacyada hormarinta cadaalladda.

Dowladda Mareykanka 40 Million $ oo doolarka Mareykanka.

Turkiga 10 Million $ oo dollar dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Qatar 18 Million $ oo dollar.

Dhammaan yabooha dhaqaale ayaa  hordhac u ah  dhaqaale  ay beesha caalamku wadajir ugu taageeri doonaan hormarinta dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo  taageradaa  inteeda badan la filayo in caalamku ay ku muujiyaan shir bisha September ee sanadkan ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Hadaba warmurtiyeedka kasoo bixi doona gebagebada shirka oo Radio Muqdisho uu si hordhac ah u helay ayaa qodabada ku xusay waxaa ka mid ah:-

Bogaadin loo jeediyey Guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaadhay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka oo ay ugu horeeyaan  ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay.

In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan.

Dhameystirka Dastuurka qabyada

La dagaalanka Bucadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka

In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016doorasho

Soo dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland

Hirgelinta Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.

In la siiyo Dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka  deeqaha bixiya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *