TurkigaAnkara(Araweelo News Network) Raysal Waasaraha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan ayaa ka niyad jabsan natiijada kasoo bixi karta shirka

magaalada London maanta  ka dhacaya oo ay ka qeyb gelayaan inta badan madaxda wadamada daneeya arrimaha Somalia.

Wakaladda wararka Turkiga ayaa baahisay in wadahadal khadka taleefanka ku dhaxmaray Rajab Dayib Ordugan R’iisal wasaaraha Turkiga iyo Cameron Ra’iisal Wasaaraha Britain,  ay labada dhinac kaga wada hadleen arrinta Soomaaliya sida ay baahisay wakaalada Al Anadol.
Raysal wasaaraha Turkiga aya u sheegay dhigiisa Cameroon in shirk ka dhacaya London aanu ahmiyad weyn u lahayn arrimaha Somalia, sidaa awgeed aanu raysal wasaare ahaan ka qaybgelayn, taas oo u muuqata in Turkigu saluugay sida Britain u maamushay shirka. “Ra’iisal Wasaruhu wuu ka cudur daartay ka qeyb galka shirka London,  wuxuuna u diri doonaa Axmed Da’ud Oglo wasiirka arrimaha dibadda”ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Ordugaan.

Sidoo kale Turkigu waxay u arkaan in shirka London aanu macno badan u samaynayn Dowladda uu madaxda u yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Turkiga oo dowladaha NATO wakiil ka ah ayaa dhowaan joojisay dhamaan hawlo mashaariic ay ka waday xarunta Somalia ee Muqdisho, kuwaas oo kusoo beegmay maalmo ka dib markii ay halkaa ku dhinteen saraakiil ka tirsan Hay’ad samo fal oo ka hawlgelaysay Muqdisho. Sidoo kale Dawlada Turkia waxay joojisay gebi ahaanba Duulimaadka  Diyaarad ay leeedahay oo duulimaadyo ka bilawday dhowaan Muqdisho.

Talaabooyinkaa ayaa muujinaya inay Turkigu dib u gurasho ka bilaabeen arrimaha Somalia oo ay markii hore ku dhiiranaayeen.

2011 oo abaaro saameyn badan ku yeeshay Nolosha Malaayiin qof oo Soomaali ah ayay Dawlada Turkigu usoo gurmatay Somalia, waxayna bilawday mashaariic dhinaca horumarka iyo nolosha bulshada oo ay wixii xiliggaa ka danbeeyay ka waday Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *