Madaxweyne Siilaanyo  iyo XaglatoosyeDjibouti(Araweelo News Network) Wasiirka Dib U dejinta Somaliland Saleebaan Xagala-toosiye oo weli sugan Dalka Djibouti kadib markii uu ka cadhooday khilaaf ka dhashay

Raashinka Caawimada Turkigu bixiyay dhowaan oo dhaxmaray Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici iyo haweenayda Agaasimaha ka ah xafiiska Samafalka Madaxtooyadda Aamina Maxamuud  oo sanadkii hore Madaxweyne Siilaanyo hoos geeyay wasaaradda dib u dejinta, balse ay wareegtadaa waxba ka socon waayeen ayaa diyaariyay warqada is casilaamada iyo inuu dib uga laabto siyaasada Somaliland.

 

Sida ay sheegeen warar u dhuun daloola wasiir Saleebaan Xagla-toosiye oo ku sugan dalka Djibouti, ayaa hada qorsheeyay sidii uu qoraalka is acasilaadiisa ugu soo diri lahaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo. Kadib markii sida ay wararka la xidhiidha Saleebaan Xagala-toosye ay Madaxtooyadda Somaliland iska dhegatirtay cabashadiisa iyo waxa uu tirsanayo, taas oo uu naawilayay in Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa oo xiliggaa dalka ka maqnaa garwaaqsan doonaan marka ay dalka kusoo laabtaan.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Wasiirka Dib u Dejinta oo todobaadkii hore u duulay dhinaca dalka Djibouti ayaa wejigabax siyaasadeed soo waajahay mudadii Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisu ka maqnaayeen dalka. Kadib markii is maandhaaf xooggan uu dhexmaray Madaxweyne Xigaanka Somaliland oo ahaa ku simaha Madaxweynaha iyo Haweenayda Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyadda oo ay si gaar ah isugu dhaceen wasiirka, isla markaana ay taasi sababtay in mooraal jab siyaasadeed soo waajaho.

Wasiir Xagla-Toosiye waxa uu mudo todobaad ku dhow ku sugnaa dalka Djibouti, iyadoo sida ay wararka u dhuun daloola safarkiisu sheegayaan inuu la tashi la sameeyay qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka Sool iyo siyaasiyiin deegaanka ah oo ku sugan Hargeysa iyo Djibouti, kuwaas oo ugu baaqay inuu iska casilo xilka mar haddii uu la kulmay  meel ka dhac iyo bahdilaad  aanu geyin, isla markaana aanu Madaxyooyadda  Somaliland ka helin wax garawshiiyo ah.

Saleebaan Xagla-toosye waa siyaasi dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Deegaanka Buuhoodle, wuxuuna ahaa aasaasayaashii  jabhada SSC, taas oo si weyn u diidanayd Somaliland , balse dagaal kala hortimi xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo markii ay xilka la wareegtay 2010.

Xagala-toosiye oo dhaqaalaha ugu badan ku maamulayay mucaaradka SCC oo fadhigoodu ahaa Buuhoodle oo ah deegaankiisa khaaska ah, waxa uu xukuumadda Somaliland la galay wadahadal  dedaal dheer loo galay, iyadoo  kulankii u horeeyay laysku arkay Djibouti.

Hase yeeshee August 2012 mar Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayay ku tageen safar dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai  waxay ku kulmeen  Saleebaan Xagla-toosye, waxayna Madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayay kulan ay Xagla-toosiye  kula yeesheen Dubai ku wada gaadheen heshiis dhinaca nabada ah iyo xal loo helo mushlilada khilaafka siyaasadeed iyo gacan ka hadalka dhinaca deegaanka Sool iyo Buuhoodle.

Saleeban Xagala-toosiye ayaa Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Wasiirka Dib U Dejinta Somaliland badhtamihii Oct, 2012, waxayna magacaabistiisu wax weyn ka bedeshay xiisadii dhinaca Buuhoodle ee gacan ka hadalka ahayd iyo dagaaladii weeraradii mararka qaar ay kooxda SCC, ee uu rukunka u ahaa  kusoo qaadi jireen ciidanka qaranka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee Saleebaan Xagala-toosiye iyo bulshada deegaamada Sool iyo Sanaag maaha kuwo tabashooyinkooda ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhegaysato, waxayna hadda u muuqataa in Madaxweyne Siilaanyo ilaabay heshiiskii dhinaca nabada ee uu la galay Saleeban Xagala-toosiye oo haddii ay xukuumaddu dhegaha ka furaysato horseed u noqon karta guuldaro siyaasadeed iyo raad arooryo oo dib loo raacay.
Xiggasho www.arraweelo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *