Hargeysa(ANN)Shirgudoonka labada gole  Baarlaan ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku xigeenkiisa

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ay go’aansadeen inay wada jir ah u wada shaqeeyaan. kadib markii khilaaf debeda usoo baxay mudooyinkii u danbeeyay dhexyaalay madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka.

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay maanta Gudoomiyaha Wakiiladda, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaardka ee Waddani  C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay hareeraha ka fadhiyeen xubnaha shir gudoonka Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Somalialnda oo shir jaraa’id  ku qabtay Hargeysa, kaas oo ay ku sheegeen in gabi-ahaanba la soo afjaray khilaafkaa oo ay labada hogaamiye(Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa) ay hada wixii ka danbeeyay wadajir ugu shaqaynayaan qaranka.

Gudoomiye C/raxmaan Cirro oo ka hadlayay sida ay xal ugu heleen khilaafkaa ayaa yidhi, “Shirgudoonka labada Gole oo ay weheliyaan Odayaashii ugu cuslaa Somaliland ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi kariim Xuseen (Cabdi Waraabe) iyo Muxumed Aw Axmed, markay eegeen marxaladda guud ee dalku marayo haddii ay tahay xagga amniga, markii ay eegeen xaalada dalka iyo  khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenku ee soo baxay, waxaanu la kulanay si aanu xog-ogaal ugu noqono annagoo ah masuuliyiintii qaranka Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, markii aanu dhegaysanay madaxweynaha iyo Ku xigeenka, waxaanu usoo jeedinay inay soo afjaraan iyagoo danta guud ee qaranka eegaya wixii khilaaf ah ee la maq-maqlay.” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Sidoo kale Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inay Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisu ku heshiiyeen inay si wada jir ah gacmaha isugu qabsadaan fulinta waajibaadka hawlaha qaranku u igmaday, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaanu shacbiga Somaliland iyo saxaafadda u xaqiijinaynaa in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku xigeenka Mudane C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ay soo af-jareen dhameeyeenna wixii khilaaf ah ee la maq-maqlay oo ay ku heshiiyeen inay si wada jir ah ay gacanta isugu qabsadaan fulinta hawlaha Dastuurku u igmaday ee ay qaranka u hayaan oo mar walba hor mariyaan danta qaranka ,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Waddani.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *