Kismaayo(ANN)Magaalada dekedda ah ee Kismaayo oo ku taal cidhifka Koonfureed ee Somalia ayaa kulaalaysa colaad. kadib markii maanta dagaal ay isku waajaheen laba Malayshiyo oo degan magaalada uu sababay khasaare

 

dhimasho iyo dhaawac, isla markaana colaad hor leh muujiyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalku ka dhashay kadib markii maleeshiyo hubeysan ay weerareen saldhiga magaalada si ay u soo daayaan nin halkaa ku xidhnaa, kaas oo intii uu xabsiga ku jiray dhintay,  taasina ay dhalisay in maleeshiyada deegaanka uu kasoo jeeday ay ka xanaaqaan kadibna weeraraan saldhiga, iyadoo gebi ahaanba isgaadhsiinta laga jaray Magaalada.

sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Axmed Madoobe  laga dilay taliyihii saldhigga Kismaayo oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi, sidoo kale wararka ka imanaya deegaanka ayaa sheegaya in la dilay General Saxaradiid oo isna ka tirsnaa Kooxda Axmed Madoobe.
Iyadoo dhinaca kalena ragga dagaalka ku dhintay qaarkood lagu sheegay inay ahaayeen saraakiil ka mid ahaa hogaamiyayasha malayshiyada kasoo jeeda deeganka Geddo, balse Ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada ayaa laga cabsi qabaa inay taageero siyaan malayshiyada Axmed Madoobe, taas oo sababatay inay malayshiyada ay iska soo horjeedaan dalbadaan gurmad, isla markaana deegaamo kale malayshiyaad xoojinayaa uga gurmadeen.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somalia, C/kariin Xuseen Guleed ayaa sheegay in 5 qof ay dagaalka ku dhinteen, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac in colaadda la joojiyo. sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa baaq u diray labada dhinac isagoo ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan dhiiga qubanaya loo joojiyo.

Mr. Saacid wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay maamul sameystaan” ayuu yidhi Saacid.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo dib loo dhigay shirweyne ka furmi lahaa Kismaayo oo lagu waday in lagu dhiso maamul loo sameeyo gobollada Jubbooyinka.

Dhinaca kale wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Somalia Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa VOA-da u sheegay in dowladdu aanay waxba kala socon qaban-qaabada shirka Kismaayo oo la rumaysan yahay inuu samayn ku leeyahay dagaalka, wuxuuna sheegay  in  aaan lagu casuusmin shirkaa la doonayay in lagu qabto Kismaayo oo maamul loogu sameeyo.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay marti-qaad u fiddisay dhammaan dhinacyada Jubbooyinka si ay uga soo  qeybgalaan shir wadatashi ah oo lagu qabanayo Muqdisho,  kaas oo lagaga arrinsanayo maamul u sameynta Jubbooyinka.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii uu debeda usoo baxay muran iyo khilaaf ka taagnaa maamul la doonayay in loo sameeyo Magaalada, taas oo dhowaan ay ka baxaday Kooxda al-shabaab oo mudo afar sanadood ah gacanta ku haysay maamulka magaalada, isla markaana ahayd magaalo xasiloon oo ganacsi iyo dhaqdhaqaaq xaami ahi ka socday Dekedda, balse hada u muuqata inay Kismaayo iyo kistaa kulaalayso colaad sabab u noqon karta inay xaaladu faraha ka baxdo oo ay dagaalo ka dhacaa halkaa ku fidaan deegaamada kale ee Somalia, iyadoo khilaafka maalmahan laga sheegayay madaxda sare ee dawlada somalia lala xidhiidhinayay inuu salka ku hayo muranka ka taagaan deegaankaa ee sababay dagaalka maanta ka dhacay ee iftiimiyay colaada. sidoo kale dawlada Kenya ayaa lala xidhiidhiyay inay lug ku leedahay khilaafka ka taagan magaalada dekedda ah ee Kismaayo, iyadoo doonaysa in maamul iyada taabacsan ay ka samayso halkaa, taas oo dadka deegaanka kala qaybisay, isla markaana abuurtay muran iyo colaad sababtay isku dhac khasaare ka dhashay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *