Djibouti(ANN)Natiijada Doorashadii Baarlamaanka ee shalay ka dhacday Dalka Djibouti Jabuuti ayaa si ku meel gaadh ah loogu dhawaaqay, kadib markii ay soo wada xeroodeen sanaaduuqdii Codka lagu dhiibtay ee gobolada dalka.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Djibouti  Xasan Dharaar Hufane ayaa goor hore ku dhawaaqay natiijadii hordhaca ahayd ee Doorashadii aqalka Baarlamaanka. kadib codbixinta loo dareeray maalintii shalay oo Jimace ahayd.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha Gudaha Isbahaysiga Xisbiyada Aqlabiyada talada Dalka haya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo loo soo gaabiyo  UMP ayaa ku guulaystay Kuraasta Baarlamaanka kadib markii uu 65 kursi oo kuraasta Baarlamaanka ah uu ku guulaystay 49%, kaas  halka Isbahaysiga Axsaabta Mucaaradka ah ee USN ay ka heleen 47%, iyadoo ay 3% heleen Xisbiyada kale ee Mucaaradka ah ee PPU.

Natiijada oo ahayd mid lagu sheegay inay tahay ku meel gaadh waxa saaka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Djibouti  Xasan Dharaar Hufane oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Djibouti.

Hase yeeshee Af-hayeenka Isbahaysiga Mucaaradka USN Daahir Axmed Faarax oo Natiijadaa kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay Isbahaysiga Xukuumaddu ku shubatay Doorashadii isagoo sheegay inaanay ku qanacsanayn Natiijada Hordhaca ah, wuxuuna ku dooday in ay hayaan cadaymo muujinaya wax is daba marin iyo in lagu cel celiyay goobaha qaar.

Hogaamiyaha Isbahaysiga Daahir Axmed Faarax , wuxuu ugu baaqay taageerayaasha mucaardka inay sameeyaan isu soo bax lagaga soo horjeedo natiijada, taas oo keentay inay ciidamada amaanka oo si weyn u qalabaysan la dhoobo dariiqyada waaweyn ee caasimada Djibouti iyo gobolada kaleba, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan mudahaardyo rabshado wata oo mucaaradku ku qaadacayaan natiijada.

Madaxweyne Geele ayaa mudadii Ololuhu socday mucaaradka ku tilmaamay kuwo qas wadayaal ah oo doonaya inay bur buriyaab xasiloonoda dalka, isagoo sheegay inay Dalka Ereteria ee ay jaarka yihiin qaarkood soo abaabushay si meesha looga saaro xukunkiisa. sidoo kale wuxuu xusay inay jiraan wadaado ku dhex dhuumanaya doorashada oo isu ekaysiinaya culimada Djibouti,, balse doonaya inay siyaasada dalka soo galaan. laakiin mucaaradka ayaa dhamaan eedahaa ka dhigay kuwo waxba kama jiraan ah.

Doorashada Baarlamaanka Djibouti ayaa noqonay tii ugu horaysay ee mucaardku saami ka helaan, iyadoo doorashadooyinkii hore oo habka kooshinka lagu maamuli jiray xisbiga aqlabiyada helaa qaadan jiray kuraasta oo dhan, taas oo sababtay inay mucaaradku qaadacaan doorashadii 2008 ee Baarlamaanka, sidoo kalena 2011 diideen inay doorashada Madaxtooyada ka qayb qaataan, taas oo Madaxweyne Geele u suurta gelisay in keligii tartamo kadibna ku guulaysto, isagoo mudada xilka Madaxweynaha ka dhigtay 10 sanadood.

si kasbata ha ahaatee Natiijadda Rasmiga ah ee doorashada Baarlamaanka Djiboutri  ayaa la filayaa inay qaadato maalmo kooban, balse waxa jira cabsi laga qabo inay natiijada ay qaadaceen mucaaradku horseed u noqoto qalalaase ka abuurma Djibouti oo ah dal yar oo xasiloon oo nidaamka geedi socodka dumuqraadiyadu ku cusub yahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *