Istanbul(ANN) Shir ay hogaamiyayaasha xubnaha ka ah Ururka Islaamaka oo shir uga socday  dalka Turkiga ayaa kulankoodaa  kaga yaboohay dhaqaalle lagu taageero masiibada Somalia. Waxayna  dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ku

bahoobay ku yabooheen  350 milyan oo dollar si loo taageero dadka  dhibaataysan ee Somalia. kadib markii uu Raysal wasaaraha Turkiga  Recep Tayyip Erdoğan halkaa ka jeediyay hadal qiiro leh oo dareenka hogaamiyaayasha shirka ka qayb galay. 
Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah uu booqasho ku tago xarunta  Somalia ee  Magaalada Muqdisho isaga oo ay wehelin doonaan Wasiirka Arrimaha Dibadda  iyo in ka baddan sodon xubnood oo saraakiil ka tirsan xukuumadda  dalkaa ay weheliyaan, kuwaas oo booqan doona kaamamka qoxootiga Somalia ee magaalada Muqdisho.
Dawladda Turkiga ayaa dhaqaalle gaadhaya 100mly oo dollar ugu deeqday dadka dhibaataysan ee Somalia, iyadoo dawladda Turkigu door mihiim ah dhawrkii sanandood ee u danbeeyay ka qaadatay arrimaha Somalia.  
Dhinaca kale Xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee dalka Britain Andrew Mitchell ayaa maanta booqday magaalada Muqdisho, si uu qiimeyn ugu sameeyo xaaladda abaaraha Soomaaliya iyo sida ay u socdaan dadaalada gurmadka. Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu Muqdisho ku tago sarkaal ka socda dowladda Britain muddo 18 sano ah.
Sidoo kale Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar  Geele ayaa todobaadkan booqday Magaalada Muqdsiho iyo dhibaatooyinka colaadaha iyo aafooyinka dagaalada hagaasiyeen. Iyadoo ay weli socdaan gurmadka loo fidiyay dadka tabaalaysan ee abaaraha, macaluusha  iyo colaaduhu haleeleen, kuwaas oo gurmadka gargaarka loo fidiyay qaybo baddan oo ka mid la leexsaday ka hor intii aan la gaadhsiin dadkii loogu talo galay.
Shir kale oo Hay’adda cuntada aduunku u qaabilsan qaramada midoobay ayaa shir ay  ku qabatay  dalka talyaaniga ku dalbatay milyaaraad dollar si loo caawiyo masiibada dadka Soomaalida  ku habsatay, iyadoo shirkaa ka qaybgalay wasiirka Beeraha  Cabdale Xaaji Xasan oo warbaahinta caalamku ku tilmaameen inay shucuurtiisa ka muuqatay dhoola cadayn yax yax leh oo mid waliba doonayay inuu si gaara u tilmaamo wasiirkaa. 
Al-seyid Saalax  Yuusuf oo hogaaminayay wefdiga Masar ee ka qayb galay shirka Talyaaniga ayaa  ku dooday inay tahay meel Jaamacada carabta istiraatiiji ahaan iyo dhaqaalle ahaanba, mujtaca carabta iyo islaamkaba indhaha ayay ku hayaan inkasta oo sida uu sheegay ay masiibooyin haystaan dalalka carabta qaarkood.  Iyadoo wasiirka Holond ee Beeraha oo la fadhiyay dhigiisa Somalia ayaa sheegay inay damiir xumo tahay  waxa ka dhacay Somalia.
Dhinaca kale warar shebekada Araweelonews heshay ayaa tibaaxaya in masuuliyiin ka socota wadamada carabta gaar ahaan kuwa Khaliijku booqdaan magaalada Muqdsiho si ay indhohooda ugu soo arkaan xaalada bini aadaminimo ee ka taagan halkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *