Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay soo dhamaysteen Booqasho rasmi ah oo ay  mudo  hal todobaad ah ugu maqnaayeen Dalalka Ethiopia iyo

 

Shiinaha.
Madaxweyne   Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  waxa   Madaarka Caasimada Hargeysa  markii uu kasoo degey  halkaa kusoo dhaweeyey  Masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin  Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/lahi Saylici, Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka  ee Somaliland, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda,  Agaasimayaal, Koox ka tirsan Fanaaniinta Qaranka iyo Dadweyne tiro badan, wuxuuna salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah Ciidamada Qaranka.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  waxa  Safarkiisa  ku wehelinayey Marwada koowaad ee dalka Aamina Xaaji Maxamuud Jire (Aamina Wari) iyo xubno  Wasiiro ah oo safarkaa ku weheliyay, wuxuuna  Warbaahinta kula Hadlay Qolka Nasashada ee Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya safarkiisa, waxa uu yidhi, “ Marka laga bilaabo socdaalkayagii dalka Ethiopia waxaanu wada hadalo lagu adkaynayo xidhiidhka labada dale ee  Ethiopia  iyo Somaliland la yeelanay Madaxda Dalka Ethiopia oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha iyo Raysal-wasare Meles-senawi  iyo madaxweyne ku –xigeenka Ethiopia, markii aanu dalka Ethiopia dhaafnay waxaanu Magaalada Bankock kula kulanay Maalgashadayaal Shiinaha u dhashay oo muddoba wada xaajoodyo noo socdeen, kuwaasoo waayo aragnimo u leh fududaynta Maalgeshiyada iyo Mashaarciida lagu horumarinayo dalalka soo koroya, dawlada Shiinahana ka haysta Ogolaanshiyo iyo Kalsooni”.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay “ wada hadaladani waxay ahaayeen kuwo ku salaysan ka midho dhalinta Baahida Qaran ee ay Somaliland u qabto in la kobciyo dhaqaalaha dalka  iyo horumarka shacabka”.

“Wada hadalkan waxa ka soo baxay in Somaliland iyo Maalgashadayaasha Heshiis Hor dhac ah oo ku galeen in horumar weyn oo balaadhaan lagu sameeyo kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka oo ay ugu horayso Balaadhinta Dekeda Berbera, waxa kale oo layska Kaashanayaa dhismaha Dhuumo  weyn-weyn oo dhulka hoostiisa mara oo  Gaasta iyo Saliida  Ethiopia lagu geeyo Dekeda Berbera, waxa iyaduna ka mid ah waxyaabaha heshiiskaasi ku jira Dhismaha Warshad lagu diyaarinayo Gaasta iyo saliida qaydhin inta aan dibadda loo dhoofin”ayuu yidhi  Axmed Maxamuud Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale soo qaaday “mashaariicda kale ee Somaliland heshiiskaas ku leedahay waxa ka mid ah in wadada iskui xidha Wajaale iyo Berbera Dib u dhis lagu sameeyo, taas oo hadii ay midho dhasho dad badan  oo Somaliland ahi dhaqaale ka helayaan, sidoo kalena  ay dad badan oo shacab ahi shaqooyin iyo mashaariic ka helayaan”.

Madaxweynaha ayaa markii uu dhameeyaya faahfaahinta uu ka bixiyay Safarkiisii Dalalka Ethiopia iyo China, waxay saraakiisha madaxtooyadu   ku war geliyeen suxufiyiinta  cudurdaar ku saabsan inaanu madaxweynuhu  diyaar u ahayn in su’aalo la weydiiyo, balse uu maalinta Axada warbixin balaadhan ka bixin doono safarkiisa.
Maaha markii ugu horaysay ee C/lahi Cakuse Saxaafada iska hortaago hawlaha ay Umadda hayso iyo u madaxbanaanida masuuliyiinda ay Qaranka iyo shacbiga Reer Somaliland ugu qaybsanyihiin inay u soo gudbiyaan.
Inkasta oo la dareemayay in Madaxweyne Siilaanyo ka gabanayo Su’aalahan warbaahinta  lagana yaabo inuu isagu ku amray  inaan wax su’aal ah la waydiinin , hadana Af-hayeenka ayaa markii uu Madaxweynuhu hadalkiisa dhamaystay waxa uu mar kaliya ku war geliyay Warfidyeenada inaan Madaxweynaha  su’aalo la waydiin Karin, taasoo Wariyayaashii halkaasi ku sugnaa intooda Badan ku noqotay yaab iyo amakaag aan cusbayn, balse raga qaar  ay is waydiiyeen ujeedada mar walba keenta

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *