Muqdisho(ANN)Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta  booqday xero qoxoooti oo ku yalaa  ee Magaalada Muqdisho, si suu ugu kuur galo xaalada dhabta ah ee ka jirta, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha ay wehliso xaaskiisa,  sadex caruur ah  oo  uu dhalay, masuuliyiin kale oo ka

 

tirsan dawladda, hay’addaha gargaarka ee dalkaa, suxufiyiin iyo dhakhaatiir. 
Ra’iisal wasaare Erdogan waxaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha DKMG Soomaaliya ee taagta daran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Prof. Cabdiweli Maxamed Cali.
Wafdiga Erdogan waxaa ka mid ah marwadiisa iyo saddex caruur ah oo uu dhalay, ra’iisal wasaare ku xigeenkiisa, wasiiro, xubno ka tirsan baarlamaanka, dhakhaatiir iyo fanaaniin.


Mr. Erdogan oo u kuur galaya xaaladda abaarta iyo macluusha dalka Soomaaliya, ayaa tegay xeryo ka mid ah xeryaha barakacayaasha la dejiyay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dadka qaarkii lacago kaash oo doollar ah, dhar iyo cunnooyin nafaqeysan uu gacantiisa ku guddoonsiiyay.  Raysal Wasaaraha Turkiga oo shir jaraa’id qabtay markii uu booqday goobahaa ka dib ayaa sheegay inaanay dawladiisu waxba la hadhayn, wuxuuna sheegay in booqashadii uu ku tegey Daafuur  xaaladii ka jirtay ay ka daran tahay ta ka taagan Somalia. sidaa awgeed ay dawladiisu cusbitaalo lagu qalabaynayo qalab casri ah iyo xarumo lagu quudiyo dadka dhibaataysan, isla markaana ay wax ka qabanayaan dhinaca Biyaha iyo wadooyinka.  Wuxuuna balanqaaday inay si deg deg ah talaabooyin u qaadayaan.

mudadii uu joogay Raysal wasaaraha Turkiga magaalada Muqdisho ayaa amaanka aad loo adkeeyay, iyadoo ay ciidamo Turki  ahi ilaalinayeen amaanka raysal wasaaraha, isla markaana saxaafada ku sugan magaalada Muqdisho ayaanay u suurta gelin inay si madaxbanaan u qaataan sawiro  iyo wararka la xidhiidha goobaha uu booqday. sidoo kale  Markab kuwa dagaalka ah ayaa taagnaa duleedka xeebta Magaalada Muqdsiho, kaas oo yimi halkaa ka hor intii aanu booqan.  Dawladda Turkiga waxa ay ka mid tahay dalalka Soomaaliya soo gaadhsiiyay deeq loogu talagalay abaaraha iyo macaluusha ka taagan halkaa.
Dhinaca kale waxaa la filayaa inay qaar ka mid ah amiirada carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijku booqdaan xarunta magaalada Muqdisho, kuwaas oo doonaya inay u kuur galaan xaalada dhabta ah ee ka jirta halkaa. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *