Muse Biixi cabdi iyo faysal1Hargeysa(Araweelo News Network)Shir muran iyo doodo ka taagnaayeen oo  ay hore ugu baaqeen siyaasiyiinta Madasha wadatashiga, balse ay ku wareejiyeen axsaabta mucaaradka Somaliland kadib markii ay

 

xukuumaddu si weyn uga qaylisay, isla markaana ku tilmaantay mid aan sharci ahayn ayaa lasoo afjaray muranii  siyaasadeed ee ka taagnaa.
Kulamo iyo wadahadalo maalhan u socday axsaabta Mucaaradk Somaliland ee WADDANI iyo UCID  iyo xisbul xaakimka Kulmiye ayaa maanta si rasmi ah ay uga sheegeen hogaamiyayaasha saddexda xsibi in gebi ahaanba shirkaa loo bedelay dood qaran, isla markaana qabashada doodaa iyo qodobada lagaga hadlayo oo laysku waafaqay lagu wareejiyay Akademiga Nabada Somaliland ee xaruntiisu tahay Hargeysa.
faysal1Cirro1Muj abdiraxman aw ali

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Waddani, isla mrkaana ah gudoomiyaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciiro, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe iyo Gudoomiyaha Akademiga Nabada Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo saxaafada wadajir ula hadlay markii uu dhamaaday kulan ay ku yeesheen xarunta Akadeemiga ayaa wada jir u shaaciyay in lasoo afkaray murankii ka taagnaa arrimaha shirkaa.

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo ka hadlay qodobada lagu heshiiiyay, waxa uu yidhi, “Shirar maalmahan noo socday haddaanu nahay sadexda xisbi qaran Waxaanu ku heshiinay in la qabto dood qaran oo aanu u wareejino akademiga nabada oo ay dhex noo ahaato,waxa kale oo aanu ku heshiinay qodobada aanu doonayno in laga doodo guud ahaan laba qodob, kuwaas oo kala ah in doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo golayaasha deegaanka ka doodno oo laga soo saaro xal aanu ku midaysannahay, taas oo ah doorashada waqtigeedii la qabto oo aanu hawlaha horyaala ee badan ka wadahadalo.
Qodobka labaad waa in aanu ka hadlo citiraaf-raadinta iyo sidii Somaliland wixii caalamka kaga maqan ay u raadsan lahayd, iyadoo laga qaygelinayo aqoonyahanka iyo qof walba oo muwaadin ah oo wax haya. Sidaa ayaanu isula qaaday haddaanu nahay madaxda sadexda xisbi ayuu yidhi Muuse Biixi oo ah Gudoomiyaha Xisbul xaakimka xukuumadda ee Kulmiye oo saxaafada la hadlay markii kulankaasi dhamaaday.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay afar maalmood ku dhameeyeen arrinta oo waxa laga hadlayaana aanay ahayn wax xisbi u dan ah ee ay tahay wax qarank u dan ah, isagoo yidhi,  waxaanuna ku wareejinay cid dhexdhexaad ah, waxaanu kasoo saaray madashii, axsaabtii waxaanu ku wareejinay Akadeemiga, waxayna noqonaysaa markii u horaysay ee Somaliland intii ay jirtay lays weydiiyo maxaa inaga xumaaday iyo halkaynu wax ka saxnaa, waxan rajaynayaa in wax wanaagsani kasoo bixi doonaan insha Allaah” ayuu yidhi.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha WADANI Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in ay soo dhowaynayaan xalka laga gaadhay arrintaa.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *