SOLTHargeysa(Araweelo News Network) Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa dhagax-dhigay dhisme Biriijkii sadexaad ee ay yeelan doonto Magaalada Hargeysa.

Dhismaha Briijkaa oo laga hirgelinayo duleedka xarunta dawlada hoose ee hargeysa ayaa isku xidhaya Maxamuud Haybe iyo gacan Libaax ee dhinaca Bari, kaas oo wax weyn ka taraya isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimada.
Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid  oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhawaynayo dhagax dhiga Biriijkan oo wax weyn ka tari doona isu socodka caasimada,  wuxuuna u mahad celinayay  Hay’adda RAAF  oo ah Hay’ad kahayri ah oo ay wakiil u yihiin jamciyada Manhal iyo wakaalada horumarinta wadooyinka oo dedaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa guud ahaan wadooyinka dalka.

Maayarku wuxuu sidoo kale sheegay in ay hirgelinta Briijkaa iska kaashanayaan Hay’adda RAAF, Dawlada Hoose iyo Hay’adda wadooyinka Somaliland.

Injineerka dawlada Hoose Eng Axmed Aadan oo ka hadlay halkaa ayaa sheegay in dhismaha Briijkaa  ay ku bixi doonto lacag dhan 500, 000 oo dola, iyadoo Afar boqol oo kun oo dolar oo ka mid ah lacagtaa  ay ku deeqday Hay’adda samo falka khayriga ah ee RAAF oo soo wakiilatay Hay’adda samofalka ee MANHAL , halka 50. 000 kun oo ka mida ay bixn doonto wakaalada horumarinta wadooyinka Somaliland oo uu sheegay in ay bixinay Dawlada Hoose ee Hargeysa.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *