after attac westagate mallHargeysa(Araweelo News Network) Dalalka reer galbeedka ayaa si weyn uga wer-wersan xaalada Mandaqada Afrika iyo awooda sii xoogaysanay ee Ururweynaha Al-Qaacida ku yeeshay Mandaqada.

 

DowladdaBritain  ayaa sheegtay in Al-Qaacidada Mandaqada Afrika ay u muuqdaan kuwo sii xoogeysanaya, isla markaana khatar weyn ku ah dalalka Afrika, gaar ahaan wadamada Galbeedka Afrika eek a hooseeya saxaraha  iyo Bariga Afrika.
General Dived Richad oo ah taliyihii hore ee ciidanka Britain, ayaa sheeegay in ay mjuqato in uu jiro dhaq- dhaqaaq xoog ah oo ku waajahan dhinacyada  dhaqaalaha, Melleteriga iyo taageerada ay Al-qaacidada Maqrib  ku yeelatay wadamada saxaraha ka hooseeya ee qaaradda Afrika.

“Al -Qaacida Awood Buuxda ayay ku yeelatay Qaaradda Afrika, sida dalka Soomaaliya” ayuu yidhi  General Dived oo todobaadkii hore ka hadlay kulan caalami ah oo lagaga hadlayay amaanka iyo la dagaalanka Aragixisada.

Kulankaa oo uu soo qabanqaabiyay  Machalka Nabadda Caalamagi ah ee Carnegei Endowman ee magaalada Washington, waxa doodiisa halku dheg looga dhigay b “Khatarta kooxda Al-shabaab weerarkii Westgate ka dib.”, waxaan ka qaybgalay Khuburo dhinaca amaanka ah iyo aqoonyahano kala kala yimi dalalka inta badan ku bahoobay la dagaalanka argagixisada.

“Duulaankii NATO ay ku qaaday Liibiya wuxuu Al-Qaacida u fududeeyay in ay gacanta ku dhigaan hub culus, isla markaana taageerayaashoodu ay si xirfadaysan uga dhax shaqeystaan bulshada Liibiya,  halka xiligii Mucmar Al-Qadaafi ay ahaayeen kuwa takooran, sidaa darteed shaki igagama  jiro in Al-Qaacidada Waqooyiga Afrika ay faa’iido weyn ka dhaxashay talaabadii xukunka lagaga tuuray Qadaafi”ayuu yidhi Generaal Dived.

Sidoo kale General Dived wuxuu soo qaatay Ururka Al-shabaab oo oo ku tilmaamay kuwo saamayn weyn ku leh qaarada Afrika, isla markaana khatar joogat ah ku ah ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika ee Soomaaliya.

Wuxuu tusaale usoo qaatay isagoo ka hadlaya sida ay Al-shaabab khatar ugu tahay mandqada weerarkii ugu danbeeyay ee xarunta ganacsiga Nairobi ee Westgate, isagoo yidhi, “Eeg Soomaaliya waxa ay Al-Qaacida ka waddo waxay kula dagaalameysaa ciidanka Midowga Afrika iyo xukuumad sharciyadda caalamiga ah aqoonsan, Al-shabaab  waxay weeraradeeda u weecisay dowladaha dibadda waxaana tusaale noogu filan weerarkii Westgate iyo tobaneeyo weeraro kale ah oo ay qorshaynayso”ayuu yidhi General Dived.

Sidoo kale wuxuu si weyn cabsi uga muujiyay khatarta ka dhalan faragelinta dalka Faransiiska ee Maali iyo Al-Qaacidada ka dagalaanta saxaraha oo uu sheegay in faragelintu taageero siin karto kooxaha Maali, Naigeria aljazaa’ir iyo Muritaaniya oo cadaadis kaga imanaya xukuumaddaha ka jira dalalkaa uu saamayn ku yeelan karo in ay sii kordho awooda xagjirnimadu, wuxuuna xusay in ay hayaan macluumaad muuujinaya sida ay dagaalyahano doonaya in ay ku biiraan malayshiyaadka Islaamiga ah ee ka jira halkaa, wixii ka danbeeyay duulaanka Faransiiska ee Maali, taas oo uu ku Tilmaamay General Dived  mid hali ku ah mandaqada.

Waxa kale oo si weyn walaac ay uga muujiyeen wadamada reer galbeedku khatarta kooxda Boko Haram, kuwaas oo dawlada Britain iyo wadamada ay saaxiibka yihiin ee la dagaalanka argagixisadu u arkaan in ay halis weyn ku yihiin dawlada Naigeria iyo mandaqaba.

Sidoo kale wadamada reer galbeedka iyo saaxiibada la dagaalanka argagixisadu, waxay si weyn uga waalacsan yihiin awooda kooxda Al-Ahabaab oo ay sheegeen in ay kusii fiday Mandaqada gaar ahaan Bariga Afrika , wixii ka danbeeyay weeraradii lagaga geystay suuqa Westgate bishii September, waxayna khuburada ka hadashay kulankaa qaarkood cabsi iyo walaac ka muujiyeen khatar ay sheegeen in ay ku yihiin Al-shabaab  gobolka, isla markaana waxay qaarkood xuseen in Al-shabaab aanay taageero ku lahayn oo keliya Kenya, balse ay jiraan taageero ay ku leeyihiin dalalka kale ee Mandaqada sida Tanzania iyo Ethiopia oo ay saaxiibo iyo taageero ka raadinayaan.

Waxa kale oo kulankaa lagu soo qaaday khatar ka iman karta kooxahaa iyo weeraro u qorshaysan waqtigan oo ay suuurta gal tahay in ay ku waajahan yihiin mandaqada iyo meelo kale oo dunida ah, iyadoo si gaar loo xusay in weerarada kooxaha Al-qaacida ay iman karaan inta lagu gudajiro dabaaldega Kirismiska iyo dhamaadka sanadka oo maalmo ka yar todobaad ka hadheen. sidaa awgeed loo baahanyahay in laga taxadiro weerarada kooxaha Al-Qaacida.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *