Hogaamiyaha Al-shabaab Goddane Oo Amar Ku Bixiyay  In Gacanta Lagu Dhigo Xasan Daahir Iyo Rooboow,Kana Hadlay Khilaafka DhexdoodaMuqdisho(Araweelo News Network)Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Sheekh Xasan Daahir Aweys. Kadib markii xalay ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho isaga iyo raggii la socday.

 

 

Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida Somalia General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu amray in lagu soo wareejiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxaana lagu amray  masuuliyiintii la socotay iyo Odayaashii inay ka baxaan Madaarka.

 

Hase yeeshee Ergaydii Sheekh Xasan Daahir Aweys la socotay eek a kexeeyay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud , balse  sida ay sheegayaan wararka la xidhiidhaa arrintaa waxa arrinta  kala dhex galay Masuuliyiin uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, isla markaana ah masuulka guud Amniga Qaranka ee Xukuumada C/kariin Xuseen Guuleed, kaas oo ugu danbayntii ogolaaday in la xidho Sheekh Xasan Daahir Aways. Laakiin waxa amarka wasiirka ka cadhooday Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), Nabadoon Axmed Diiriye Cali, Ugaaska Dhaqanka Siyaasada ee deegaanka uu kasoo jeedo sheekh Xasan oo ah Ugaas Cabdi Daahir iyo xubno kaloo la socday, kuwaas gacan ka hadal dhexmaray ciidamada nabadsugida.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Xasan Daahir Aweys markii lagu xidhay halkaa ay isla xalay la kulmeen saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka shisheeye , kuwaas oo kula kulmay Sheekh Aways  xarunta nabadsugida ee lagu xidhay.

Xukuumadda Somalia ayaan ka hadlin dhacdadaa, balse warar kale ayaa sheegaya in arrintaasi xiisad xaasaas ah abuurtay, isla markaana ay wararka qaar sheegayaan in Odayaasha la socday Sheekh Aways six xun loola dhaqmay oo dhaawacyo soo gaadheen. Sidoo kale ilaa 20 qof oo ka mid ah ilaaladii la socotay ayaa xabsiga la dhigay.

Si kastaba ha ahaatee Sheekh Xasan Aways ayaan si cad loo ogayn halka uu ku danbeeyay iyo waxa uu ku suganyahay, balse waxa la filaya inay dheeraad ah kasoo baxaan arrimaha la xidhiidha saacadaha soo socda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *