Abu MascabBaraawe(Araweelo News Network) Afhayeenka Cidamada Al-Shabaab Sh.C/Caziiz Abuu Muscab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay howlgallo ay Ciidamadoodu fuliyeen,  kuwaas  oo ka dhan ahaa xubno mihiim ah oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab. Kadib markii sida lagu

 

eedeeyay inay ku hawlanaayeen in ay kala jebiyaan Safka Mujaahidiinta,  isla markaana marar badan arrimahaa  looga naseexeeyay in ay arrimahaas joojiyaan,  balse ay ku adkaysteen.

 

Afhayeenka Al-shabaab Abuu Muscab ayaa sidaa ku sheegay fariin lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta inta badan lagu baahiyo wararkooda , wuxuuna ku sheegay fariintaa  in Howlgallada ay mujaahidiintu sameeyeen ujeedadoodu  ahayd in Raggaas lagu soo qab-qabto oo Maxkamad Islaami ah lasoo taago, balse Qayb raggaas ka mid ah ay Ciidamadii Mujaahidiinta  Rasaas ku fureen ayna  dileen mid ka mid ah Ciidamadii Mujaahidiinta ee loo diray in ay soo qabtaan, kadibna ay baxsadeen uu duurka ay u carareen, arrintaas oo sida uu sheegay ka dhacday deegaanka Raama-Cadeey ee Gobolka Baay, balse aanu xusin xiligga ay dhacday iyo kuwa ay yihiin saraakiisha la doonayay in lasoo qabto.

 

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Howlgalka labaad oo sida uu sheegay Abuu Muscab ka dhacay Degmada Baraawe ee Wilaayada Shabeellada Hoose,  kaas oo sida uu sheegay labo ka mid ah Raggii la doonayay in lasoo qabto ay Ciidamadii Mujaahidiinta amarkooda diideen kadibna ay  la dagaalameen, sidaana ay ku dhinteen, mana uu sheegin magacyada raggaa, balse waxa loo fasirtay inay ahaayeen Sheekh Abuubakar Al-Zaylici (Ibraahin Afgaani)  iyo Cabdixamiid Xaashi Colhaye loona yaqaanay (Sheekh Macalin Burhaan) oo labadii maalmood ee u danbeeyay si weyn warbaahinta Soomaalidu u shaacinaysay inay ku dhinteen weerarka kaga yimi Amniyaadka ka amar qaata Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Zubayr).

 

Hase yeeshee Afhayeenka Al-shabaab wuxuu fariintiisa oo uu kaga hadlay Khilaafka Muslimiinta iyo waxa ku waajibay cidii khilaaf samaysa, isagoo cuskanaya Aayad iyo xadiis nabawi ah, wuxuu sheegay   in ujeedadu hawlagalkaasi aanu ahayn  in walaalahaas la dilo,  balse kaliya in lasoo qabto oo Maxkamad lasoo taago, laakiin markii ay dagaalameen ay sidaa ku dhinteen, wuxuuna Allah uga baryay inuu u naxariisto.

 

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan koox  isla degmada Baraawe  hawlgalkaa lagu fuliyay oo  Ciidamada isu dhiibay, kuwaas sida uu xusay hadda gacanta Mujaahidiinta ku jira, loona gudbin doono Maxkamada Islaamiga ah si arrimohooda halkaas loogu xukumo, wuxuuna waxba kama jiraan ka dhigay wararka sheegayay in saraakiisha dhintay la qabtay kadibna inta la xabisay  la dilay, taas oo uu ku tilmaamay warar been abuur ah oo laga faafiyay arrimahaa, isagoo dhinaca kalena ku dooday in aanay arrimahaa iyo dhacdooyinkaasi waxba u dhimayn midnimadoodii iyo dagaalka ay wadaan.

 

 

Howlgalkii Baraawe  waxa lagu qabqabtay dhawr ka mid saraakiisha Al-shaabaab, kuwaas oo oo halka ay ku dambeeyeen geeri iyo nolol leysku khilaafsan yahay, balse afhayeenka shabaab Abu Mascab oo aan magic-dhabin raggaa iyo tiradooda uu sheegay in gacanta lagu hayo oo maxkamad lasoo taagi doono.

Dhinaca kale sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay dadka deegaanka iyo kuwa u dhuun daloola arrimaha Al-shabaab in  dhawrka  sarkaal ee la qabtay wax aka mid ah  nin lagu magcaabo Xikmatyaar Al Hargeysaawi, C/rashiid Abuu Yoonis Al-Gadaawi oo ahaa Madaxii dacwada iyo C/llaahi Nadiir, kuwaas oo la rumaysanyahay inay yihiin kuwa uu sheegay Afhayeenku in gacanta lagu dhigay. Kadib markii lagu qabtay dagaalkaa ka dhacay Baraawe.

Sidoo kale waxa Afhayeenka Al-shabaab sheegay inay jiraan  koox kale oo hawlgal lagu qaban lahaa Raama-Cadeey ee Gobolka Baay ka baxsaday , isla markaana uu xusay in lagu raad joogo, kuwaas oo Amiirka Al-shabaab Axmed Goddane  (Abu subayr) amar ku bixiyay in lasoo qabto meel kasta oo ay joogaan, waxaana xubnaaha ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aways oo firxad ku galay Cadaaddo , Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) iyo Cumar Xamaami (Abuu Mansuur Al-Amriki) , Fu’aad Shangole, Zubeyr Al-muhajir oo sadexduba ka mid ahaa raggii mucaaradka ku ahaa hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Goddane.een Midnimada Muslimiinta, ayna uga hortegi lahaayeen cid walba oo u istaagta in ay Midnimadaas kala dhantaasho oo ay kala jebiso.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *