Muqdisho(ANN) Madaxweynaha Dawlada ku meelgaadhka ah ee Somalia Sheekh Shariif Axmed, ayaa ugu deeqay Malayshiyadda Buuhoodle dhaqaalle, hub iyo saanad milateri. Kadib markii ay koox ka tirsan malayhiyadaasi qaylodhaan ugu tageen magaaladda Muqdisho, maalin kadib dagaal si
weyn loogu dhirbaaxay malayshiyadaa oo ka dhacay jiidaha magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle Axadii todobaadkan.
Dagaalkaa oo dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malayshiyada ayaa sababay inuu khasaare balaadhani soo waajaho Malayshiyada, iyadoo laga qabsaday Hub iyo Saanad wixii ay haysteen, isla markaana gacanta lagaga dhigay 9 Gaadhi oo shan ka mid ahi ahaayeen kuwa Xamuulka oo Saadku u saarnaa iyo sidoo kale 4 Gaadhi oo kuwa gaashaaman ee tiknikada loo yaqaan ah. sidoo kalena 47 maxbuus oo ay ku jiraan laba Horjoogayaasha Malayshiyada ahaa iyo sadex sarkaal.
Hase yeeshee Malayshiyada ayaa qaylo dhaan u diratay dhinaca Magaalada Muqdisho ee xarunta u ah Dawlada taagta-daran ee uu hogaamiyo Sh. Shariif, waxayna warar lagu kalsoonyahay oo shebekadda Araweelonews ka heshay Muqdisho iyo meelo kale u sheegeen in Sheekh Shariif uu Malayshiyadaa ugu deeqay lacag gaadhaysa $ 3Milyan oo dollar, taas oo loogu soo shubay dhinaca maamulka Puntland.
Sida ay sheegayaan xoggaha iyo tibaaxaha shebekadda Araweelonews ka heshay magaalada Muqdisho iyo meelo kale, waxa lacagtaa soo gudbiyay Nin lagu magacaabo C/Kariin Xasan Jamaac oo dawladii Farmaajo ee KMG Soomaaliya ka ahaa Wasiirkii Warfaafinta, iyadoo lacagtaa sida ay sheegayaan xoggahaasi laga keenay laba markab oo Caawimooyinka ay bixiyeen Dawladaha Turkiga iyo Iran, kuwaas oo suuq madaw laga iibiyay, isla markaana la baalmariyay dadkii masaakiinta ahaa oo loogu talo galay raashinka caawimada ah.
Labadaa Markab ayaa sida Ilaha xog-ogaalka ahi u sheegeen Shebekadda Araweelonews, waxa lagu faasaxay $ 32 Milyan oo dollar ah, wararka qaar ayaa sheegaya inay iibinita Suuqa madaw ee Caawimooyinka u qaabilsan yihiin Sh. Shariif laba Nin oo lagu kala magcaabo Culusow iyo Daahir Dheere, kuwaas oo xisaabad debeda ah uga furan ku shuba lacagtaa.
Talaabooyinka noocan ah ee dawladda Sh. Shariif ayaa u saamayn ku yeelanaya heshiiskii iyo go’aamadii kasoo baxay shirka London. Sidoo kalena waxay talaabadani fadeexad ku tahay dawladaha Turkiga iyo Iran oo maawimooyin ku daabulayay mudooyinkii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho, taas oo loogu talo galay in la gaadhsiiyo dadka masaakiinta ah, balse suuq madaw laga iibiyo, isla markaana loo adeegsado dagaalo iyo hub in lagu bedesho, kuwaas oo lagu waxyeelaynayo qaranimada Somaliland, iyadoo aanay ilaa hada xukuumadda Somaliland ka hadlin dhibaatooyinka siyaasadeed iyo fad-qalalada dawlada Sheekh Shariif ku wiiqayso amaanka iyo xasiloonida gobolka oo ah kuwo si badheedh ah uga hor imanaya go’aamadii Feb 23 2012, kasoo baxay shirkii arrimaha Somalia ee lagu qabtay Britain.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com