images/stories/sh_ aadan siiro small.jpg  Hargeysa(ANN)Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siiro), ayaa balan qaaday inuu naftiisa iyo maalkiisaba u huri doono sidii uu ula dagaalami lahaa isla-markaana Somaliland uga difaaci lahaa kooxda xagjirka ah ee ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-shabaab.  sidoo kale

 

Sheekh Aadan Siiro waxa kale oo uu ugu baaqay culimada Somaliland inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa dagaal-diimeed laga dhex bilaabo Somaliland, isagoo culimada waaweyn ee dalka u soo jeediyey inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan dagaal-diimeedka ka socda Soomaaliya.

“Dagaalka diimeed ee ka socda Muqdisho ee nimanka loo yaqaan Al-shabaab hoggaaminayaan maaha dagaal sax ah ee waa dagaal khaldan, waxaan is leeyahay waa dad soofdaro-habaabay oo dariiqii saxda ahaa meel allaale meel ay ka hayaan aanay jirin, caalimkii, aqoonyahankii iyo taajirkii bay dilayaan, qof kasta oo nin-door ah oo yidhaahda waar arrinkaasi wuu khaldan yahay aye dilayaan. Waxaan leeyahay culimada Somaliland arrintaa mowqif cad ha iska taagaan, Somaliland nabadgelyo buuxda ayey haysataa oo waad ogtihiin 4 habeenimo ayuu qofku soconayaa in kuwaa la gala dagaalamaa waa waajib. Naftayda, maalkayga iyo waxaan aqoon leeyahay waxaan u hurayaa in aan kula dagaalamo kuwaas [Al-shabaab] Somaliland in aanay dumin wax kastoo ay igu qaadanayso, culimadana waxaan ugu baaqayaa yaanay noqonin waa aragti wadaadka Aadan-siiro leeyahay, laakiin ha noqoto aragti ay taagan yihiin culimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa looga fadhiyaa inay Somaliland difaaceeda mowqif cad iska taagaan, waxa looga fadhiyaa dagaal diimeed oo Somaliland laga abuuro mowqifka ay ka taagan yihiin, waxaan kula talinayaa kuwa maanta Hargeysa hantida badan ku haysta ee wadaadada ah, kuwa baabuurta cadcad ku haysta ee dadka ugu muuqda ee wax ku noqday Somaliland ee ka hor intii aanay Somaliland jirin baabuur cad, guryo iyo muuqaal badan aan lahayn waxaan leeyahay waar dalkiina ka difaaca dagaal diimeed oo yimaad oo intaynu hadhaw is qoomamayn lahayn,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro oo khudbad u jeediyey kumanaan qof salaaddii Ciiddul-fidriga ku tukanayey garoonka xaafadda Xawaadle ee degmada 26-ka June.

Sheekha oo khudbdiisa kaga hadlay qodobo kala duwan, waxa uu ammaanay Nadaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dadka aqoonta iyo wanaaga la bidayo, hase ahaatee waxa uu dhaliilay qaab-dhismeedka xukuumaddiisa oo uu sheegay inay wax badan laga tabayo, waxase uu shacabka ugu baaqay in la taageero oo fursad ay wax ku qaban karto la siiyo.

Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la tabanayaa in dad badan oo aqoon iyo karti leh oo dalka qiimo ku leh aanay ku jirin xukuumadda, sidaa daraadeed waxaynu aad u faraynaa in dadkaasi laga qaybgeliyo. Waxaynu ku dhaliilaynaa xukuumadda maanta jirta tiro yaraantii in aanay jirin oo la magacaabay xukuumad 50 xil ah, isla markaasi haddana beelihii qaar badani dhiman yihiin, dadku waa qabaa’il, kala gobolo iyo kala degaan, waxaynu kula talinaynaa xukuumadda in dadka la ururiyo oo aanay dadku iska waayin kol haddii tiradii la badiyey, si dadka la isugu hayo.

Walaalayaal xukuumaddaas aynu is barbartaagno. Waxaan kula talinayaa beelaha Somaliland waar nin walowba afmiishaarkaaga ka adkaw sannad oo dawladdaasi aynu fursad siino oo dacaayadda ha laga daayo, toosintu waa halkeeda oo waa ta aynu taaganahay, laakiin warkeena Madaxtooyada yaalaa ha asturnaado oo yeynaan suuqa keenin.”

Aadan-siiro waxa uu xukuumadda kula dardaarmay inay culayska ugu wayn saarto shaqo-abuuris loo sameeyo dhallinyarada oo uu tilmaamay inay yihiin xoogga dalka, balse haddaanay shaqo helin dibadad uga bixi doona.

“Waa in dhaqaalaha la kobciyaa, laakiin dhaqaalaha oo la kordhiyaa maaha in Wasiirka Maaliyaddu dadka ku soo rogo cashuur saa’id ah iyagoo bakhtiyaya oo aan shaqo hayn, waxaannu leenahay cashuurta ha la dhimo si dekedda Berbera u noqoto meel Geeska Afrika oo dhan dhaqaalihiisu ka soo dego.”

Sheekhu waxa uu soo jeediyey qorshe lagula dagaallami karo faqriga, waxaannu yidhi, “Walaalayaal ina farayaa in aynu isku naxariisano. Dalkeennu waa dal yar oo faqiir ah. Waxa loo baahan yahay in 20 guriba is abaabulaan oo shanta guri ee ku dhex bakhtiyaya ha caawiyaan, muxuu ku yeelanyaa kiiloo bariis ah haddii aad rufuc soo qaadato, muxuu ku yeelanaa kiiloo sonkor ahi haddii aad rufuc soo qaadato in aad bixiso, sidoo kale kiiloo daqiiq ah, markaad bal 20 guri oo min saddex kiiloo bixiyey waa 60 kiiloo wax bay u tarayaan shanta guri eek u dhex nool.”
Sh. Aadan Siiro oo ka mid ah culimada Somaliland gaar ahaan culimada magaalada Hargeysa waa wadaad ganacsade ah, mana aha markii u horaysay ee uu ka hadlo kooxaha Al-shabaab ee Koonfurta Somalia ka dagaalama oo uu marar hore oo badan dhaleecayn iyo canbaarayn usoo jeediyay, isla markaana Sh. Aadan Siiro wuxuu ka mid yahay wadaado fara ku tiris ah oo ka hadla inta badan siyaasada, wuxuuna caan ku yahay Nin aan la gaban waxa uu aamisan yahay iyo afkaartiisa siyaasada iyo Diinta, isagoo maamulkii hore ee Somaliland ee Madaxweyne Rayaale iyo kii Marxuum Cigaalba  dhaliili jiray mararka qaar, balse xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa  fariinta u horaysay ee uga timaada dhinaca Sh. Aadan Siiro noqonaysa  tau u maalintii munaasibada Ciida ka jeediyay Garoonka xaafada Xawaadle ee Magaalada hargeysa. Sidoo kale wuxuu inta badan usoo  jeediyaa bulshada inay is taageeraan oo ay dadka foqorada iyo masaakiintaba caawiyaan, wuxuuna Barnaamijyo noocaa ah ka hirgeliyay Xaafada Woqooyiga Maagaalada hargeysa oo uu Masjid sanadii u danbeeyay laga dhisay halkaa Khadiib ka yahay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *