Laasqoray (ANN) Muwaadiniin u dhashay Somaliland oo falal Afduub ah loogu qabsaday magaalada qadiimka ah ee ku taala xeebta dhinaca Bari Somaliland ee Laasqoray ayaa la filyaa inay soo gaadhaan magaalada Hargeysa maalmaha soo socda.

Shantaa qof oo ay   koox dablay ahi ka qafaasheen  Laasqoray todobaadkii hore  ayaa shalay la keenay Laasqoray iyaga oo bedqaba. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dadk ku sugan deegaanka.
Suldaanka guud ee deegaankaa ayaa dhowaan u xilsaaray odayaal sidii loo soo deyn lahaa kooxdaa, iyadoo aan wax shuruuud ah lagu xidhin, waxaana shalay kooxdaa laga soo dejiyay Buuraleyda duleedka Laasqoray ee ay kooxda Afduubtay ku haysatay, iyadoo la geeyay magaalada Laasqoray, halkaas oo sida warar shebekada Araweelonews ka heshay deegaanka sheegayaan in maanta loo gudbinayo shantaa Nin dhinaca magaalada Badhan oo ay ku sugnaanayaan laba ilaa sadex maalmood, iyadoo la doonayo in loo iibiyo bedelka  gaadhigii ay wateen oo ahaa nooca loo yaqaan  Layla calawi, kaas oo galay dhawaac burbur ahi soo gaadhay markii ay Afduubayaashu kooxdaa doonayeen inay la baxsadaan. Kadib marii uu galay dhisme ku yaal magaalada. 
Afduubayaasha ayaa markii hore ku dooday  inay shantaa Nin oo shaqaale ka ahaa shirkada Isgaadhsiinta ee ee Nation link u afduubeen dad sida ay sheegeen kasoo jeeda deegaanka oo falal budhacad badeed loogu xukumay Somaliland, balse warar kale ayaa sheegayay inay sheekada Afduubka raggaa oo ku cusbaa dhaqanka Bulshada uu xidhiidh la lahaa siyaasado ganacsi oo u dhexeeya shirkadaha isgaadhsiinta oo  ganacsigoodu ka awood badanyahay  maamulada iyo dawladaha deegaamada  dhulka Soomaalida.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *