Hargeysa (ANN) Munaasibad lagu daah-furay isticmaalka Adeega Zaad ee  lacagaha debeda ayaa saaka lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalad Hargeysa. Munaasibadaa oo ay wadajir usoo qaban qaabiyeen shirkada Xawaalada ee Qaran Express iyo Shirkada Telefoonada ee Telesom oo iyadu hindistay adeega Zaad,

waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta shirkadaha Xawaalada Qaran  iyo telesom, masuuliyiin ka socotay xukuumada Somaliland, saraakiil ka socotay saddexda xisbi qaran, xubno ka socday ganacsatada isicmaala adeegaa, warbaahinta kala duwan iyo marti sharaf kale.
Ka hor intii aanay furmin munaasibada xafladu waxa hoolka lagu soo bandhigay warbixino maqal iyo muuqaal ah oo ka hadlaya sida ay u bilaabantay xawaaladu iyo heerarkii ay soo martay ilaa waqtigan dunida casriga iyo tignoolojigu ka dhigay aduunka Tuulada.
Sidoo kale waxa warbixintaa lagaga sheekeeyay horumarka mudadii ay jirtay shirkada xawaalada ee Qaran Express oo shan jirsatay, isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa uu sii kordhayeen macaamiisheedu.

Gudoomiye xigeenka shirkada isgaadhsiinta telesom Maxamuud Xaaji Aadan (xadeed) ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada munaasibada, isagoo xusay in markii ugu horaysay ee adeega Zaad laga isticmaalo dalka lagaga dhawaaqay munaasibad sidan oo kale ah Hoolka maanta la fadhiyo Jun, 20009. Sidaa awgeed aanay ahayn wax cusub Telesom, Zaad iyo Qaran, balse ujeedada munaasibadu tahay in lasii xoojiyo adeega Zaad oo hadaba la isticmaalo, iyadoo dadka debeda joogaa eheladooda ugu soo diri karaan biilasha, taas oo lasoo marinayo xawaalada Qaran.

 


Mr. Xadeed waxa uu sheegay in adeega Zaad aanay markii hore bulshadu si fiican u fahamsanayn oo uu ku cusbaa, balse hada aad loo isticmaalo, iyadoo dhinaca gudaha ay ogaadeen in dadku isugu diraan 70 %. Mid ahi u isticmaalaan inta u dhaxaysa $ 30-20 (dollar), maadaama mujtamaceenu ku dhisanyahay ayuu yidhi is kaalmayn inay inay wax isa siiyaan wuxuu adeega  Zaad fududeeyay baahiyaha ay iska kaalmaynayaan, isagoo tusaale usoo qaatay qof mushkiladi ku qabsatay meel Tuulo ah. Kadib markii gaadhigii ka cadilmay ee uu shidaalka ka goostay, isagoo aan wax lacag ah jeebkiisa ku jirin, balse markiiba uu adeega Zaad ugu gurmaday ehelkiisii oo ka fogaa, isagoo aan isagu xiligaa lahayn Zaad. Laakiin kaalintii ku taalay tuulada loogu soo diray lacag Zaad si uu dhidaal uga qaato. Waxan filayaa inay tahay waxyaabaha ugu yar ee tusaale loosoo qaadankaro, waana suurta gal inaad haysaan sheekooyin kale oo badan.

 

Gudoomiye xigeenka shirkada Telesom Mr. Maxamuud xaaji Aaadan (Xadeed), wuxuu sheegay    inaanay bulshadeenu aqoon badan u lahayn iyadoo ganacsiga tartan ka dhexeeyo in hadana lays taageero. Sidaa awgeed wuxuu usoo kordha mujtamaca ee adeeg ah la taageero, mana aha ayuu yidhi xidhiidhka u dhexeeya Qaran iyo Zaad iyo Telesom ee lacagta debebadaha  laguugu soo dirayo Zaad mid ka manacaya shirkadaha kale ee xawaaladaha inay isticmaalaan Zaad ee waa mid u furan.
 Gudoomiye xigeenka Shirkada xawaalada ee Qaran Express, isla markaana ah wakiilka Qaran ee Qaarada yurub Mr. Maxamuud  Axmed Liibaan oo ka hadlay furitaanka munaasibadaa ayaa sharaxaad ka bixiyay aasaaskii shirkada, isagoo yidhi, “shan sanadood ayay hada maraysaa xawaalada qaran  oo ay sheerar ku leeyihiin 2500 qof, iyadoo xafiisyo ku leh in ka badan 100 wadan, waxayna xawaalada qaran noqotay shirkadii u horaysay ee dalka Britain ka qaadatay sharci. Sidaa awgeed meel walba oo uu joogo  wakiilka qaran lacag ayaa lagaaga soo diri karaa, taas oo mobilkaaga kusoo dhacay, iyadoo aanay jirin xafiis ayaa xidhan, waa jimce  iyo Miyi ayuu joogaa, lacagtaa waad heleysaa daqiiqado gudohood inta aad haysato ateenka isgaadhsiinta ee telefoonka shirkada telesom, mana aha adeegani mid ay wax xidhayaan, waana mid ay wada adeegsan karaan oo ay u siman yihiin ka fiqiirka ah iyo ka taajirka ah.”
Gudoomiye xigeenka xawaalada Qaran  waxa uu sheegay in mudadii hore ee adeega Zaad ay dad badani rumaysan waayeen, iyadoo qaarkood marka ay diraan lacagta Zaad iyagoo arkaya jawaabtii inuu diray, hadana qofka telefan u diri jiray iyagoo weydiinaya inuu helay lacagtii. Qaar kalena waxay lahaayeen waa cirfiid, balse waxa uu sheegay inay maanta dadku si fiican ula qabsadeen oo ay fahmeen, isla markaana uu rajo weynyahay in bilaha Oct, Nov, Dec, tirada dadka isticmaalaa ka badanayaan inta maanta isticmaasha.
Wasiirka ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed oo munaasibada ka hadlay  ayaa  sheegay inay xukuumadu soo dhowaynay horumarka, isagoo xusay in aanu adeegani ka jirin wadamo badan oo dunida hore u martay, isla markaana adeega Zaad uu yahay mid soconaya sidaa awgeed loo baahanyahay inay shirkadaha kale ee xawaaladuhu ka faa’idaystaan sida ay uga faai’daysanay shirkada qaran.
Sidoo kale waxa halkaa hadalo ka jeediyay Madaxweyne xigeenkii hore Somaliland oo xilagan ah gudoomiye xigeenka xisbiga mucaaridka ee UDUB, Axmed Yuusuf Yaasiin oo sheegay inay tahay wax lagu farxo horumarka shirkadaha iyo adeega cusub ee Zaad. Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay gudoomiye xigeenka xisbiga mucaaridka ee UCID  Aadan Mire Waqaf oo ka sheekeeyay sida ay uga faa’idaysteen adeega Zaad xiligii kaanbaynka doorashada madaxtooyada Somaliland. Sidoo kale xogahayaha guud ee Xisul xaakimka Kulmiye Keyse Xasan oo hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay xukuumadu soo dhowaynay wixii horumar ah ee dalka iyo dadka usoo kordhaya.   
Mudadii munaasibadu socotay waxa dadka madasha fadhiyay la weydiiiyay inta isticmaasha adeegaa, waxayna noqdeen dhamaan dad iyagu horeba u siticmaalay adeega Zaad. Kadib markii ay gacanta wada taageen, iyadoo tijaabo lagu sameeyay si loo tuso dadka in lacag laga soo diray debeda aad qaadan karto daqiiqado ka dib, waxa shan qof oo ka mid ah dadkii madasha fadhiyay laga qoray telefoonada, kuwaas oo shirkadu lacago aan saa u badnayn uga soo dirtay meelo kala duwan oo dacalada dunida ah, kuwaas oo mudo yar ka dib madasha ka sheegay inay heleen lacagahaa. 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *