Muqdisho(ANN)Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa wada hadalo la yeeshay hogaamiyaha garabka ka goostay dhowaan xarakada Al-shabaab Sh. Muqtaar Rooboow Abu Mansuur.  Xoggo  hoose oo laga helay kulamadaa labada dhinac ayaa tibaaxaya  inay 

  Shiikh Roobow Cali Abu Mansuur iyo hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xassan Daahir Aways kulamada u socda ay kaga  wada hadalayaan  sidii ay u samayn lahaayeen Urur iyaga u gaar ah, kaas  oo  loo bixiyo magac ka madaxbanaan Ururada ay hadda ka kala tirsan yihiin ee Xarakada Al -shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.
Wararka ayaa waxa ay sheegaayaan in maalmaha fooda inagu soo haya ay labadaa hoggaamiye Xassan Daahir Aways iyo Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ay ku dhawaaqaan Ururka ay damacsan yihiin inay samaystaan,  iyaga oo ga’aan saday inay isaga baxaan Al -shabaab iyo Xisbul Islaam,  isla markaan samaystaan Urur  labadaba qaybood ka madax banaan.

tibaaxo  aad ugu dhow labada masuul ayaa  xaqiijiyay  jiraanka heshiiska ay wada gaadheen  labada nin,  isla markaana waxay sheegeen in xilligan ay ku mashquulsan yihiin sidii ay ururin lahaayeen Ciidamadamadooda,  iyadoo dhaqhdhaqaaqooda ku saabsan arrintaa  laga dareemay Magaalooyin kamid ah Gobolada ay gacanta ku hayso  xarakada Al -shabaab.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa habeenimadii Talaadada gebi ahaanba iskaga  baxay Ciidamo si gaar ah uga amar qaata Shiikh Roobow Abu Mansuur, kuwaas  oo kasoo jeeda deegaanka uu kasoo jeedo ee Raxanweyn,  iyaga oo u baxay dhinaca Gobolada Bay iyo Bakaal.  Bixitaanka Ciidamadan ayaa siweyn looga dareemay Magaalada Beledweyne, iyagoo  Ciidamadu sii maray  Degmoooyin ay kamid tahay Buullo-Berde waxayna halkaa kasii  kaxaysteen qaar kamid ah Ciidamada Roobow ee ku sugnaa Degmadaa.

Sidoo kale Magaalada Jawhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe waxaa isla habeenkaa  ka  baxay ilaa inta la ogyahay Afar Gadhaari  in ka badan,   kuwaas  oo waday   Ciidamo katirsan Xarakada Al shabaab, balse ay wararku sheegayaan inay ahaayeen kuwo si gaar ah uga marqaata Shiikh Roobow oo kasoo jeeda deegaanka  Raxanweyn, waxayna wararku intaasi ku daraayaan in Ciidamadaasi ay cagta sii mariyeen Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelada dhexe,  iyaga oo horay uga sii kaxaystay Ciidamadamo kale oo deegaamada ay sii mareen  ku sugayey, iyagoo  usii gudbay  dhinaca Gobolada Bay iyo Bakool.

isla habeenimadii Salaasada ayaa la arkayay dhaqdhaqaaq dhinaca   Magaalada Marka ee xartunta Gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo ay iyana ka bexeen gawaadhi kuwa gaashaaman ah oo aan tiradooda la xaqiijin, kuwaas  oo ahaa kolanyo ka mid ah ciidamadda ka amar qaata Sheekh  Roobow, waxayna wararku sheegayaan inay u gudbeen dhinaca  Gobolka Bay. Wararka qaar ayaa sheegaya  inay Ciidamadda ka baxay Shabeelada Hoose ahaayeen Ciidamadda ugu badan, marka loo eego kuwa kasoo baxay  gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Magaalada Kismaayo ee xaruunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa sidoo kale ka baxay Ciidamo ka amar qaata Sh.  Roobow Abu  Mansuur, kuwaas sida wararku sheegayaan  sii maray  Magaalada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubbada dhexe,  iyaga oo halkaa  ka sii kaxeeyay  Ciidamo ku sugnaa Magaaladaa, waxayna waraka qaar sheegayaan inay maalintii Arabacdii  lasoo dhaafay ciidamadaasi gaadheen  qaybo kamid ah Gobolka Bakool.

Wararka laga helay kulamada Sh. Xasan Daahir Aways iyo Sh. Muqtaar Rooboow eek u saabsan samaynta Ururka cusub ayaa sheegaya  inay  xarun uga samayn doonaan meel kamid ah Gobolada Bay iyo Bakool, sidoo kale wararku waxay sheegaayaan in maamulkan uu damacsan yahay inuu helo ugu yaraan mid kamid ah dekedaha dalka si ay wax uga soo degaan.

Arrintan ayaa waxaa la sheegay in ay ku timi is afgarad dhexmaray labada dhinac oo muddooyinkan lahaa kulamo u gaar ah, hase yeeshee weli kama hadlin Xarakada Al shabaab marka laga reebo Guddoomiyaha Maamulka islaamiga ah ee Degmada Kismaayo Shiikh Xassan Yacquub Cali kaasi  oo maanta  shir jaraa’id ee uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ku sheegay in arrintaasi ay tahay mid been abuur ah,  isla markaana aanay waxba ka jirin.

labada Hoggaamiye ee Shiikh Xassan Daahir Aways  iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ayaa waxa ay kasoo wada shaqeeyeen meelo badan waxaana kamid ah meelaha ay kasoo wada shaqeeyeen Midowgii Maxaakiin islaamiga ahaa ee horaantii sanadkii 2006-da ka abuurmay Magaalada Muqdisho, kaas oo waqtigaa  ku faafay qaybo badan oo kamid ah Gobolada badhtamaha iyo koonfurta somalia.
Talaabadan ayaa keeni karta dhabar jab ku yimaada kooxda inata badan ku haysay koonfurta Somalia gacanta ee xarakada Al-shaab, iyadoo ay duba soo baxayaan warar sheegaya in awooda xarakada Al-shabaab oo mudooyinkii u danbeeyay kor u kacday wiiqantay, isla markaana ay hogaamiyaal badan oo ka mid ahi doonayaan inay deegaamadoodii ku noqdaan oo ay fadhiisimo ka samystaan.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *