Laasqoray (ANN) Muwaadiniin u dhashay Somaliland oo falal Afduub ah loogu qabsaday magaalada qadiimka ah ee ku taala xeebta dhinaca Bari Somaliland ee Laasqoray ayaa la filyaa inay soo gaadhaan magaalada Hargeysa maalmaha soo socda.
Shantaa qof oo ay koox dablay ahi ka qafaasheen Laasqoray todobaadkii hore ayaa shalay la keenay Laasqoray iyaga oo bedqaba. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dadk ku sugan deegaanka.
Suldaanka guud ee deegaankaa ayaa dhowaan u xilsaaray odayaal sidii loo soo deyn lahaa kooxdaa, iyadoo aan wax shuruuud ah lagu xidhin, waxaana shalay kooxdaa laga soo dejiyay Buuraleyda duleedka Laasqoray ee ay kooxda Afduubtay ku haysatay, iyadoo la geeyay magaalada Laasqoray, halkaas oo sida warar shebekada Araweelonews ka heshay deegaanka sheegayaan in maanta loo gudbinayo shantaa Nin dhinaca magaalada Badhan oo ay ku sugnaanayaan laba ilaa sadex maalmood, iyadoo la doonayo in loo iibiyo bedelka gaadhigii ay wateen oo ahaa nooca loo yaqaan Layla calawi, kaas oo galay dhawaac burbur ahi soo gaadhay markii ay Afduubayaashu kooxdaa doonayeen inay la baxsadaan. Kadib marii uu galay dhisme ku yaal magaalada.
Afduubayaasha ayaa markii hore ku dooday inay shantaa Nin oo shaqaale ka ahaa shirkada Isgaadhsiinta ee ee Nation link u afduubeen dad sida ay sheegeen kasoo jeeda deegaanka oo falal budhacad badeed loogu xukumay Somaliland, balse warar kale ayaa sheegayay inay sheekada Afduubka raggaa oo ku cusbaa dhaqanka Bulshada uu xidhiidh la lahaa siyaasado ganacsi oo u dhexeeya shirkadaha isgaadhsiinta oo ganacsigoodu ka awood badanyahay maamulada iyo dawladaha deegaamada dhulka Soomaalida.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380