Hargeysa(ANN)Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa go,aan kasoo saartay Nin sheegtay inuu yahay nebi, kaas oo dacwadiisu todobaadkii hore ka bilaantay maxkamadda gobolka hargesya. Garsooraha dacwadaa qaaday ayaa maanta ku dhawaaqay go,aanka xukunka Ninkaa oo ka kooban

saddex qodob.  Kadib markii uu dhegeystay   eedaha loo haystay Ninkaa oo sheegtay inuu yahay Nebi. Waxaana maxkamaddu ku  xukuntay ninkaa oo sida garsooruhu go’aankiisa ku sheegay  lagu helay inuu sheegtay nabinimo Shariif Cabdi Cawaalle (inatimiro), kaas oo ka yimi dhinaca Sooomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamada Degmadda  C/rashiid Beer-geel, ayaa ku dhawaaqay inay maxkamddu ku  xukumay eedaysane Shariif Cabdi Cawaalle (ina timiro) laba sanno oo xadhig ah iyo  ganaax lacageed oo laba Malyan oo shilin oo lacag ah. Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in ninkan dalka laga mastaafurin doono marka uu dhamaysto xukunkaa.
Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in ninkani uu dadka u sheegan jiray inuu ka dawaynayo Gabowga, hinaasaha, dhalmo la’aanta, hamad la’aanta iyo macaanka oo uu adeegsanayay ul yar oo uu sitay. Kaasi oo qofka marka uu saaro uu qofku miyir doorsoomi jiray, isla markaana uu sheegan jiray inuu yahay Nebi Khadar (CS).
Dacwad oogaha ka socday xafiiska  xeer Ilaalinta gobolka Yuusuf Caato ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in Ninkaa oo magaciisu yahay Shariif Axmed Cabdi  (Ina Timira Cawaale ) uu yahay Nin sheegtay Nebi isagoo ku doodaya inuu yahay Nebi Khadar(CS), isla markaana maxkamaddu dhegeystay dacwada kiiska ninkaa saaka  oo  lagu eedeeyay qodobka 342 XCG, oo ay ka furantay  dacwadu maxkamadda  Degmadda. “Maaha inuu sheegtay oo Keliya Nebi  Khadar ee waxa kaloo uu sheegtay inuu yahay Nebi Maxamed (CSW).” Ayuu yidhi  dacwad oogaha Yuusuf Caato.
Dhinaca kale go,aanka dawcada loo haystay Ninkaa ayaa xukunka garsooruhu kasoo saaray yahay mid fudud marka loo eego waxyaabaha  lagu eedaynayay, taas oo la rumaysan yahay inay sabab u tahay awooda maxkamadda degmada oo aan  soo saari Karin xukun ka baddan laba sannadood.

By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *